Guddoomiyaha UCID: Ma Keli-Telisnimaa Karkaarka Weydaarisay Mise Waa Qof Kal Furan? W/Q Siciid Gahayr.

0
Saturday June 01, 2019 - 18:54:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID: Ma Keli-Telisnimaa Karkaarka Weydaarisay Mise Waa Qof Kal Furan? W/Q Siciid Gahayr.

    Guddoomiyaha UCID: Ma Keli-Telisnimaa Karkaarka Weydaarisay Mise Waa Qof Kal Furan? W/Q Siciid Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha UCID: Ma Keli-Telisnimaa Karkaarka Weydaarisay Mise Waa Qof Kal Furan? W/Q Siciid Gahayr.

Dad badan oo ergo ah baa isoo wacay. Waa kuwo aan xurmo badan u hayo. Waxa aan ku idhi "Been iyo gef ma wado. Waan joojinayaa haddii aad qallooc ku aragtaan dhambaallada. Kolba inta aan doono cabbiraadda aragtidayda laga ergayn maayo, balln-qaadka waan fulinayaa”. Sidaas ayaan isku nabaadiinaynnay. Jaalleyaal badan oo mudan ah baa yidhi "Ramadaan haki”. Waxa aan u sheegay in runta la sheegi karo xilli walba. Waan ka xumahay in aan wacadkaasna ka baxo. Haddii lagu hanjabi lahaa in wax la iga qorayo: sida dhacday, waxa aan leeyahay "Nin durbaan qaatay, ilaaq dalbay”. 
Wallaaleyaal falcelintu waxa ay muujisaa, aan habkii quusinta u dhigo’e, in weedhaada ay u bogeen/dabbaal-degeen ciddii aad la rabtay iyo intii ku xeernayd. Waan la socdaa inaad u riyaaqdeen, oo aad igu hambalyayseen. Ummadduna waa ka marag, fasax buuxa ayaad u haysataan inaad i naqdidaan. Eegga sida Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaan keli-telis ahay, waxa aan wada-tashi iyo wada-hadal adag ka gelayaa in uu soo baxo Diiwaanka Hagardaamo: huqda iyo hantaaqda Faysal Cali Xuseen iyo in kale. 
Kollay xaggayga waxa baajintiisa ku xidhan shuruudo adag… Nin xog, xoog iyo xeelad ku meel marin kara soo-saariddiisana waan ahay.. 12kan aan ballan-qaaday iska illaawa, waa inoo 10ka Juun kaddib marka aan gudbiyo aashayda/ujeeddayda. Astaantaas macangagnimada iyo dad-maqalka ka uu dhankayga ku suntan yahay ayaan qormadan ku faallaynayaa.
Injineer Faysal isaga ayaa keligii jara talada xisbiga UCID. Ma rabo cid kale oo ku biirta. Sida uu Dr Cagaweyne ka warramay waxa 2003dii doonay in uu UCID ku biiro Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo watay shardi ah "Haddii aan madaxweyne kaa dhigo, ma igu wareejinaysaa UCID?”. Waxa uu yidhi "SAHAN oo bilaa Gabboose ah ii keena”. Ma oggola qof mansab iyo magac leh oo kala qaata hagista UCID. Haddii uu keli-telis jiro, kaalmaha ugu sarreeya ayuu ka gelayaa.


Dad badan oo ay ka mid yihiin Cabdi Ismaaciil (Mingiste) Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) iyo Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa UCID uga tegay awood-maroorsiga, maqal-la’aanta iyo xuurtada Faysal ku hayo Xisbiga. Marka laga yimaaddo in uu dhegaha awdanayo, waxa uu sameeyaa falal masuuliyiinta UCID ku dirqiya inay ka baxaan oo caragsi, liidid iyo xurmo-darro ah.

Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu noqday Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka UCID 2012ka, waxa uu ahaa nin aqoon ahaan, bulsho ahaan, dhaqaale ahaan, sumcad ahaan iyo taageero ahaanba dhisay. Isaga ayaa bixin jiray wixii kharash ku baxaya ololaha UCID ee Awdal/Selel. Waxa uu ka tegay markii Faysal iska yidhi "Illaa hadda iyaga ayaa murashixiin ah. Haddii murashixiinta UCID ay noqon waayaan qaar ku habboon hoggaaminta dalka, uma codaynayo, annaga ayaa siinnay fursad ay ku hadlaan. Waxay ahayd inay xilliga ololaha uun hadlaan”. Jamaal Cali Xuseen ayaa kaga jawaabay "Faysal wuxuu la mid yahay diyaaraddii Hargeysa ka kacday ee Hargeysa duqeeyay. Lama arag Guddoomiye Xisbi oo yidhaahda u codayn maayo murashixiinta UCID”

Doorka Cabdirashiid Xasan Mataan ee UCID waxa laga garan karaa taageeradii Xisbigu ka helay AwdaL/Selel 2012ka oo la barbarhigo intii uu ka helay 2002, 2003, 2010, 2005 iyo 2017. Markii uu Xisbiga ka baxay waxa uu Faysal yidhi "Salaatu-shugri ayaan tukaday” waayo isaga ayaa sabab u ahaa bixitaankiisa. Ma marka aad boqnaha is-goyso ayaad Ilaahay u mahadnaqdaa? Ma ninkii ka murugoon lahaa adhaxda uu is-jaray ayaaba sujuudaya? Ma xumaha aad samayso ayaa Eebbe loogu mahad-naqaa?
Is-adkayntu waxa ay seejisaa dad badan oo Xisbiga fadhiidka sed iyo saami u kordhin lahaa. Dr Cagaweyne, Dr Ismaaciil Cali Aw Jaamac, Siyaasi Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Cabdillaahi-Yare) iyo aqoonyahanno ka soo jeeda beesha Faysal Cali Xuseen ayaa mar ku wada biiray Xisbiga KULMIYE, waxaanay dhallinyaro deegaanka ah ku guubaabiyeen inay Xisbiga kula biiraan, waxa ka mid ahaa Mawliid Muuse Dacar Guddoomiye-ku-xigeenka WADDANI ee Maroodijeex. Barbaarti waxa ay ku yidhaahdeen "Miyaad ka mid noqotaan UCID. Kollayba siyaasad iyo xigaalnimo ma kala durkaan?”. 
Waxa ay yidhaahdeen "Faysal waanu u tagnay. Waxa aanu ku nidhi ‘Maxaad xisbiga nooga oggoshay?’.  Waxa uu yidhi "Waxba idiinkama oggoli”. Waxa aanu u tagnay Siilaanyo oo aanu isagana intii ku nidhi Maxaad xisbiga nooga oggoshay?’. Waxa uu yidhi "idinkama lihi”. Markaas ma ninka sidaas leh ee aan cidba u baahnayn ayaan ku biirnaa?’. Qaar ka mid ah da’yarti way ku qanceen doodda odayaasha, waxaanay kula biireen KULMIYE.

Injineer Faysal Cali-Waraabe waxa uu ka mid ahaa guddi ka-qayb gasha wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa se ergadaas laga reebay sannadkii 2013ka. Waa kaddib maalmihii uu sida gaarka ah ula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu cambaarayn u jeediyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna iska difaacay. 
Qof ahaantayda waxa aan Email kula xidhiidhay Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Danjire Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ahaa Safiirka Wareega ee Somaliland. Dulucdiisu waxa ay ahayd "Haddii ay Faysal isku dhaceen xukuumadda, keligii xisbiga UCID ma aha, maxaad ugu dari weydeen qof kale, si aan loo moodin in xukuumaddu wax qarsanayso oo ay mucaaridka uga dhuumanayso?”.
Si xalkasnimo leh ayay iigu soo warceliyeen. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu yidhi "Waxa aanu xubin xil sare ka haya Xisbiga ku nidhi ‘Ka soo qaado Faysal warqad oggolaansho inaad UCID metesho ah” waana loo diiday. Markaas Faysal wuu u diiday. Wuxuu u arkaa inay sax yihiin haddii uu ku jiro, qaladna ay tahay haddii uu ka maqan yahay. Hawsha qaranku qof uma joogsanayso”. Isla Faysal ayaan ku idhi "Miyaad cid kale hawshaas u xilsaartid, haddii aad xukuumadda isku dhacdeen… Kol uu aniga noqdana” kama soo war celin.. 

Waa kuma qofka ay xukuumaddu ku xidhay oggolaanshaha Faysal? Siyaasaddu way bac iyo shaki badan tahay, haddii aan magacaabo, waxa aan ka cabsi qabaa in uu Faysal ka shakiyo in aan xogtan siiyay, oo ay isku dhacaan.. Waan ka boodayaa. Xilliyadaas waxa uu ku hanjabay Faysal "in ay keligood (UCID) wada-hadal la geli doonaan Soomaaliya” waxaanu ahaa hadal ay madaxda Xisbigu isku maandhaaftay.

Nin UCID ka mid ah oo reer Burco ah baa yidhi "Waxa aanu isku ogayn in aanu Togdheer isu raacno, waanu iga tegay. Mar uu Berbera marayo ayaan wacay. Wuxuu yidhi "Miyaanad nala socon, iska daa annaga ayaa soo dhammayn doonna hawsha”. 
Faysal Cali Xuseen cidi kama ab wacna, adduunna uma liiceene, arrin-xumada ayaa abaar ka daran. Waxa halkaas dhigay keli-telisnimo lafta iyo dhuuxa kaga jirta. Waa astaan dhadhisay in uu meel gaadho..
Naar naar3


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured