Sariiflayaal loo xidhxidhay Musuq-maasuq La-la Xidhiidhiyey Masuuliyiinta Banka Berbera Iyo Fadeexadaha Dul-hoganaya inaan la Xisaabin Cidi musuqa geystay....

0
Friday March 22, 2019 - 03:04:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sariiflayaal loo xidhxidhay Musuq-maasuq La-la Xidhiidhiyey Masuuliyiinta Banka Berbera Iyo Fadeexadaha Dul-hoganaya inaan la Xisaabin Cidi musuqa geystay....

    Sariiflayaal loo xidhxidhay Musuq-maasuq La-la Xidhiidhiyey Masuuliyiinta Banka Berbera Iyo Fadeexadaha Dul-hoganaya inaan la Xisaabin Cidi musuqa geystay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sariiflayaal loo xidhxidhay Musuq-maasuq La-la Xidhiidhiyey Masuuliyiinta Banka Berbera Iyo Fadeexadaha Dul-hoganaya inaan la Xisaabin Cidi musuqa geystay....
Berbera(Xogreebnews- Xeeladaha Musuq-maasuq ee Banka dhexe ee dawlada, gaar ahaan laanta Magaalada Berbera, ayaa hadda soo ifbaxay, kaddib markii musuq-maasuq Lacageed oo u sameeyey maamulka iyo hawlwadeenadiisu loo xidh-xidhay ganacsato Sariiflayaal ah.
Xogaha la xidhiidha dhacdadan, ayaa daaha ka Fayday inay mudo bil ah, Afar Sariifle ay u xidhan yihiin falal wax isbada-marineed, oo ay sababtiisa lahaayeen maamulka Banka Berbera iyo madax-waaxeedyadiisu, taasoo ahayd in Masuuliyiinta Banku ku leexsadeen Hanti Lacageed, Acuunnada gaarka ah ee Sariiflayaasha uga furnaa Banka dawladda, kaddibna si toosa uga qaadan-jireen Lacag cadan ah, isla markaana u keena Sariiflayaasha Waraaqa cadeynaya in xisaabta Lacagtaa lagu wareejiyey Acounka xisaabta Sariiflaha.
Afarta Sariifle ee mudada bisha ah ku xidhan xarunta dambi baadhista Hargeysa, ee C. I. D-da ayaa Kala ah 
1: Sariiflaha Sky 1 Money (Exchange)
2: Sariiflaha Bindhe Money (Exchange)
3: Sariiflaha Faraska Money (Exchange).
Afarta masuul ee sariiflayaasha, ayaa lagu kala magacaabaa 
Mohamed bare habane 
Shucayb aw Xasan Maxamuud 
Khadar Maxamuud Saleeban
Faysal Cabdi Caare.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaan ilaayo hada wax talaabo ah laga qaadin cidi masuuliyada musuqan lahayd, maadaama oo aan ila imika Wararku sheegayaan inaan talaabo laga qaadin.
Arrinka loo xidhxidhay sariiflayaasha ayaa noqonaysa mid Meesha ka saaraysa aaminaadii Banka Dawladda, maadaama cidi musuqu dul-hogganaayey talaabo laga qaadin, balse lagu meeraysanaayey ganacsato hanti laga sariiftay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured