Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Waxa Maanta Lagu Ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyadoo Lagaga Dooday Qodobo kale Oo Muhiima.

0
Thursday March 21, 2019 - 19:49:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Waxa Maanta Lagu Ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyadoo Lagaga Dooday Qodobo kale Oo Muhiima.

    Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Waxa Maanta Lagu Ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyadoo Lagaga Dooday Qodobo kale Oo Muhiima.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Waxa Maanta Lagu Ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyadoo Lagaga Dooday Qodobo kale Oo Muhiima.
WAR-SAXAAFADEED: 21 /03/2019
Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Waxa Maanta Lagu Ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyadoo Lagaga Dooday Qodobo kale Oo Muhiima. 
Kal-fadhigii 31-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici),  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2019, waxa lagu ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka ah oo ay golaha horkeentay Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku.


Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeysteen wasaaradaha horumarinta maalgashiga iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha, ugu horayntiina wasiirka maalgashiga ayaa golaha ka horjeediyey qorshe hawleedka wasaaraddaasi, isagoo ku dheeraaday muhiimada maalgashiga, horumar muuqdana ka sameeyeen iibgeynta maalgashiga dalka, isagoo xusay inuu si xawli ah u socdo maalgashiga gudaha ee muwaadiniintu. Isla markaana ay xidhiidho la sameeyeen maalgashadayaal caalamiya, si looga faa’iideeyo khayraadka dihin ee waddanka, korna loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka da’ yarta.

Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa golaha u sharaxay dedaalada wasaaraddu ugu jirto jihaynta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu wasiirku tilmaamay inay ku hawlan yihiin dardargelinta ciyaaraha kala duwan iyo dhiirigelintooda.

Ugu danbayntiina waxa uu goluhu dood dheer ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka.

ALLAA MAHAD LEH 
 Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured