Siilaanyo Markii Uu Wasiirka Ka ahaa Xukuumadii Cigaal Wuxuu Ka Hinaysi Jiray Marka Cigaal Burco Uu Diro Cabdi Aw Daahir iyo C/laahi Maxamed Ducaalle,Maanta Shaqadii Madaxweyne Ku Xigeenka Xirsi-baa Haya.

0
Sunday June 16, 2013 - 12:19:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siilaanyo Markii Uu Wasiirka Ka ahaa Xukuumadii Cigaal Wuxuu Ka Hinaysi Jiray Marka Cigaal Burco Uu Diro Cabdi Aw Daahir iyo C/laahi Maxamed Ducaalle,Maanta Shaqadii Madaxweyne Ku Xigeenka Xirsi-baa Haya.

    akhristayaal waxaa hubaal ah in ay taariikhdu aysan marnaba duugoobin oo waqti kasta ay taagan tahay ,markaa akhristayaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

akhristayaal waxaa hubaal ah in ay taariikhdu aysan marnaba duugoobin oo waqti kasta ay taagan tahay ,markaa akhristayaal akhristayaal waxaa hubaal ah in ay taariikhdu aysan marnaba duugoobin oo waqti kasta ay taagan tahay ,markaa akhristayaal madaxweyne siilaanyo oo horey u soo ahaa gudoomiyihii jabhadii SNM ,isla markaana wasiir ka ahaa xukuumada Allaha u naxariistee madaxweyne cigaal iyada oo labadaa waqti ee hore la hayo taariikhdisii oo dhan ayaan maqaalkan jecelahay in aan ku soo bandhigo wax yaahihii uu kaanka ku ahaa siilaanyo waqtigii uu wasiirka ka ahaa xukuumadii cigaal ,hadaba hadii aynu wax yar oo kooban ka soo qaadano waqtigii cigaal wax yaabihii uu caanka ku ahaa siilaanyo ayaa waxaa ka mid ahaa.


1: markasta oo magaalada burco ay ka dhacaan qalalaase samayn ku yeesha arimaha gobolka ayuu madaxweyne cigaal wuxuu u diri jiray wasiiradii xiligaasi oo inta badan uu cigaal u diri jiray Cabdi Aw Daahir Cali iyo C/laahi Maxamed Ducaalle si ay u soo furdaamiyaan qalalaasahaasi markaa ka taagnaa gobolka togdheer ,hadaba xiligaasi siilaanyo oo wasiir ka ahaa xukuumadaasi cigaal ayaa waxa uu ka hinaysi jiray labadan wasiir ee uu cigaal u diray magaalada burco ,waxana uu siilaanyo ku calaan cali jiray aniga oo ah odeygii burco muxuu cigaal iigu diri waayay ,waxaanu samayn jiray in uu kooxo odayaal ah iyo dhalinyaro si hoose ugu kicin jiray wasiiradaasi la diray balse madaxweyne cigaal oo ka horeeyey aragtida siilaanyo ayaa isla xiligaasi u digi jiray oo odhan jiray siilaanyow faraha kala bax qabayaalda aad ku kala qaybinayso dadka walaha ah ee wada dega gobolka togdheer.

2: waxa kale oo uu caan ku ahaa sidii uu dadweynaha walaha ah ee wada dega gobolka iskaga horkeeni lahaa isla markaana siilaanyo wuxuu caanku ahaa qabyaalada oo uu si xun u isticmaali jiray xiligaasi,isaga oo markii danbi ogaadey in uu cigaal dabacsan yahay in uu xilka ka qaado ayuu yidhi waan xanuusanayaa oo xilka ayaan iska casilayaa balse ujeedadiisu waxay ahayd markii uu siyaasada ku fashilmay in uu iskaga fadhiisto balse markii uu madaxweyne cigaal ay ku timid geeridii xaqa ahayd ayuu soo laba kacleeyay siilaanyo.

hadaba akhrsite siilaanyo wax yaabahaasi iyo waxyaabo kale ayuu caan ku ahaa oo ma soo koobi karno laakiin waxanynu hadba mar wax yar ka soo qaadan doonaa taariikhda madaw ee siilaanyo uu leeyahay ,iyada oo hada aad wada og tihiin mudadii uu siilaanyo xilka hayay dhibaatooyinka waaweyn ee dalka ka dhacay sida tahriibtii oo xadka ka baxday oo maraysa meel aan loo dulqaadan kari ,iyada oo aan baaq u soo jeedinayo dhalinyarada tahriibaysa oo aan leeyahay intaad tahriibaysaan waa inaad samaynsaan kacdoon ka dhan ah xukuumadan hoyga u noqotay qabyaalada,musuq-maasuqa,boobka hantida umada,sixir bararka maceeshada ku dhacay ,eexda iyo maamul xumida oo hadii aad tegto wasaarada aad ku arkayso qof aan weligii aan xitaa shaqaale dawladeed noqon ama aan wax xog ah ka hayn hanaanka dawladnimo ,iyada oo maamul xumiadaasi ay horseed ka yihiin siilaanyo iyo kooxda yar ee ku xeeran oo dalkii u wada meel aan la garareyn.

Qalinkii:Aqoon yahan Jaamac Cilmi jiir

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured