Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka.

0
Wednesday March 27, 2019 - 21:42:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka.

    Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka.
Maxkamadda Gobalka maroodi jeex ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Geedoole oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan (50,000 kontan kun oo dollar ) oo damaanadda lagu sii dayey.
Warar xogagaal uu dhuun daloola wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyay ina laga wareejiyo agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Hassan Geedoole, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa mudo dheer la daala dhacaysa musuqmaasuq xadhka goostay oo sanadkii 2012 lagu xidhay eed musuq maasuqa isagoo hanti dhawrku guud ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo maliyiin dolar kula baxay isagoo damaanadda ku joogaa hargeisa ayuu sii tuugnimo uga baxaday isaga sii maray dalka Ethiopia oo uga sii gudbay dalka Engiriiska oo ay sii joogta gabadha u qabo.
Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole,ayaa marka laga qiyaasta qaato agaasimiyaasha soo maray dhinaca maamulka wasaaaradd warfaafinta intii ay joogeen looga bartey inay iska ilaaliyaan hantida xoolaha umadda Somaliland ,balse Hassan Geedoole oo caadeystay iska daba marinta musuq maasuqa oo markii labaad lagu xidhay musuq waxayna bulshadda Somaliland Is weydiinaysaa halka uu ku dambeyn doono shaadh madoobaha Hassan geedool iyo talaabooyinka laga filayo inuu qaado madaxweynaha Somaliland oo ishu saraan tahay dib haybta waaxda maamulka iyo lacagta warfaafinta madaxweyne muuse ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka shacabka Somaliland uu balan qaaday inay xukuumadisu wixii musuqmaasuq dab jari doontii tiina bulshadda ayaa sugaysaa inuu madaxweynuhu talaabo ka qaado.
Dadka siyaasada dhaqaalaha falan qeeya gudaha dalka ayaa ayaa tilmaamaya inuu dhiig baxa ku tahay qaran in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, oo dul hoganayso eedii ugu weynd ee loo qabsado qofka ka shaqeeyaa nidaamka dawladdnimadda Somaliland taasina waxa cadayn kaaaga filan waxa markii labaada loo xidhay eed musuqmaasuq waxay bulshadda Somaliland sugaysaa go’aanka uu qaato madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixii cabdi.
Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta oo shaqaalaha wasaaaradda u bixiyeen mishiinkii musuqmaasuq wuxu geedka qataarka looga keenay dalka koonfur afirka oo markasta ku sitaa jiiba ilaa inta uu shaqada ka baxayo.
Wasiika warfaafinta iyo ku xigeenkiisa ayaa isku maandhaafsan soo celinta Hassan geedoole wuxuu wasiirku u magacaabay agaasimaha maamulka iyo lacagta deeqa oo ah inaanta cashier wasaaradda, waxa taas ka biyo diiday wasiir ku xigeenka oo ku maqnaa dalka turkey reerkisa dajiye oo gurina uga iibixiyey lagu qiyaasay ilaa lacag dhan (400,000 afar boqol oo kun oo dolar) waa sobabta keentay inuu wasiir ku xigeenku ka diido wasiirka inuu magacaabo agaasime kale.
Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta ,Hassan geedoole,wuxuu qoyskooda oo degan magaaladd jig-jigga uga dhisay 4 gur iyo meherado ganacsi oo uu ka shaqeeyo walaalkii halka oday dhalay uu ka ganacsado xoolaha oo uu soo iibgeeyo magaaladda wajaale isagoo ka sii iibsaday dhinaca gudaha dalka Ethiopia lacagtan adagan ee uu reerkoodu ku shaqeyso waxay ka mid tahay hantida musuq maasuq ee loo xidhay.
Agaasimihii guud ee wasaaradda Dr,Cismaan Xusein Warsame ee la xidhay todobaadkii hore oo loo haystay eedo la xiidhiidhay musuqmaasu ayaa laga sii dayey maxkamadda gobalka ka dib markii lagau sii dayey damaanadda reernimo,oo ka soo hor jeedo xeerka lagu abuuuray xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland.
Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay iyo Hassan geedoole.
Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq.
Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku.
Maqaalka kan xiga ayaa idinku soo gudbinayaa inta meelood ee ganacsiga uu ku leeyaaha shirkaddaha iyo akowno uga furan dalalka dibedda uu lacagaha ku shubo,iyo hantida kale ee uu ku qoray qoyska uu ka soo jeedo Agaasime Hassan Geedoole.
La soco maqaalka kan xiga oo xogo musuqmaasu iidin soo bandhigi doona,
Warfaa Ismail Yusuf.
Hargeisa -Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured