Wasaarada Warfaafintu Miyaanay Waayeen Wiil u Tabo-baran Musuq-masuq (Isma Doorin Gaalkan Diray iyo Daarta Kii Galay). W/Q. Farxaan Cali Xuseen

0
Sunday April 14, 2019 - 01:47:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Warfaafintu Miyaanay Waayeen Wiil u Tabo-baran Musuq-masuq (Isma Doorin Gaalkan Diray iyo Daarta Kii Galay). W/Q. Farxaan Cali Xuseen

    Wasaarada Warfaafintu Miyaanay Waayeen Wiil u Tabo-baran Musuq-masuq (Isma Doorin Gaalkan Diray iyo Daarta Kii Galay). W/Q. Farxaan Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Warfaafintu Miyaanay Waayeen Wiil u Tabo-baran Musuq-masuq (Isma Doorin Gaalkan Diray iyo Daarta Kii Galay). W/Q. Farxaan Cali Xuseen
Musuq-maasuqa waa aaffo qaran, oo ragaadiya nidaam kasta oo dawladeed, isla markaana xidida u siiba in uu fashilmo Hayad kastoo lugaha la gasha.
Wasaarada Warfaafinta Somaliland waxay Kamid tahay, goobaha uu ragaadiyey musuq-maasuqu, iyadoo ay dhowaan seefta Madaxweynuhu sahayatay masuuliyiintii ugu saraysay wasaaradaas.
Haddaba, Akhriste,  waxaynu maanta qormo kooban ku dul istaagi doonaa Ilaha musuq-maasuqa wasaarada Warfaafinta Somaliland salka ku haya, ama u ka dhaco iyo shaqsiyaadka isku wareejiyey xilka musuq-maasuqa ee weliba isku tabo-baray.
Waaxda Maamulka Iyo Lacagta Wasaaradaas, ayaa intaa badan la-la xidhiidhiyaa inay xudun u tahay musuq-maasuqa wasaarada lagu sheego, waxana mudo ka badan 10-sannadood agaasime ka ahaa waaxdaas Nin lagu magacaabo Xasan, kaasoo dhowaan Hanti dhowrka guud ee qaranku falal musuq-maasuq xabsiga u dhigay, hase-yeeshee la sii daayey markii uu odayaal beeleed Lacago ku furay, isla markaana Xukuumadu ugu goodiyey hab beeleysan.
Agaasimihii hore ee waaxda maamulka iyo Lacagta wasaaradaas, waxa uu ka baxsaday in la xisaabiyo kaddib, markii uu musuq-maasuqu wada sadheeyey Madaxdii ka saraysay, waxana laga qaaday xilkii uu ku lunsaday Lacagta badan.
Waxa'se layaab leh, masuul musuq-maasuq loo haysto oo isaggu kasoo talo-bixiya masuulka lagu bedelaayo, Agaasime Xasan waxa uu booskii laga eryey dalbaday saami-qaybsi ahaan in loogu bedelo shaqsi kaloo gacan-yare musuq-maasuq u ahaa markii horeba, kaasoo mudo dheer uu soo tabobaray shaqsigii ugu musuq-maasuqa badnaa ee wasaarada laga caydhiyey.
Khalid Axmed Cali agaasimaha maamulka iyo lacagta ee cusub waxa uu gocanyare u ahaa oo uu ka hoos shaqaynjiray Isla markaana uu Alaabta u soo iibinjiray dilaalna u ahaa agaasimihii maamulka iyo lacagta ee ay seefta musuqmaasaqu qaasatay iyagoo isku qoys ahaa ahaa agaasime xasankii mudada dheer ku soo tanaaday lunsiga miisaaniyadii wasaarada warfaafinta ee malaayiinka ahayd (ISMA DOORIN GAALKAAN DILIYO DAARTA KII GALAY) waxa hadaba sida dharaarta u cad in aanu Xasankii musuqmaasuqa ku caan baxay in aanu tagin ee keliya uu dhuuntay taa bedelkeedana uu yimi wiil uu kusoo barbaariyey tabaha iyo xeeladaha lunsiga ee uu khabiirka ku ahaa Xasan yarihii Udub kaga sii tagtay wasaarada ee loo maaro waayay ee waasiirkii uu cunay hantidhawrku si kataba ha ahaatee waxa ay arintani ku noqotay shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyo madaxdoodaba kud ka guur oo qajo u guur.
W/Q. Farxaan Cali Xuseen 
Hargeysa/Somaliland 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured