"Mudo Dheer Ayey nagu Qaadatay in Albaabka Somalida Itoobiya Marin u noqdo Itoobiyada kale, Waa Hawl Adag oo aanu ka shaqaynay, oo u Nagu Hoggaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Said Hassan

0
Sunday April 28, 2019 - 20:27:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mudo Dheer Ayey nagu Qaadatay in Albaabka Somalida Itoobiya Marin u noqdo Itoobiyada kale, Waa Hawl Adag oo aanu ka shaqaynay, oo u Nagu Hoggaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Said Hassan

    "Mudo Dheer Ayey nagu Qaadatay in Albaabka Somalida Itoobiya Marin u noqdo Itoobiyada kale, Waa Hawl Adag oo aanu ka shaqaynay, oo u Nagu Hoggaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Said Hassa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mudo Dheer Ayey nagu Qaadatay in Albaabka Somalida Itoobiya Marin u noqdo Itoobiyada kale, Waa Hawl Adag oo aanu ka shaqaynay, oo u Nagu Hoggaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Said Hassan
Berbera(Xogreebnews)-Wafti sare oo ka socday Dawladda Somalida Itoobiya, oo ilaa Shalay ku sugnaa Magaalada Berbera, ayaa Maanta booqday Marsada Caalamiga ah ee Berbera, waxana halkaa kusoo dhoweeyey Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
Waftigan Ka socday Dawladda Somalida Itoobiya, ayaa waxa hoggaaminayey Wasiirka Maaliyada Kiliilka, waxana wehelinayey Wasiiro iyo ku xigeeno Xukuumada Mustafa Cagjar Ka tirsan.
Ugu horayn,  waxa waftiga halkaa si rasmiya ugu qaabilay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan, oo waftiga kusoo dhoweeyey Dekedda Berbera,  isla markaana Kusoo wareejiyey horumarka ay ku talaabsatay Dekeddu.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan, oo kormeerka kaddib, halkaa ka hadlay waxa uu ka hadlay in labada dal ee Somaliland iyo Dawladda Somalida itoobiya yihiin Dad walaalo ah, oo isku xidhan xag walba, sidoo Kale Maareeyuhuu waxa uu sheegay in Kiliilka shanaad yahay dhuunta Itoobiya waraabin doonta.
Mareeyahay oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi.
"Mudo dheer ayey nagu qaadatay in Albaabka Somalida Itoobiya Marin u noqdo Itoobiyada kale, waa hawl adag oo aanu ka shaqaynay, oo u nagu hoggaaminaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, oo mar walbaa ku taamayey is-dhexgalka labada dal. Alxamdulilah, sharaf dheeraday noo tahay inaynu wax badan ka wada shaqeyno, sidoo kalena Corridorka iyo Dekedda sannad kaddib way dhamaneyaan, waxanan rajeynayaa mar hadii wadadaasi inoo furantaa, dee waa Albaab furan, dad isku mid ahbaynu nahay, runtiina waanu idin soo dhoweynaynaa
, annaga laftayaddu Jig-jiga waanu idinku Imaan Deked ahaan, dhowaan bacda Ramadaan, macluumaad ayeynu is-waydaarsaneynaa insha Allah.
Waxanu idin haynaa Adeeg hufan oo wanaagsan, oo runtii idin rali-gelin doonaa, guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaana Somalida".
Sidaas ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Maayir ka Berbera iyo Wasiirka Biyaha, kuwasoo soo dhoweeyey waftiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured