"Ramaax oo Xilkii Waayay Waa Saajinkii Odwayne oo Mijintii Waayay uun eh ha la Yaabin". Siyaasi Cali Guray

0
Tuesday May 28, 2019 - 21:50:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ramaax oo Xilkii Waayay Waa Saajinkii Odwayne oo Mijintii Waayay uun eh ha la Yaabin". Siyaasi Cali Guray

    "Ramaax oo Xilkii Waayay Waa Saajinkii Odwayne oo Mijintii Waayay uun eh ha la Yaabin". Siyaasi Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ramaax oo Xilkii Waayay Waa Saajinkii Odwayne oo Mijintii Waayay uun eh ha la Yaabin". Siyaasi Cali Guray
RAMAAX OO XILKII WAAYAY WAA 
SAAJINKII ODWAYNE OO MIJINTII WAAYAY 
Kkkkkkkkk Ramaax  wuxu I xasuusiyay saajinkii Oodwayne. Shookiga (Saldhigga Bilayska) Odwayne ayaa waxa la idhi waxa haysan jiray saajin bilayska ahaa. Saajinku mijin jaad ah ayuu gelinka dambe ku qayili jiray. Markuu soo qadeeyo ee mijinta u fadhiisto ayuu sheekeeyaa uu filim barwaaqeeye ah u saaraa saaxiibadiisa la fadhiya. Miyaa ogtihiin in dhulkeenu badrool ka buuxo. Anigu ka xidhka saliidda ka soo fatahay in aan cadayga daray baa walaahiya Odwaynahan aynu joogno ayuu hoos ceegaagaa. Hadana wuxu yidhaa dunidan is wada haysataa ma waxa moodaysaan inay wax kale isku haysataan saw wankeenan madax madow maaha waxa la isku haystaa.
Berigaa baabuurka jaadku Odwayne kumuu leexan lirin ee Go’da ama Xaqeeya-malaas ayaa lagala soo lugayn jiray. Maalinta jaadku raago ee ama baabuurku dhexda kula jabo ama roob da’o ayuu casarka makhaaydda soo fadhiistaa isagoo haamaansanaya. Wuxu ka bilaabaan Odwayne oo intuu sidaa u eego yidhaa; bal tanay leeyihiin waa dhistari (Degmo) hadda waxa la  moodaa dundumooyin aboor ilka-wayne ahi dhisay. Kolkuu Odwayne digada ka dhiga ayaa saaxiibadiisii la qayili jiray waydiiyaan saajin hebelow bal badroolkii ka warran dalkeena ku jiray.Tee badrool ku jiraa ma tan? todoba axdiga Ilaahay gaalkii riigga ku taagay dhegaha ayay malaxi ka timi waar badroolna kuma jiro eh meeshu naartay u dalooshaa.
Hadda ninkii Ramaax sawkan saajinkii Odwayne noqday. Shalay markii uu xilka hayay waxanu isku haysanay wax baa qaldan iyo ma jiraan wax qaldani ee wax walba 200% ayay sax yihiin oo saajinkii buu ahaa oo mijintii hayay. Maantana wax waliba way qaldan yihiin oo wax keliya oo sax ahiba ma jiraan. Ramaax oo xilkii waayay waa saajinkii Odwayne oo mijintii waayay uun eh ha la yaabin
Ramdaan Kariim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured