Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Xildhibaan Dhakool Oo Si Cad Uga Horyimid Qarannimada Jsl,

0
Friday May 10, 2019 - 01:45:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Xildhibaan Dhakool Oo Si Cad Uga Horyimid Qarannimada Jsl,

    Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Xildhibaan Dhakool Oo Si Cad Uga Horyimid Qarannimada Jsl,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Xildhibaan Dhakool Oo Si Cad Uga Horyimid Qarannimada Jsl,

HARGAYSA(Xogreebnews) Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga utabaaxay xildhibaan Dhakool oo kamida golaha wakiilada Somaliland laga soo doorto gobolka sool,

Wararka Naga so gaadhaya   xadhiga xildhibaan dhakool  ayaa sheegaya  in ciidamada amaanku ay qabteen xildhibaanka kadib markii uu maalintii shalay uu warbaahinta ka sheegay hadalo lidku ah qaranimada Somaliland iyo xuska 18may kuwaasi oo ka hor imanaya dastuurka Somaliland iyo xeerarka uu ku hayay xildhibaankaba.

 

Sidoo kale Wararka ayaa intaa ku daraya   in xildhibaan Dhakool hada ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa .

Xogaha kale ee laga helayo xadhiga xildhibaan dhakool ayaa sheegaya in si deg deg ah looga qaadi doono xasaanada xildhibaanimo kadibna lasoo taagi doono maxkamada sharciga

Hadalka kasoo yeedhay xildhibaan dhakool ayaa ahaa mid bulshada reer Somaliland aad uga cadhaysiiyay kaasi oo laga cabsi qabay hadii aanay xukuumadu talaabo ka qadin in ay suurto gal ahayd in shacabka suuqyada ugu jawaabaan,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured