"Mudane Madaxweyne anaga oo ku Shaqaynayna Barnaamijkaaga Xukuumada waxa naga go'an in aanu casriyeyno Dekeda oo aanu ku soo kordhino imkaaniyaadkii ay Dekedi Yeelan lahayd ". Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi

0
Monday April 15, 2019 - 18:29:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mudane Madaxweyne anaga oo ku Shaqaynayna Barnaamijkaaga Xukuumada waxa naga go'an in aanu casriyeyno Dekeda oo aanu ku soo kordhino imkaaniyaadkii ay Dekedi Yeelan lahayd ". Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi

    "Mudane Madaxweyne anaga oo ku Shaqaynayna Barnaamijkaaga Xukuumada waxa naga go'an in aanu casriyeyno Dekeda oo aanu ku soo kordhino imkaaniyaadkii ay Dekedi Yeelan lahayd ". Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mudane Madaxweyne anaga oo ku Shaqaynayna Barnaamijkaaga Xukuumada waxa naga go'an in aanu casriyeyno Dekeda oo aanu ku soo kordhino imkaaniyaadkii ay Dekedi Yeelan lahayd ". Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi
Berbera (Xogreebnews)-Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadda xadhig ka jarista Wiishashka cusub hadal kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera, waxanu ku nuux-nuuxsaday sida ay meesha uga baxday baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi waxa uu sheegay in hiigsigoodu yahay in Dekeda Berberi ay hada la tartami karto dekedaha  Caalamiga ah iyo kuwa ku yaala Geeska Afrika, maadaama oo ay hada dekedu heshay qalab casri ah oo ay baahi weyn u qabtay. Maareeyuhuu waxa uu sheegay in qorshahooodu yahay sidii ayusoo jiidan lahaayeen suuqyo caalamiya, isagoo xusay in la samayn doono geerash lagaga shaqeeyo Maraakibta waaweyn. Maareeyaha dekeda Berbera oo arimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi 
 "Waxaanu maanta halkan ku daahfuraynaa qalab cusub oo casri ah oo soo gaadhay dekeda Berbera, qalabkaas oo kala ah saddex Wiish oo waaweyn oo ah nooca loo yaqaano (Mobile Harbor Crane) oo xadiga qaadistoodu uu yahay 120 tone, qiimihiisuna dhan yahay $12 milyan oo dollar, kuwaas oo maraakiibta wax ka rogi doona waxna ka dajin doona.
Waxa maanta farxad weyn noo ah iyaduna in dekeda Berbera yeelato markii u horaysay wiishash ay leedahay oo waxna ay ku rarto waxna ku dajiso, sidoo kale waxa sanadkii hore soo gaadhay dekeda Berbera Taaga maraakiibta soo xidha oo cusub oo xadigiisu dhan yahay 3,000 hoos pawer, halka Taagii horena ahaa 1,400 Hoos Power, labadii taagba hadda dekeda Berbera way ka shaqeeyaan oo maraakiibta way soo xidhaan.
Muhiimada koowaadna waxa weeyi in la tayeeyo shaqaalaha dekeda si wax-soo-saarkoodu u wanaagsanaado, Insha Allaahu 2020-ka waxa aanu rajaynaynaa September wixii ka dambeeya intaynaan gaadhin inaynu ku soo kordhino dekeda waxyaabo badan oo kale oo ay ka mid yihiin Drag-dog maraakiibta lagaga shaqeeyo, maadaama oo mandaqada aynu ku noolnahay ay maraan 30,000 kun oo markab si ay ugu soo leexdaan ama ay Crow-ga ugu badashaan,” ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, waxaanu intaaasi ku daray mar uu ka hadlayey faa’iidada wiishashkani u leeyihiin dekeda iyo dhibaatadii haysatay intii aanay dakadu lahay wa wiishash noocan ah ayaa waxa uu yidhi "Xiliga Xagaaga markay gaadho shaqadu way naga istaagi jirtay oo way naga yaraan jirtay, sababtu waxa weeyi dabayshu markay ruxdo markabka koonteenarkii lama qaadi karo ama dhaawacbuu geysanayaa ,mararka qaarna shaqada waanu joojin jirnay laba saacadood ama saddex saacadood, taas oo ku keenta caqabad weyn ganacsatada isticmaasha dekeda iyo anagaba, waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in arintaasi ay soo gabogabowday, wiishashkan waaweynina ay naga dabooli doonaan baahida weyn ee ay mudada dheer u qabtay, taasina Insha Allaahu waa guul weyn.
Mudane Madaxweyne waxa hadda uu tababar u socdaa shaqaalaha Taaga, waxaanu ku eegyahay mudo sanad ah tababarkaasi, waxaana noo hadhay todoba bilood, muhiimada koowaad ee dekeduna waxa weeyi in la tayeeyo.
Mudane Madaxweyne waxa kale oo jirta inay hadda si habsami lihi ay u bilaabantay dhismaha 400 ah ee Terminalka ahaa. Dhibaatada hada naga haysata in maraakiibta waaweyni aanay imaan karin dekeda ee na haysatay ayaa waxa ka mid ah Drive-ka oo hooseeya oo halkii laga rabay inuu noqdo 18 miter uu hada marayo 12 miter, insha allaahu bisha todobaad waxa aanu bilaabaynaa qoditaanka dhismaha dekeda cusub oo Drive-ka 18-ka ah ay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn ee dunida oo dhami isticmaasho.
Dekeda Berberi waa dhuunka iyo albaabka ay Somaliland wax usoo maraan, mudane Madaxweyne anaga oo ku shaqaynayna barnaamijkaaga xukuumada waxa naga go’an in aanu casriyeyno dekeda oo aanu ku soo kordhino imkaaniyaadkii ay dekedi yeelan lahayd si aanu ula jaanqaadno mandaqada ama geeska insha Allaahu waxaanu rajaynaynaa inta aynaan gaadhin 2020-ka in dekeda laga dareemi doono isbadal balaadhan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured