Sanadka 2020-Ka Maraakiibta Ku Xidhmaysa Berbera Ayaa Aad Uga Badnaan Doonta Dekedaha Kale Ee Ay Jaarka Yihiin. Warbixin Foreign Policy

0
Friday March 22, 2019 - 23:59:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanadka 2020-Ka Maraakiibta Ku Xidhmaysa Berbera Ayaa Aad Uga Badnaan Doonta Dekedaha Kale Ee Ay Jaarka Yihiin. Warbixin Foreign Policy

    "Sida aad ogtahay waxa aanu ka dhaqaajinay oo aanu ka tagnay Soomaali weyn. anaggu waxanu nahay Qaran Somaliland". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida aad ogtahay waxa aanu ka dhaqaajinay oo aanu ka tagnay Soomaali weyn. anaggu waxanu nahay Qaran Somaliland". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi
Berbera, (Foreign Policy/Xogreebnews) — Waxaan lagu kala aragti duwanayn in Berbera, Dekeda Biyaha gunta dheer leh ee ku taala xeebta bada Cas ee Somaliland, ee ay ku soo xidhaan doomaha yaryar ee loo yaqaano dhows iyo Maraakiibtu at tahay mid istaraatiijiya. 
Waxaana badanaa ka goosha shixnado xoolaha nool ah oo laga dhoofiyo dalkan qalalan ee gubanka ku yaala oo ay adagtahay inaad indhaha la sii raacdo.
Balse boqolkiiba 30 maraakiibta sidda Saliida Qaydhin ee aduunku waxay maraan meel dhawr Mile u jirta xeebta Berbera ee Somaliland, taas oo muujinaysa in dekeda Berberi ay ku taalo meel qiimo leh oo awoodaha dibaduna ay raadinayaan xidhiidh cusub oo aduunku uu ku xidhmo muhiimada marinkaasi bada ee la iskaga kala goosho.
Waxaanay natiijadu tahay in Somaliland, sida dalka ay jaarka yihiin ee Djibouti, oo iyadu noqotay xudunta Saldhigyada Milatari ee Shisheeye, oo ka dhigaysa xarunta weyn ee ay ku sugan yihiin dalalka shisheeye ee awooda lihi oo wax ka badashay muuqaalkii Geeska Afrika.
Sanadka 2020-ka Maraakiibta ku xidhmaysa Berbera ayaa aad uga badbaan doonta dekedaha kale ee ay jaarka yihiin.
Dawlada Somalilandna waxa ay xidhiidh iyo heshiisyo ay la galeen Imaaraadka Carabta oo isagu Dekeda Berbera dib ugu hagaajinaya $442 million dollar, iyo inay Berbera ka samaystaan Saldhig Ciidamada Cirka ee Imaaraadka.
Waxaanay arintani ay farta ku fiiqaysaa bilaw cusub oo ah ku lug lahaansha dagaalka Sucuudigu hogaaminayo ee dalka Yemen iyo in ay ku xoogaystaan oo ay dheelitiraan Geeska Afrika.
Marka ay timaado dhinaha hawlaha shaqada, ee Dekeda cusub ee Berbera ee ay dhaqaajinayso shirkadda DP World.  
Kaidb marka la helo bilawga dhismaha ay dhisayso shirkada dhismaha ugu balaadhan ee dekeda Imaaraadka leeyahay ee Dubai’s Port Rashid ayaa imaaraadku waxa uu noqonayaa mida ugu weyn aduunka ee hawlo dakadeed oo balaadhan ay sameeyaan.
Sidoo kale waxa mashruucan ku jira samaynta suuqa qanacsiga xorta ah (free trade zone), kaas oo ujeedadiisu ay tahay in Somaliland ay dhaqaale balaadhan ka faa’iido iyo guud ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’iido.
Inkastoo Somaliland aanay ahayn Wadan si caadi ah loo aqoonsan yahay, balse horumaro cusub iyo hadafyadan gaarka ah ku talaabsaday, ayaa hadana Somaliland waxa ay ku dhawaaqday inay gooni uga istaagtay Somalia, mana jirto dal aqoonsaday madaxbanaanideeda, inkastoo sanado ay jireen dedaalo farabadani. 
Xidhiidhka Qotoda dheer ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa jidka waxa uu u xaadhayaa in aaya-ka-tashigan Somaliland lagu cadaadiyo Somalia.
Imaaraadka Carabtu waxa uu ka cadhaysan yahay Asxaanka Muqdisho ay u samaynayso Qadar iyo inay diido inay ka mid noqoto Xulafada Sucuudigu hogaaminayo ee xayiraada saaray dalkan Qatar.
Bishii January, Qadar waxay ugu deeqday Somalia 68 Qaadiidka Qaashaaman ee Milatariga. Bishii Aprilna, falcelintii arintaasi Imaaraadka Carabtku waxa uu xidhay oo uu albaabada u laabay Cusbitaal weyn oo ay maalgalinayeen oo ku yaala caasimada Somalia. 
Hadaba Somaliland, wadarta lacagta Imaratka waxa ay macnaheedu tahay in ka badan in la sameeyo oo laga sameeyo shixnadaha containareska maraakiibta. Waxaana u badan tahay in isku dubaridka maalgashigani uu muujinayo sawir ah in la dhaqaajiyo isku dayo ah sidii dhulkan (Somaliland) uu uga madaxbanaanaan lahaa Somalia inteeda kale.
Sida uu sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Saed Hassan Abdullahi, in ay tahay maalgashigii ugu balaadhnaa ee dibada ah ee waligeed Somaliland ay hesho, waxaanu intaasi ku daray "in ay macno farabadan ay taasi u leedahay.” Sida uu u sheegay Foreign Policy, in Dekeda Berberi ay u tahay Wax weyn "Wax weyn ayay inoo tahay anaga………sida aad ogtahay waxa aanu ka dhaqaajinay oo aanu ka tagnay Soomaali weyn.” Ayuu yidhi.
Maareeyaha dekedaha Somaliland isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray "DP World imaanshiyaheedu Berberi waxa ay muujinaysaa Nabadgalyada iyo Xasiloonida dalka Somaliland ka jirta”
Sida uu sheegay Madaxa Dekeda Somaliland, Saed Hassan Abdullahi, Dalalka Reer galbeedku waxay yidhaahdaan arinta qadiyada Somaliland waa mid u taala Midawga Afrika, hadii ay go’aansanayaan iyo hadii ay aqoonsanayaan Somaliland marka koowaad.
Waxaana la ogyahay in dhibaatadu ay tahay in la badalo xuduudihii gumaystayaasha oo badi ay kalsooni daro tahay in ay samaystaan ama ay kala googo’aan. Balse dalalka xubnaha ka ah MIdawga AFrika iyagaaba taa dhiirigalinaya.


BY MATT KENNARD, ISMAIL EINASHE  

https://foreignpolicy.com/2019/03/19/somaliland-somalia-horn-of-africa-djibouti-military-oil-uae-qatar-berbera-port/


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured