Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiintu Door Intee Leeg Ayuu Ku Lahaa Xukunka Nus Milyanka Dollar Ah Ee Dhallinyarada Lagu Xukumay?

0
Tuesday March 12, 2019 - 19:42:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiintu Door Intee Leeg Ayuu Ku Lahaa Xukunka Nus Milyanka Dollar Ah Ee Dhallinyarada Lagu Xukumay?

    Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiintu Door Intee Leeg Ayuu Ku Lahaa Xukunka Nus Milyanka Dollar Ah Ee Dhallinyarada Lagu Xukumay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiintu Door Intee Leeg Ayuu Ku Lahaa Xukunka Nus Milyanka Dollar Ah Ee Dhallinyarada Lagu Xukumay? Hargeysa (Xogreebnews-Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa gacan ka gaysatay


Sida ku cad xukunka maxkamadda qodobka 4-aad, wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa maxkamadda u qiimeeyay xadiga lacageed ee dhaawaca ay maxkamadu sheegtay inuu soo gaadhay xadhiga shirkadda Somcable, kaas oo uu isagu xadiday lacagta aadka u badan ee lagu xukumay kooxdan ku eedaysnayd inay waxyeelo u gaysteen xadhiga shirkada Somcabel. Lacagtaas ayaa dhan $ 652,120 oo dollar.


Waxaana la sheegay in xadhkanhan laga waxyeeleeyay Diinqal,Badarwanaag,Waraabaley iyo Harasheekh. Hadaba qodobka 4-aad ee ay maxkmadu cuskanaysay ayaa uu ka soo muuqday doorka ay wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu ka ciyaartay xukunka lacagtan aadka u badan ee hadal haynteedu ay qabsatay suuqa, waxaanu xukunka maxkamadu yidhi sidan " Iyada oo eedaysanaha 1-aad uu u diray eedaysanaha 2-aad googoynta xadhkahaas, eedaysanaha 2-aadna uu googooyay eedaysanaha 3-aad iyo 4-aadna ay ahaayeen abaabulayaashii iyo qorsheeyayaashii fulinta falkaas googaynta xadhkaha, eedaysanaha 5-aadna uu yahay isku xidhaha 1-aad iyo 2-aad, si ay uga wada shaqeeyaan jarjarida xadhkahaas Cable-ka ee dhulka hoostiisa mara khasaarahaas oo dhan 652,120 ( lix boqol iyo laba iyo kontan kun boqol iyo labaatan doolar) sida ku cad warqada wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada ee sumadeedu tahay WIT/XW-01/18/2018 ee 04/06/2018.”


Eedaysanayaashan xukunku uu ku dhacay ayaa kala ah 1- Maxamuud Cismaan Khayare , 2- Cumar Xuseen Cabdi, 3-Cabdiqaadir Nuur Maxamed, 4-Baashe Xasan Maxamed, 5-Cabdilaahi Cali Muxumed oo isagu maqane ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured