Taariikhda ayaa Xusi Doonta Sida ay Saxaafada Madaxa baanaan ugu Hiiliyeen Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADANI,Gudoomiye Ku xigeenka Sadexaad ee UCID iyo Mujaahid Boobe.

0
Sunday June 16, 2013 - 12:22:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda ayaa Xusi Doonta Sida ay Saxaafada Madaxa baanaan ugu Hiiliyeen Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADANI,Gudoomiye Ku xigeenka Sadexaad ee UCID iyo Mujaahid Boobe.

    been ma sheegto taariikhdu, ma mukooto taariikhu, mana baqato taariikhdu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

been ma sheegto taariikhdu, ma mukooto taariikhu, mana baqato taariikhdu. been ma sheegto taariikhdu, ma mukooto taariikhu, mana baqato taariikhdu.

xoghayaha warfaafinta xibiga WADANI Maxamed Xasan Diriir wuxuu si adag u canbaareeyey xayiraadii ay maxkamada gobolka ee hargeysa saartay wargeyska madaxa banaan ee HUBAAL oo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah isagoo xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADANI carabka ku dhuftay marka la eego sida

ay wax u socdaan inay muuqato in aan loo sinayn sharciga iyo in ay meesha ka muuqato in ay hayadii qarsoorka oo ay madax banaanideedu ku cadahay distoorka qaranka in ay ku milantay ama ay qayb ka noqotay hayadii fulinta ,iyada oo ay meesha ka baxday dhex dhexaadnimadii hayada garsoorka, arintaasina waxay keeni kartaabuu yidhi xogyahaya warfaafintu ee xisbiga wadani in uu dheeliyo hanaanankii dawladinmo iyo kii dimuqoraadiyeed labaduba.


sidoo kale gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga ucid muj. cali maxamed yuusuf cali (cali guray) oo isaguna xukuumada siilaanyo ku eedeeyey qaabka kaliya ee ay xukuumadu daboolka ku saari karto wareerkii hore ay ugu qaadeen wargayska hubaal qaar ka tirsan booliska somaliland oo ay daba ka riixayaan masuuliyiin xukuumada ka tirsan in ay tahay in gabi ahaanba albaabada loo laabo wargayska hubaal.

hadaba saaxiibayaal saxaafada madaxbanaan waa siri-daari, wax badan oo ka qarsoon dadwaynaha ayey ogtahay, ninkasta oo ku fadhiista kursiga madaxwaynenimo oo is yidhaahda mar haddii halkii ugu saraysay aad gaadhay saxaafada madaxbanaan waad cabudhin kartaa waxa hubaal ah in uu kale kulmaayo guldaro aanu ka soo waaqasan karin, markaa kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

Curd Waldahaim wuxuu u dhashay dalka usteria, waxaana laba jeer loo doortay jagada xog-hayaha guud ee qaramada midoobay, intii u dhaxaysay 1972-kii ilaa 1982-kii markaa ka dib CURD WALDAHAIM wuxuu u tartamay doorashadii madaxweynimo ee dalka AUTERIA EE DHACDAY 1985-KII isaga oo intii uu ololaha ku jiray saaxiib dhaw la ahaa saxaafada madax banaan sidii siilaanyo oo kale markii uu ololaha daarsahda ku jiray.

hadaba markii uu CURD WALDAHAIM xilka madaxweynimo ee Austeria hayay mudo kooban oo laba sanno ku dhawaad ah ayuu bilaabay cabudhinta saxaafada sidan siilaanyo oo kale markii uu curd waldahaim ku sii adkaystay cabudhinta saxaafada waxay saxaafada madaxa banaan ee Austeria soo bandhigtay cadeymo muujinaya in curd waldahaim uu ka mid ahaan jiray uu ka mid ahaan jiray naasiyiintii jarmalka xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunidu gudoomiyena ka ahaan jiray mid ka mid ah wershadihii ugu waaweynaa ee lagu xasuuuqi jiray yahuuda fadeexadana waxay sababtay in markii ba uu curd waldahaim si deg deg ah iskaga casilay xilkii madaxweynenimo ee loo doortay iyo in uu markiiba uu ku dhacay xanaanuunka shakiga ama khaakhayiraada loo yaqaano waxaana aqli xumo hadii uu nin kasta oo kursi madaxweynenimo ku fadhiistaa uu shaki la´aan isku qanciyo waxaad tahay ceeb ka saliim oo umada oo dhami adiga ayay ku baahan tahay ee adigu cidna uba baahnid.

hadaba akhristow markii ay fadeexadani soo dibad baxday waxay aduunyadu su´aal weydiisay saxaafada madaxa banaan ee usteria su´aahaasina waxay ahayd curd waldahaim mudo toban sanadood ah ayuu ahaa madaxweynaha aduunka ,hadii aad waxan oo dhan aad ogeydeen maxaad aduunka ugu qariseen ee aad mar horeba u soo bandhigi weydeen markii uu curd waldahaim u tartamayay ama uu ku fadhiistay kursiga xoghayaha guud ee qaraamda midoobay.

hadaba jawaabtii ay saxaafada madax banaan ee usteria ka bixisay su´aashaasi waxay ahayd qofkasta oo reer usteria ah oo caalamka u shaqo tegaya anagu ka daba qayli mayno waxanu se fadaeexadiisa soo bandhigaynaa marka uu usteria dib ugu soo noqdo,hadii loo fiirsdo madaxweyne siilaanyo iyo wasiiradiisa waxay leeyihiin qod daloolooyin iyo ceebo faro badan oo ay saxaafadu qarinayso hadii cabudhinta saxaafadu ay sidan ku sii socotana waxaa lama huraan noqon doonta in ay saxaafada madax banaani ay umada u soo bandhigi doonto fadeexado uu miisaankoodu weyn yahay oo ku wajahayn madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadiisa.

hadaba isku soo wada duuboo Taariikhda ayaa Xusi Doonta Sida ay Saxaafada Madaxa baanaan ugu Hiiliyeen Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADANI,Gudoomiye Ku xigeenka Sadexaad ee UCID iyo Mujaahid Boobe.

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured