Maxaad Kala Socotaa Xaqiiqada Dacwada Axmed Geele Arab?

0
Wednesday April 03, 2019 - 20:49:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Xaqiiqada Dacwada Axmed Geele Arab?

    Maxaad Kala Socotaa Xaqiiqada Dacwada Axmed Geele Arab?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Kala Socotaa Xaqiiqada Dacwada Axmed Geele Arab?

Hargeysa (Xogreebnews)-Waxaa maalmihii ugu danbeeyey bulshada Somaliland aad u hadal hayeen dareenka dacwad la sheegay inay u dhaxayso ganacsade Axmed Osman Geele iyo qoyska Madaxweynaha Jabuuti taas oo sababtay in Ganacsaduhu kasoo xamaaan urursado dalka Jabuuti kadib markii sida ay xogohu sheegeen ganacsigii iyo hantidiii uu ku lahaa dalkaas la xayiray.

Hadaba Wararka xogogaalka ah ee la helayo ayaa sheegaya in Cida dacwadu ay ka dhaxaysaa tahay Ganacsade Axmed Cismaan Geel iyo Bangiga Ganacsi ee lagu magacaabo BCIMR oo Xarumo ku leh Somaliland iyo Jabuuti bangigan oo laga leeyahay dalka France ayaa kadib markii dacwadan oo soo socotay wakhti badan hadda bilaabay inuu ka furto gal dacwadeed Maxkamada gobolka Hargeysa taas oo sida ku cad documentiyo la baahiyeyna ay xafiiska xeer Ilaaliyaha guud iyo Wasaarada Cadaaladuba u ogolaadeen in dacwada u dhaxaysa ganacsadaha iyo bangiga lagu qaado Hargeysa.

 

Axmed Cismaan Geele waa ganacsade weyn oo shirkado ganacsi ku leh Somaliland iyo Jabuuti oo aan ku koobnayn Hargeysa mana jirto dacwad u dhaxaysa ganacsadaha iyo dawlada Jabuuti iyo qoyska Madaxtooyada Jabuuti toona balse ganacsadaha waxay dacwadu u dhaxaysaa isaga iyo bangi ganacsi oo laga leeyahay France xaruna ku leh dalka Jabuuti iyo Somaliland.

Bangigaasi oo la yidhaa BCIMR Waa tan warqad uu bangigu ku faahfaahnayo dacwada uu u haysto ganacsade Axmed Cismaan Geele:

Nuxurka hadalka ku qoran warqada ayaa ah:

War murtiyeedka Bangiga BCIMR 2 april 2019.

Bangiga Ganacsi ee BCIMR waa laan ka mid ah baan faransiis ah waxaanu uu ka qaybqaata hor’umarka dhaqaale ee wadamada Gobolka isaga oo ku leh xafisyo Degmada Geeska Afrika sida Jabuuti ,Ethiopia iyo Somaliland waxaana uu bangiga si weyn uga qaybgala Deyn bixinta maalgashiga mashaaricaha hor’umarka.

Bangiga ganacsi ee BCIMR waxa uu halkan ka cadeynaya in uu shirkadda GSK iyo mulkiile Axmed Cismaan Geelle ku fashilmey bixinta deyn lacageed oo bangiga uu ka qaatey isla kolkaana tixgalin waayay heshiska deyn bixinta oo ay wado galeen isaga iyo bangigu . sidaas awgeed bangiga ganacsi ee BCMR waxa uu dacwad ka dhan ah uu gudbiyey Garsoorka dalka Jabuuti, isaga oo Bangigu ka dalbey in looso qabto xoolaha ka maqan iyo ka jawaabidda deynta lo heysto Mudane Axmed Cismaan Geelle.

Garsoorka Jabuuti oo ka duuleya shuruucda caalamka waxa uu qabtey dacwadda uu dhexeysa Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Bangiga Ganacsiga ee BCMR . Garsoorku waxa uu Garowsaday dacwadda iyo Dalabta Bangigu in uu helo xoolaha deymeed ee ka maqan waxaan uu uu qabtey hantidda shirkadda isaga oo uu oogol yahay mulkilaha shirkadda Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Waana sababta ka dembeysa in dawcad ka dhan ah Ganacsade Axmed Cismaan Geelle looga furey Hargeysa si uu uga jawaabo deynta maaliyadeed ee Bangiga uu ka qaatey.

Eedeymaha deyn lunsasho ee lo heysto mudane Axmed Cismaan Geelle, sal iyo raad kuma laha siyaasad ee laakinse waa amuur Ganacsi oo uu dhexeysa Bangiga BCMR iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Waxaan uu Bangigu BCMR uu Guddaneyaa waajidkiisa sharciyeed ee helidda deynta maaliyadeed ee uga maqan Mudane Axmed Cismaan Geelle.

Nadhir ZOUAGHI Agaasimaha Guud ee Baanka BCIMR

Communiqué presse de la BCI MER Rouge

Hadaba ma jirto dacwad u dhaxaysa Madaxweynaha Jabuuti, Marwadiisa iyo Axmed Cismaan Geele, sidoo kale ganacsadaha iyo bangiga BCI oo xarun ku leh Hargeysa ayaa isku haysta lacag lagu maalgaliyay shirkado ku yaala Somaliland ee la iskuma haysto lacag lagu kala qaatay jabuuti taasina waxay ku kala baxayaan uun sharciga .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured