Madaxweyne Muuse Biixi Xidigihii Guushiisa Ku Suntanaa Xaguu ku Ilaawey?. Ma Abaal-laawaa Mise Kayd ka Dhowaan ayuu Kaga jawaabi-doonaa Siyaasi Cabdiraxman Cawil Xasan?.

0
Tuesday March 26, 2019 - 02:39:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Xidigihii Guushiisa Ku Suntanaa Xaguu ku Ilaawey?. Ma Abaal-laawaa Mise Kayd ka Dhowaan ayuu Kaga jawaabi-doonaa Siyaasi Cabdiraxman Cawil Xasan?.

    Madaxweyne Muuse Biixi Xidigihii Guushiisa Ku Suntanaa Xaguu ku Ilaawey?. Ma Abaal-laawaa Mise Kayd ka Dhowaan ayuu Kaga jawaabi-doonaa Siyaasi Cabdiraxman Cawil Xasan?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Xidigihii Guushiisa Ku Suntanaa Xaguu ku Ilaawey?. Ma Abaal-laawaa Mise Kayd ka Dhowaan ayuu Kaga jawaabi-doonaa Siyaasi Cabdiraxman Cawil Xasan?.
Hargeysa(Xogreebnews.com)- Siyaasi miisaanka weyn Cabdiraxmaan Cawil Xasan, oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ayeynu qormo kooban Maanta dib ugu milicsan doonaa, kaalintii uu ku lahaa guushii madaxtimada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Doorashadii.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan, waxa uu Kamid ahaa xubnihii ugu cadcadaa ee Kambeynka Kulmiye gobolka Saaxil, waxanu dhexda dharaar Iyo habeen u xidhnaa sidii uu Madaxweynaha Somaliland u noqon lahaa Madaxweynaha Maanta Muuse Biixi.
Siyaasigan oo kamida Shaqsiyaadkii ku suntanaa guushu, waxay shacabka reer Berbera ka filayeen inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu kusoo dari-doono safka hore ee Xukuumadiisa, hase-yeeshee layaab ayey umadda ku noqotay markii raacii hore iyo kuwii xigaybaa laga waayey.
Sidoo kale, dadka dhaliila abaal-gudka Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa tusaale usoo qaata, shaqsiyaadkii naf iyo Maalba u huray ee u cidlada kaga dhaqaaqay.
Hase-ahaatee Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil, weli waa Hal-xidhaale taagan, oo xujo ku ah Madaxweyne Muuse, iyadoo lagu qiimeyn doono, dadkuna ishay ku hayaan.
Hadii Xisbinimo in uun xaqeeda la marinaayo, waxa uu Siyaasi Cabdiraxmaan guusha Madaxweynaha Maanta usoo huray naf iyo maal, sidaas daraadeed waxa qof kastoo damiir lehi garanayaa, qofka Maalintaad kufto ama baahan tahay ku garab istaaga wuxuu kaaga muhiimsan yahay kumanaan kale oo guusha soo raaca ama kugu Hambalyeeya?. 
Halkan hoose ka daawo hawlkarnimadii naf hurida ahaa ee u guusha kula baadi-goobayey Madaxweyne Muuse Biixi, Siyaasi Cabdiraxman Cawil.
Madaxweyne Muuse Biixi Xidigihii Guushiisa Ku Suntanaa Xaguu ku Ilaawey?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured