Sheekaba-sheekay keentaaye, Xafladina xaflad bay keentaa, Wiil Madaxweyne Sodog u yahay!!. W/Q Cali Cismaan Cawaale.

0
Monday April 08, 2019 - 19:18:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekaba-sheekay keentaaye, Xafladina xaflad bay keentaa, Wiil Madaxweyne Sodog u yahay!!. W/Q Cali Cismaan Cawaale.

    Sheekaba-sheekay keentaaye, Xafladina xaflad bay keentaa, Wiil Madaxweyne Sodog u yahay!!. W/Q Cali Cismaan Cawaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba-sheekay keentaaye, Xafladina xaflad bay keentaa, Wiil Madaxweyne Sodog u yahay!!. W/Q Cali Cismaan Cawaale.
Waxa hore inoo soo martay Xaflad ay siyaabo badan isu shabahaan xaflada laga qabanqaabinaayo duleedka Shamiitada Berbera  ee lagu magacdaray (singapore new silk Somaliland energy Co ltd) hab maamuskeedana la gelinaayo awood aad u xad-dhaafa oo dawladeed oo aan u qalmin Shirkad yaroo  garan-waa (maxlal ah) asalkeeda & shaqadeeduba, laakiin awooda lagu riixayaa tahay mid madaxtooyo, cid wax ka fahansanina aanay jirin haday wasiiro tahay, haddii ay Maamulka Berbera tahay, & haday M/xigeenka furaya tahayba, Qodobka laganayaa ee keliyi yahay inuu Wato Wiil uu dhalay Madaxweyaha jsland.
Haddaba xaflada hore inoo soo  martay ee ay is shabahaan waxay ahayd  xafladii laabka haamaha ee  jun-ka 2015 aktarkana uu la ahaa Shiikh Saleebaan Dhamaan dawladii silaanyo ay kasoo qayb galeen, riwaayado & heeso lagu soo bandhigay ,masrixiyad siyaado ahaydna loo sameeyey, waxaa fajiciso ahayd xusuus weyna mudan Markii laabkan oo uu lahaa nin ganacsade ahaa oo meesha fadhiya laba sheegi ay xubnihii dawladu wada yidhaahdeen waa guul ay dawladu soo hoysay oo ay qabatay, wasiirkii ganacsiga oo haamuhu hoos yimaadaan oo aan fahansanayn waxan la furaayo iyo cid leh uu markuu garanwaayey uu bariis la beeray ka sheekeeyey kii keenayna uu halkan kasoo booday oo uu yidhi aniga leh , dadkii jaahwareer qaadeen waxan hawshan intan leeg loo sameeyey & waxa meesha lagu qarinaayo, ninkii joogay baa joogaye qof waliba isagoo suaalo badanina ka guuxayaan uu ka dareeray, bal waxay din ila daawataan xafladaas hore ,Si aa u fahantaan Xafladan iminka loo gogol xaadhayo. Natiijada Xafladaas hore waxay u maxsuulkeedu ahaa laabka dawladana lacagtiisa laga qaaday, nin ganacsade ahina soo iibsaday oo uu isagu iska leeyahay xafladu waxay hoosaaso u ahayd laabka laba jeer iibsan.
Taariikhdu sideedaba waa derisyo hore oo dhacay, ujeedadeeduna tahay inaad fahanto Xaalada aad taagan tahay, Markaa waxaynu ka fahmi karnaa inay Xafladanina tahay hoosaaso Cusub oo wax daahsaaraysa, si kasta arrintu ha ahaatee waxaynu ka fahmi karnaa  inaynu cagta saaray wadadii ina Cumar geelle iyo Xaajiyadiisa lagaga sheekaynayey  Alla ha Sahlee.
W/Q Cali Cismaan Cawaale.
Cali23@Gmail.com
Burco/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured