Maareeyaha Dekedaha Somaliland soo ka Warbixiyey soo afjaridii khilaafka Ganacsatada iyo Dp World "Saakaba waad aragtaan siday Dekeddu u shaqaynayso, waxan rajaynayaa in ganacsatada aanu yeelano shirar joogta ah oo bishiiba mar ah" Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Tuesday March 19, 2019 - 19:04:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland soo ka Warbixiyey soo afjaridii khilaafka Ganacsatada iyo Dp World "Saakaba waad aragtaan siday Dekeddu u shaqaynayso, waxan rajaynayaa in ganacsatada aanu yeelano shirar joogta ah oo bishiiba mar ah" Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland soo ka Warbixiyey soo afjaridii khilaafka Ganacsatada iyo Dp World "Saakaba waad aragtaan siday Dekeddu u shaqaynayso, waxan rajaynayaa in ganacsatada aanu yeelano shirar joogta ah oo bishiiba mar ah" Maareeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha Somaliland soo ka Warbixiyey soo afjaridii khilaafka Ganacsatada iyo Dp World "Saakaba waad aragtaan siday Dekeddu u shaqaynayso, waxan rajaynayaa in ganacsatada aanu yeelano shirar joogta ah oo bishiiba mar ah" Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha guud ee Dekeddaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka warbixiyey habsami-u-socodka shaqada Dekedda Berbera, oo laba maalmood hakad ku yimi, kaddib markii khilaaf soo kala dhex-galay Ganacsatada Iyo Shirkada Dp World.
Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu u mahad-naqay ganacsatada Somaliland, sidoo kalena waxa uu sheegay inaanay jirin wax cashuur ah oo la kordhiyey, hase-yeeshee ay Shirkada Dp World Sariifka Dolarka fadhiisisay. Mareeyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi 
".. Waa La oggaa oo shaqada dekeddu way taagnayd, sababta oo ah, sixirka Sariifka oo kala duwanaa, suuqa na ahaa 9300, Dekeddana ahaa 7000' Waxay Dp World ka dhigtay 8500. Taasina ma aha cashuur la kordhiyey ee sariifka. Ma kordhin karto Dp World tacriifad, hase-yeeshe Codsi yaalay todoba bilood, ayey dawladu aqbashay. Dawladu waxay garowsatay in loo kordhiyo 1500, mana jirto cashuur la kordhiyey,  tanina waa qiimaha sariifka u dhexeeya Banka iyo suuqa. Waana sixir siman oo u dhexeeya dadka...
Dawladu iyaddoo tanaasul u samaynaysaa dadkeeda ayey hoos u dhigtaa sariifka Dollarka ay qaadanayso. Arimahaas oo dhanna hadda heshiisbay ka gaadheen ganacsatada Iyo dawladu, waxanay kusoo dhamaaday in sidii dawladu goysay la dhaqan-geliyo. Si wanaagsan baanay u socotaa, dawladu iyadda u naxariis badan shacabka. Waxan aad ugu mahad-celinayaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda iyo ganacsatada, Waana kaa aynu halkaa ku marayno.
Saakaba waad aragtaan siday Dekeddu u shaqaynayso, waxan rajaynayaa in ganacsatada aanu yeelano shirar joogta ah oo bishiiba mar ah". Ayuu yidhi Maareeyaha Dekeddaha Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured