ITUS OO ITAABSII (Q. 10aad) Qalinkii: Eng. Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab)

0
Tuesday April 09, 2019 - 01:03:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITUS OO ITAABSII (Q. 10aad) Qalinkii: Eng. Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab)

    MA SIFO SHARCIYA AYAA AY KU JOOGAAN XILDHIBAANADA GOLAHA DEGANKU? Allah Mahad leh, Nebi Maxamed ayaa sharaf, karaamo iyo cisayn leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MA SIFO SHARCIYA AYAA AY KU JOOGAAN XILDHIBAANADA GOLAHA DEGANKU? Allah Mahad leh, Nebi Maxamed ayaa sharaf, karaamo iyo cisayn leh.
MA SIFO SHARCIYA AYAA AY KU JOOGAAN XILDHIBAANADA GOLAHA DEGANKU?
Allah Mahad leh, Nebi Maxamed ayaa sharaf, karaamo iyo cisayn leh. 
Waa qormo qalin ku dabo-karmaysa qormooyi kii taxanaha ahaa ee Itus oo Itaabsii, waxaanay ku arooraysaa, iftiiminaysaa, daahana ka rogaysaa mawduuca ciwaankiisu kor ku xusan yahay ee ah " Ma sifo sharciya ayaa ay ku joogaan xildhibaanada golayaasha degaanadu ama dawladaha hoose ee dalku?”.
Waa su’aal u baahan in si baaxad ah oo qoto dheer loo furfuro, loogana jawaabo, laguna saleeyo Dastuurka qaranka jsl iyo xeer hoosaadyadiisa.
Dastuurku  waxa uu dhawraa hanaanka kala dembaynta bulshada iyo dawlada, dastuurku waxa uu qeexaa mudooyinka loo asteeyo doorashooyinka iyo xilka ku waajibka ah masuulka la doorto, dastuurku waxa uu tixgaliyaa muwaadinka xuquuqdiisa iyo xoriyadiisa, dastuurku waa hagaha geediga horumarka dalka iyo dadkiisaba, Dastuurku waa ... Dastuurku waa ...
Sidaa daraadeed sida uu dhigaayo xeerka "Wax-ka-bedalka iyo kaabista xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha degaanada (xeer Lr 20/2001) Qodobkiisa 4aad oo tibaaxaya, tilmaamaya mudada xilka ee musharaxiinta la doorto; waa musharaxiinta madaxtooyada iyo golayaasha degaanada, farcamihiisa 2aad waxa uu si mug iyo miisaan leh uga warbixinaya mudadda xilka Xildhibaanada G.Degaanada waxaanu u dhigan yahay sidan " Golayaasha Degaanada 5 sano”.
Waagii la doortay ilaa amintan kabadan 5 sano!
Ma moogani mana maqal in mudo kordhin ku salaysan sharci loo asteeyay, ma jirto mana arag waraaq mudo kordhineed oo ka soo baxday madaxtooyada waa sida sharcigu siinayee oo gaadhay Golaha guurtida si ay u meel mariyaan, ama u kordhiyaan hadii ay sharci tahay ama ka biyo diidaan hadii ay sharci daro tahay. 
Laga soo bilaabo 29 march 2019 kii waa maalintii ku eekayd mudada xildhibaanimo ee xildhibaanada golayaasha degaanada dalka, waa maalintii ugu dembaysay saxeex sharciya oo ka soo baxa xafiisyada Dawladaha hoose oo aan ahayn xoghayaha Dawlada dhexe soo magacawdo, waa maalintii ay ahayd in ay qaataan magaca Ex-Xildhibaan (Xildhibaan Hore), Waa maalintii ay kaga buuxday kuraasta ay bulshada ku matalayaan ama ugu adeegayaan, Waa malintii ... waa maalintii ...


Gabogebo:

Inta aan ku qancin u kuur galkaa kor ku soo sheegay, Ma sifo sharciga waafaqsan ayay ku fadhiyaan xildhibaanada Golayaasha degaanadu?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured