"Taagii Labaad oo Casriya Ayaannu Insha Allah Keenaynaa 2020-ka Iyo Doontii Baylood Boutka... Koontiinaradii kasoo deggi jiray Dekeddu waxay ahaan jireen 1400 Bishii, Maantana waxay Marayaan 15000,-kun ilaa 16000-kun" Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Wednesday May 15, 2019 - 21:17:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Taagii Labaad oo Casriya Ayaannu Insha Allah Keenaynaa 2020-ka Iyo Doontii Baylood Boutka... Koontiinaradii kasoo deggi jiray Dekeddu waxay ahaan jireen 1400 Bishii, Maantana waxay Marayaan 15000,-kun ilaa 16000-kun" Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    "Taagii Labaad oo Casriya Ayaannu Insha Allah Keenaynaa 2020-ka Iyo Doontii Baylood Boutka... Koontiinaradii kasoo deggi jiray Dekeddu waxay ahaan jireen 1400 Bishii, Maantana waxay Marayaan 15000,-kun ilaa 16000-kun" Maareeyaha Dekeddaha S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taagii Labaad oo Casriya Ayaannu Insha Allah Keenaynaa 2020-ka Iyo Doontii Baylood Boutka... Koontiinaradii kasoo deggi jiray Dekeddu waxay ahaan jireen 1400 Bishii, Maantana waxay Marayaan 15000,-kun ilaa 16000-kun" Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Maanta Qaar Kamid ah Warbaahinta kula hadlayey Xafiiskiisa, ayaa ka Warbixiyey Horumarka baaxada leh, ee ay ku talaabsatay Dekedda Berberi.
Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo sharaxaaya isbedelka horumarineed ee Dekedda Berbera, waxa uu yidhi, 
"Koontiinarada kasoo deggi jiray Dekedda Berbera, waxay ahaan jireen 1400 Bishii, Maantana waxay Marayaan 15000,-kun ilaa 16000-kun, oo Koontiinar, waad darreemi karaysa, waanad dareemi karaysa faraqa u dhexeeya inta uu leeg yahay.
Waqtiyadii hore waxa Dekedda ka dhici jiray dhaawacyo badan oo soo gaadhi jiray Shaqaalaha Dekedda Berbera, Alxmadulilah Maanta dhaawacyadii soo gaadhi jiray way yaraadeen, sabaabta oo ah, tayeyn badan oo lagu sameeyey shaqalaha iyo badbaadooda oo aanu ahmiyad siinnay si nafaha dadka loo badbaadiyo, iyanna ay isu badbaadiyaan".
Dekeda Berberi waxay awal u shaqayn jirtay hab lookal ah, Hase-yeeshee Maanta waxay uu shaqaynaysaa hab heer caalamiya, isla markaana la haan-qaaday dekedaha Caalamiga ah, Waxanaad Maanta Dekedda Berbera ka helaysaa Adeegyadii ay lahayd Dekeddi oo dhan %90 way u dhan yihiin".
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi mar uu ka hadlaayey balaadhinta Dhismaha Dekeda Berbera waxa uu yidhi, "Waad la socotaan in Dekedii 400-miter ahayd Dhismaheedu socdo, dhamaan doontana Insha Allahu 2020-ka, intaa badan qalabka Dekedda lagu dhisaayo, iyagoo Xidh-xidhan ayaa la Keenayaa, imikaa waxanu diyaarinay Niman ah kuwa quusa, oo Tabobarkii u socdo.
Sidaan horeba u sheegay Dekedii waa bilow, qodi-taanka xaga bada ee Mariinku wuxuu bilaabmayaa Jun dhamaadkeeda ilaa Ogos ayuu soconayaa, sidaasanay insha Allah ku gebogebaysaa.
Dhowaan wanagii keenay Wiishashkii waaweynaa oo midkiiba yahay, 120-kun oo Tan, kuwasoo awood u leh inay waxna roggaan waxna raraan...
Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Baylod Boutka gacantaa lagu haya oo waa la dhisaya, sidan horeba u sheegay, waxana lagu dhisaya dalka Erland, 15 qofbay qaadaysaa, sawiiradii qaybaa ka hayaa halkay marayso, waxanay nasoo gaadhaysaa bisha Sadexaad 2020-ka. Waxa kaloo aan halkan ka xusayaa oo aan shaqaalaha Dekedda Berbera ugu bushaareynayaa inaan Taagii labaad keenayo 2020-ka Hadii Eebbe idmo, sababtoo ah Dekeddu waxay u baahan tahay  laba Tag oo waaweyn oo casriya, hada waxanu ku shaqaynaa kii hore ee 42-ka sanno jiray iyo Taagii Cusbaa, waxan qorshihiisa ku jiraa oo gacanta ku hayaa Ilahayna ka baryayaa inuu nagu guuleeyo inaan Taaga labaad oo casriya Dekedda keeno, waxan Ilahay uga baryayaa Umada Somaliland sanaadkaa sanadkiisa iyo sanada  dambe oo badan, waxan salaan kal iyo laaba u dirayaa cida Qaranku leeyahay ee 18-ka May, waxanan leeyahay dabaal-deg wanaagsan".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured