Maxaad Kala Socotaa Qaabka Loo Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Laybareeriga Gabiley?+Magaca Shirkada La Siiyay!

0
Saturday May 04, 2019 - 19:00:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Qaabka Loo Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Laybareeriga Gabiley?+Magaca Shirkada La Siiyay!

    Maxaad Kala Socotaa Qaabka Loo Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Laybareeriga Gabiley?+Magaca Shirkada La Siiyay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Kala Socotaa Qaabka Loo Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Laybareeriga Gabiley?+Magaca Shirkada La Siiyay!

GABILEY(Xogreebnews)-Dhawaan Ayay ahayd markii masuuliyiinta Gobolka Gabiley ku dhawaaqeen  yagleelka  dhismaha  laybareeri casri ah oo laga hirgalinayo badhtamaha magaalada gabiley.kaasi oo uu ku bixi doono lacag dhan haaf milyan dolar ama 500,0000$. Hadaba waxay guud ahaan shacabka iyo shirkadaha dhismaha gobolka gabiley u dheg taagayeen cida taaba galin doonta mashruucaa weyn ee qaadan doonta qandaraaska dhismaha laybareeriga casriga ah ee gabiley. Waxayna filayeen in loo tartami doono .balse Dhawaan ayay maamulka gobolka gabiley shaaciyeen bilowda dhismahan iyo shirkada dhisidoonta iyadoo aanay jirin meel loogu galay tartan   cidna aan la ogaysiin la siiyay shirkad cusub oo la yidhaa Asli Constraction Company oo aan hore uga hawlgali jirin gobolka  dad badana ayna maqal xataa magaceedaba.

 

Hadaba maxaad xog ka haysaa shirkada  qaadatay dhismaha mashruucii laybareeriga casriga ah ee gabiley?

Xogaha laga helay qaabka loo bixiyay qandaraaska magtabada gabiley iyo cadadka lacagta lagu siiyay shirkadan iyo cida leh shirkadan lagu magacaabo Asli Constraction ee fulinaysa hirgalinta dhismahan.

Shirkadan ayaa aasaaskeedu ku ekaa ama la bilaaban tay markuu talada dalka qabtay madaxweyne muuse biixi cabdi waxaana leh mulkiyada shirkadan dhismaha xubno ka tirsan qoyska madaxweyne muuse biixi cabdi. Waxaana Masuul ka ah  shirkada wiil uu madaxweyne biixi abti u yahay.

Wararka laga helayo qaabka madmadowga  badani ku jiro ayaa lagu sheegay in uu yahay mid eex ah islamarkaana loogu xushay siinta dhismahaa mid dalabkeedu ay ka danbeeyaan xubno qasriga madaxtooyada katirsan iyada oo aan cidi la tartamin,

Shirkadan ayaa la sheegay in ay ku qaadatay qandaraaska dhismaha laybareeriga gabiley. Lacag dhan 430,000$. Hadaba inkastoo  culays toos ah uga imanayay masuuliyiinta gobolka gabiley xaga madaxtooyada hadana waxaa qayb laxaad leh ka qaatay inay hirgasho qaadasha mashruucan maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo xoghayaha fulinta dawlada hoose ee gabiley mustafe maxamuud cabsiiye oo isagu ah  kamid ah qoyska madaxweyne muuse biixi una xilsaaran fudaydinta iyo fulinta danaha shirkadaha iyo shaqsiyaadka qoyska madaxtooyadu uga baahdaan gobolka gabiley.

LA SOCO Qormada Dambe Oo aanu ku eegi doono aasaaskii shirkada, shaqsiyaadka wada leh, ee qoyska ka tirsan ,doorkii ay ku lahayd dib u dhiska madaxtooyada Somaliland iyo macluumaad kale oo badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured