"Qaranimadda iyo Qalbi jabka Siyaasaddu yaanay iskaga kiin ekaan". Jamal Cali Xuseen

0
Friday May 17, 2019 - 18:50:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qaranimadda iyo Qalbi jabka Siyaasaddu yaanay iskaga kiin ekaan". Jamal Cali Xuseen

    "Qaranimadda iyo Qalbi jabka Siyaasaddu yaanay iskaga kiin ekaan". Jamal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaranimadda iyo Qalbi jabka Siyaasaddu yaanay iskaga kiin ekaan". Jamal Cali Xuseen
"18 ka May waa maalin taarikhi ah Oo ku suntan nabadgelyo. 1991 kii waa maalintii ay heshiiska gaadheen beelahii Waqooyi deganaa maadaama ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waana taa weli shaqaynaysa ee aynu nabadda ku jirno ee dib loogula soo noqday xornimaddii 1960 kii ay British Somaliland Ingiriiska ka heshay.  Burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib 1991 kii badelkeedda Koonfurtii Soomaaliya maalin sida 18 ka May Oo ay nabad ku heshiisay Ma jirto. Tirabba dhowr iyo toban shir ayaa Koonfur loo qabtay welina nabadgelyaddii 18 May ee ay beelahu ku heshiiyeen Ma hayaan. Maamuladda qaar ayaa nabadgelyo iyo nidaam dawladeed sameystay Oo ay tahay in loo qiro sida Puntland Oo iyaduna nabadgelyo iyo nidaam sameysatay iyagoo leh maalin gaara Oo ay u dabaal degaan. Haddaba ta 18 May ee Somaliland Waxay kaga duwan tahay iyadu nabadda ay beelahu qaateen ka sakow waxay dib go'aan Ugu gaadheen in Qaranimaddii ay 1960 la soo celiyo. Gobanimaddii ay Ingiriiska ka qaateen ee iyadoo aanay cidina khasbin ay dhulka u dhigeen si 5ta Soomaaliyeed loo mideeyo, ayeey kolkay arkeen ujeedaddii midowga ee 5 ta Soomaaliyeed uu meesha ka baxay dagaalo xun Oo sokeeyana ay gebi ahaan geyigii hadheeyeen, dayuuradihii dawladii Soomaaliyeedna ay garaaceen shicibkii masaakiinta ahaa, dadkiina markay soo noqdeen ay ku maraaro dilaaceen burburka guryahoodii ayeey shucuurtii ay Ugu khasbeen siyaasiyiintooda in 1960 kii Xamar la tago ayaa shucuur ka soo horjeedaa 1991kii ay mar kale siyaasiyiintii ku khasbeen gooni isutaagii ama dib Ila soo noqoshaddii lagu dhawaaqay 18 ka May. 


Haddaba waxa lays wiidanayaa Shacabka Somaliland 28 sanadood Ma ku qanacsan yihiin halka ay wax marayaan? Iyadoo nabaddu ay shay qaaliya tahay ayaa waxaad moodaa in madaxdii dalku aanay u haynin shacabka in dhaafsiisan nabaddii ay odayaddii hore ka soo shaqeeyeen. Qaranimadda iyo qalbi jabka siyaasiyiintu way u kala suntan yihiin shacabka. Iyagoo haddaba shacabku jecel qaranimaddii ay gaadheen 18 May ee sababtay nabadda ay haystaan haddana waa mid aan layska indho tiri karin qalbijabka siyaasiyiinta ee sababay cadaalad daro, sharci ku tumasho, arxan daro, musuqmaasuq, kartidaro, biyo la'aan, nidaam la'aan, aragti fog Oo dalka lagu hogaamiyo, baayacmushteri iyo dawlad is bahaystay Oo shicibkii boobaaya, qabyaalad xadhkaha goosatay, aqoonsi aanay cidiba doonin ee ku soo ururay maalinta weyn ee 18 ka May. Haddaba shacabka Somaliland hanbalyo ayaan leeyahay 18 May Oo ah maalin weyneenteeda leh Oo aynu 28 sanadood Nabad ku jirno; laakiin haynooga ekeysiinina wixii markii horeba aynu inagu ka soo cadhoonay. Waa in loo sinaado khayraadka iyo dawladnimadda dalka weliba ay beesha dhexe wax badan tanaasusho si loo helo wadan cadaalad ah Oo la wada leeyahay. Colaadna yaan la tusin dadka kale ee aynu walaalaha nahay ee Somalia. La xisaabtama kuwa aad xilka u dhiibataan yaan qiiro yar iyo wax beri hore dhacay laydinku mashquulinin. Shicibka Somaliland boodhka hayska tumo, hareerahana ha eegaan. Ramadaan Kareem wa bilaahi tawfiiq". 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured