Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

0
Monday April 08, 2019 - 19:52:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka
Hargeysa-08-04-2019-(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.
Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga  caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.
Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.
 Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo  kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii  laga  wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.


ALLAA MAHAD LEH 
 Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured