Siyaasi Cali Mareexan oo ka Hadlay Taarikhdii Samatalisnimo ee Marxuum Cabdi Waraabe...

0
Friday May 10, 2019 - 20:26:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Mareexan oo ka Hadlay Taarikhdii Samatalisnimo ee Marxuum Cabdi Waraabe...

    Siyaasi Cali Mareexan oo ka Hadlay Taarikhdii Samatalisnimo ee Marxuum Cabdi Waraabe...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Mareexan oo ka Hadlay Taarikhdii Samatalisnimo ee Marxuum Cabdi Waraabe...
Waxaa jiray dad philosophers ah oo aduunka ay aragtiyohoodu ku baaheen sida: Plato, Aristotle, Socrates, Cicero, Tomas Jefferson iyo boqolaal kale oo magacyadooda aad laynoo qaybsiiyey. Ragaas waxaa lagu sheegaa aragtiyo siyaasadeed ama dhaqaale ama arimo bulsho. Laakiin alla hawnaxariisto e Xaaji Cabdi waraabe  wuxuu lahaa aragtiyo iyo xigmado waxaas oo dhan ka xeeldheer oo inka  badan boqol sano laga guntay oo si wayn loogu aayey, waxayay mudan yihiin in la ururiyo laguna dhigto jaamacadaha political science-ka lagu barto.  
Hadaan laba qudha tusaale u soo qaado             "gobonnimadu waa is daba socod gunnimaduna waa isbaalsocod" ayuu yidhi isaga oo ula jeeday gobannimo waa ismaqal iyo kala danbayn gunnimona waa isbarbaryaac iyo khilaaf. Markale xaajigu isaga oo qeexaya dawladnimada ayuu yidhi "dawladnimadu waa Dalacsiin, casilaad iyo xadhig intaa hadday tahli waydo dawlad lagula sheegi karo" 
Hadaladaas iyo kumanaan kale oo xaajiga alla hawnaxariistee laga dhaxlay way ka culus yihiin qaar badan oo ardayda barata siyaasadda loo dhigo Laguna tilmaamo ARAGTIDII HEBEL.
Aniga shakhsi ahaan marka uu I arkaba wuu ii ducayn jiray. 
 2009kii maalin uu Xaajigu dhaxdhexaadin iyo aslaax uu ka waday golayaasha dhexdooda sidii caadada u ahayd, ayaa waxaan ku salaamay golaha wakiilada dhexdiisa gacanta ayuu si adag iiga buuxsaday - anigu markaa waxaa ka soo jeeday safka mucaaradka oo aad u kululaa -  wuxuu igu yidhi " Awow intii aad golayaasha ku jirtay wanaag maahee xumaan kuguma maqal. Awow arinka qaboojiya oo yaanay inagu farxin wixii wanaageena necebi" 
Si wayn ayuu ii galay hadalkasi waxaanaan ku idhi waayahay awow. Markaan is idhi dhaqaaq ayuu igu yidhi ha tegin aan naanaystaada ka faaloodo e. Wuxuu yidhi " Berigii baandadii ku soo duushay dalka - waa qiyaastii dhamaadkii sodomaadkii- ayaa anaga oo xoolo badan wadana ayaa waxaanu damacnay in aanu ka waraabino Awaare. Waxaanu tagnay Awaare oo ciidamo Baando ah oo aad u badani degeen oo dadkii iyo xoolihiina ka celiyeen. Waxaa nala socda Suldaan Diiriye oo da' ah oo aanu faras ku sidno. Markii aanu ceelkii soo dul degnay ayaa waxaa noo yimi sadex nin oo Soomaali ah oo ka tirsan baandadii. Kii koobaad wuxuu yidhi iska suga inta xoolaha iyo ciidanka baandadu cabayaan. Kii labaadna wuxuu yidhi Suldaanka waayeelka ah iyo faraskiisa aan idiin waraabinee intiina kale iska suga. Kii sadexaadna wuxuu yidhi oo maynu hal ceel siino. Markii ay naga noqdeen ayaa Suldaan Diiriye yidhi sadexdaa nin Nin waa Ogaadeen ninna waa Hawiye ka kalena waa Mareexaan. Maxaad Suldaan ku garatay ayaan ku idhi. Suldaankii wuxuu yidhi "ninka yidhi inta xoolaha iyo ciidanka baandadu cabayaan suga oo inta ay leegyihiin aad arkaysaan waa Ogaadeen oo waa cadow. Ninka yidhi Suldaanka iyo faraska horta waraabiya waa Hawiye oo waxbuu inala jecelyahay laakiin waa aqoontiisa. Ninka yidhi waar nimanka maynu ceelsiino waa Mareexaan oo Sado Daarood waa laga badan yahay laakiin waa gobta Daarood"  
Markaa sidaa ayaa naanaystaaduna aanay naaqus u ahayn ee awow arinta dejiya ayuu Xaajigii hadalkii iigu soo gebegebeeyey.
Alla haw naxariisto e wuxuu soo noolaa cimri aad u dheer oo barako badan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured