Caafimaadka iyo Mucjisada Soomka
Caafimaadka iyo Mucjisada Soomka
RAMADAAN KARIIM (4) Mahadnaqu Allah ayaa u sugnaaday. Allaha, innagu galladay nimcada Islaamka. Allaha, innagu simay bisha Ramadaan ee tobankeeda hore naxariista tahay, tobanka dhexena denbi-dhaaf, iyo tobanka danbe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta. Billadda Nobel ee lagu ladho magac, milgo iyo maal, waxaa lagu qiimeeyaa tan ugu sarreysa ee lagu abaaliyo aqoon-ruugga lamaha kala duwan ee cilmiga. Dadka u tartama, ka sokow in ay aqoonta ka gaadhaan heerka ugu sarreeya, waxaa u sii dheer, tobanaan sannadood oo ay u soo babbac-dhigaan cilmi-baadhis qotto dheer, si ay u daah-furaan aqoon cusub oo waxtar ah. Sidaa awgeed, Prof. Yoshinori waxaa uu soo xaqiijiyay qadoodigu in uu jidhka ka nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay, kuwa gaboobay, kuwa sadhoobay iyo kuwa ay haleelshay aramidu sida Verus ama Bacteria. Cilmi baadhistu waxaa ay soo bandhigtay qadoodiga ama soomka in lagaga badbaado waxyeello cudurro halis ah sida Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), Gabow, Wadne-xanuun, Dhimir-falluuq iyo Cudurrada Faafa. Waxaana ay si mug leh u falanqaysay aqoontan cusub oo ibo-furtay qaabka uu jidhku iskiis isugu nadiifiyo ama isu-saxar-tiro. Waxaana lagu iftimiyay in uu jidhku iskiis isu xalo kolka uu ka qado cuntada iyo cabidda, ugu yaraan 12 saacadood. Sidoo kale, diraasaddu waxaa ay ku talisay in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa, qofkii awooda in uu ku sii daro toddobaadkiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa, waxaa laga dheehan karaa aqoontii casriga ahayd in ay ku soo dhacday tubtii diinteennu innoo jidaysay, soomka bisha Ramadaan. Qofkii awoodaana in uu ku daro maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee sunnaha ah. Ugu danbeyntii, baadhista cilmiyeed, waxaa ay si adag uga digtay dheraggu in uu jidhka bado wahsi, kuna keydiyo hadhaa xanniba halbowlayaasha dhiigga, culaysna ku noqda dheefshiidka. Hadhowna soo kordhiya ama sii huriya cudurro halis ah. Cilmi baadhis kale oo iyana lagu tijaabiyay raxan daayeero ah ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta uu noolahu quutto. Waxaana ka soo baxday in ay le’deen 30% xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah caloosha loo buuxin jiray. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu hoos loo dhigay 30% waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa dheragta la luudayay ayaa saddex-laab ka badnayd kuwii dheefta loo qorsheeyay. Prof. Yoshinori Ohsumi, 73 jir, waxaa uu Shahaadada Ph.D qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, Maraykan, iyo Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku foogganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baadhitaanka cilmiyeed. Ugu danbeyntii, mar uu ku guda jiray shaybaadhka uu ku sidkay maskaxdiisa, qalbigiisa iyo nolashiisa., waxaa ku soo dhacday farriintii uu weligiiba u hanqal taagayey. "Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.” Leave a comment |
|
Caafimaadka iyo Mucjisada Soomka
Caafimaadka iyo Mucjisada Soomka