UCID: Illaa Goorma Ayuu Sii Ahaanayaa Laan-hoosaad (Sub Station)? W/Q Siciid Gahayr.

0
Wednesday May 29, 2019 - 21:11:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UCID: Illaa Goorma Ayuu Sii Ahaanayaa Laan-hoosaad (Sub Station)? W/Q Siciid Gahayr.

    UCID: Illaa Goorma Ayuu Sii Ahaanayaa Laan-hoosaad (Sub Station)? W/Q Siciid Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UCID: Illaa Goorma Ayuu Sii Ahaanayaa Laan-hoosaad (Sub Station)? W/Q Siciid Gahayr.
Horta aan is-barraxo, anigu saddexda xisbi midna kuma jiro. UCID waxa aan ka baxay 2016kii markii uu Mr 4% isu cumaamaday murshaxa madaxweyne. Ma gelin Xisbiga WADDANI, waxa aan se taageeray doorashadii Madaxtooyada 2017ka. Haddii weliba aad WADDANI ii tuhmi lahaydeen, waxa badnayd inta aad aragteen aniga oo dhaliilaya. Mararkaas waxaa laa iigu yeedhay naanaysaha caanka ah ee jaariyad iyo jin-dagaagay. Kuma biirin Xisbiga KULMIYE. Miyaanu gorgortan ka horrayn? 
Haddii………………. Ma aha in la akhriyo damaca siyaasiga ah: haddii uu jiro.. Haa, haddaa maxaad UCID ku leedahay? Waxa aan jecelahay in uu ahaado xisbi dheelli-tira saddexda dhadhaar ee Xisbiyada Somaliland, oo leh mabda’, rabitaan, himilo iyo higsi, taasina iima muuqato isaga oo jiray muddo 18 gu’ah.


Xisbigii UDUB ayaa shirweynihiisa ku qabsaday Hoolka Haayadda Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa Julaay 2001dii, waxa ku xigay UCID oo Xaraf Hotel shirkiisa ku qabsaday bil kaddib ama Ogos 2001dii. Kaddib waxa la unkay ururro ay ka mid ahaayeen SAHAN, HORMOOD iyo qaar kale. 

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo markaas ahaa mucaaridka ugu adag ee xukuumaddii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu ururradaas ku sheegi jiray laan-hoosaad "Sub station”. Mana uu diiwaan-gelin ururkiisa illaa uu Madaxweyne Cigaal geeriyooday 3dii Mey 2002da Eebbe godka ha u nuuro. Waxa uu rumaysnaa in Cigaal kursiga lagaga heli karo hannaankii doorashada ee beelaha.
Marar badan ayaa habdhqanka UCID ay kaaga muuqanaysaa in uu yahay laan-hoosaad. Tusaale ahaan sannadkii 2006da, iyada oo la dhisayo Guddidii Doorasahda ee Labaad ayna ka mid noqdeen Jaamac Sweden, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Kaba-weyne, Marxuun Ina Looshade, Marxun Axmed Xaaji Bidaar, Maxamed Aw Yuusuf Axmed iyo qof kale ayuu Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ee waagaas Md Axmed Maxamed Siilaanyo ka maagay in uu xubintiisa soo magacaabo.

Axmed-Siilaanyo kollay "Madaxweyne” kuma odhan jirin Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu yidhi "Ina Rayaalow waxa aad tahay Murashax Madaxweyne, anigu waxa aan ahay Murashax Madaxweyne. Sidee ayaad u soo magacawdaa saddex xubnood, aniguna aan mid u keenaa?”. Dooddiisu waxa ay barriiqatay markii uu Injineer Faysal Cali Waraabe si degdeg ah u magacaabay xubintiisa.

Waxa la yidhi "Meyd maxaa u dambeeyay?”. Iyo "Kaas la sii sido”. Doodda ugu adag maanta ee u dhexaysa Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI waa tirada iyo dhismaha guddida doorashooyinka qaranka. Faysal Cali Waraabe waxa uu muddo riwaayad la jilayay Xisbiga WADDANI, waa maalmihii uu shirkii Baljimka kala qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) kala qayb galay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi "Kuma wada soconno, mana uu metelaynnin Somaliland” waxa waxoogaa laga soo xidhay albaabka madaxtooyada. Markaas dadku waa ay xasuustaan hadalladiisa. Markii loo furay irridaha, waxa uu bilaabay halkii uu isu-soo-dhawayn ama dhexdhexaadin ka geli lahaa in uu dhinac raaco. Sidii uu KULMIYE dhabarka uga jebiyay 2006da ayuu maantana, adhaxda uga wareemayaa WADDANI.

Sannadkii 2009ka waxa Somaliland ka dhacay mudaharaaddo u badnaa Hargeysa, waxa la isku hayay diiwaan-gelinta madaniga ah iyo muddo-kordhin ay markii saddexaad Golaha Guurtidu u hadal-hayeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Xisbiga KULMIYE waxa uu arrinkaas ka istaagay meel adag. 

Waxa ay aragtidaas ku wada socdeen Xisbiga UCID. Mar keli ayuu Injineer Faysal Cali Waraabe ka baxay axdigii ka dhexeeyay KULMIYE. Ugu dambayntii waxa lagu dhexdhexaadiyay 6 qodob oo ay beesha caalamku ka ergaysay.
Adduunyada waxa caan ah inay wada shaqeeyaan Xisbiyada Mucaaridka ahi, si loo wiiqo awddooda xibiga talada haya. Faysal Cali Waraabe waxa uu sannadkii 2010ka magaalada Boorama ka yidhi "Haddii aad u codayn weydaan UCID u codeeya UDUB”
KULMIYE waxa uu markaas ballan-burinta iyo weerarka Faysal kula socday odaynnimo, waayeelnimo iyo dulqaad. Waxa hadimadiisa sheegi jiray xertii KULMIYE qaarkood "Kaas ayuu nagaga baxay, kaas ayuu buriyay. Sidaas haddii uu yeelo ma aannu liicneen”. Abwaan Axmed Maxamed Nuur (Dhako) oo astaynaya habdqankii Axmed-Siilaanyo ee wakhtigaas ayaa maansada "Siilaanyaa gabyoo yidhi” ku yidhi:
"Faysal geeddigiisiyo
Guurguuristaan
Ka geyoonba waayoo
Wuxuu gebi-dhac-leeyaba
Waxa aan daba-gucleeyaba
Isagana gantada sudhay”
Marka Xisbi la samaynayo waxa habboon in uu ku dhisnaado aragti iyo yool uu higsanayo. Ma aha in uu u muuqdo mid ku-xumayn, dhabar-ka-jebin iyo naxli u unkan. Waa in uu noqdo mid gaarkiisa u taagan oo talo iyo goaan gaadhi kara. Maxaa keenay in uu marba u xagliyo Xisbiga talada hayaa? Taasi miyaanay dheelli ku ahayn hannaankii saddexda xisbi u dhisnaayeen?
Shaqada Xisbigu waa tartan run ah, toosin haddii uu mucaarid ahay, waxqabad haddii uu mucaarid yahay iyo metelaadda ummadda codka siisa. Xisbiga UCID wuxuu gebi ahaan ka leexday jidkii loogu codeeyay 2002da, waxaanu gebi ahaan ka baxay axdigii uu kaga soo baxay tartankii ururrada ee 2012ka. Waxa uu gebi ahaan u muuqdaa agab ay qof iyo qofaf u adeegsadaan danahooda gaarka ah.

In uu Xisbiga UCID noqdo dhexdhexaadinta iyo dhan-raacista xisbiyadu waa mawduuc kale. Waa in markaas uu ahaado Xarunta Xallinta Khilaafaadka Qaranka. Tan iyo kuwii hore waa hordhac, waxa aan 12 qormo oo dambe oo naar-naar ah ku eegi doonaa Xisbiga UCID iyo Guddoomiye Faysal Cali Xuseen haddii Alle idmo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured