17-Sano Oo Aan D/hoose Ee Berbera Ka Tirsanaa & Xusuusahayga Gaarka Ah.Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed (Ina Awal-Bari)

0
Monday March 11, 2019 - 18:39:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17-Sano Oo Aan D/hoose Ee Berbera Ka Tirsanaa & Xusuusahayga Gaarka Ah.Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed (Ina Awal-Bari)

    17-Sano Oo Aan D/hoose Ee Berbera Ka Tirsanaa & Xusuusahayga Gaarka Ah.Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed (Ina Awal-Bari)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17-Sano Oo Aan D/hoose Ee Berbera Ka Tirsanaa & Xusuusahayga Gaarka Ah.Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed (Ina Awal-Bari)
Waxay Ahayd Markii Aan Kusoo Biiray Ama Aan Kamid Noqday Shaqaalaha D/hoose Oo Ilaa Hada Aan Kamid Ahay 11-March-2002 Ilaa Maanta Oo Ay Tahay 11-March-2019 Waa Wakhti Dheer Waana Mudo 17-Sano Ah Mudadaas Waxaan Ka Korodhsaday Waxyaabo Badan Oo Ilaahay Lagu Mahadiyo Dhan Waaya Aragnimo Dhan Aqooneed & Dhan Dhexgal Bulsho Iyo Iyadoo System ka Dowlada Aan Wax Badan Kafahmay Iyadoo Weliba Aan Joogay Mudo 14-Sano Ah Xafiiska Ugu Xaasaasisan D/hoose Ee Maaliyada (Xisaabaadka) Iyadoo Hada Mudo 3-Sano Ah Aan Kasii Maqnaa Xafiiskaas Waxaan Kahelay D/hoose Waaya Aragnimo Wayn Ilaahaybaana Mahadaas Leh 


Hadaba Mudadaas Aan Sare Kusoo Sheegay Waxaan Lasoo Shaqeeyay Oo Maamulka Isaga Dambeeyay Masuuliyiin Badan Oo Dhamaan Agtayda Sharaf Iyo Karaamo Kuleh Waxaanan Halkan Kuxusayaa 5-Mayor & 5-Xoghaye Oo 9-Kamida Aan Lashaqeeyay Marka Laga Reebo Xoghayaha Hada Jooga Oo Intuu Joogay Aanan Shaqayn Balse Aan Kamid Ahay Shaqaalaha Xil Sugaha Ah Ilaahay Amarkii Hadaba Waa Kuwee Kuwaan Xusayaa Waa Kuwan
1. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhwayne) Ahna Masuulkii Shaqada Iqoray Ee System-ka Dowlada Isoo Geliyay Abaal Wayna Aan Uhayo
2. Cabdale Maxamed Cali Carab (Cabdale Sandheere) Oo Isna Ahaa Mayor-kii 1-aad Ee Doorasho Kuyimi Kursiga Intan Somalinad Jirtay Berbera
3. Cabdi Jaamac Ducaale (C/musbaar) 
4. Siciid Daauud Cilmi (Ilaahay Janadiisii Howgu Deeqee Oo Marna Aanan Ilaawayn Wanaagiisii iyo Dadnimadiisii Iyadoo Uu Ahaa Masuulkii Iigu Saamaynta Badnaa Intaan Lasoo Shaqeeyay Waxaanu Ahaa Masuulka Shaqada Inteeda Badan Nabaray Maadaama Uu Ahaa Aqoonyahan Weliba Dhaqaalayahan Ah Ilaahay How Naxariisto)
5. Cabdishakur Maxamuud Xasan (C/shakur Cidin) Oo Ah Markii 1-aad Ee Isna Kuyimi Doorashooyinkii 2-aad Ee Deegaanada Dalka Ilaa Hadana Haya Xilka Maayarnimo 
XOGHAYAYAASHA
1. Rashiid Xasan Xaaji Aadan Oo Ahaa Xoghayihii Qoray Waraaqdayda Dhaqangelinta Ah Markii Shaqada Laysoo Qoray Hadana Ah Xildhibaan Deegaanka Berbera Ah
2. Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) Oo Markii Kulmiye Talada Dalka Udub Kala Wareegay Lasoo Magaacay Markii Dambena Udalacay Badhasaab Iyo Heer Wasiir Kuxigeen 
3. Cawil Cumar Cali (Cawil Dheere) Oo Isagu Ahaa Kusime Xoghaye Dhowr Jeer Oo Kala Duduwan Inta Badana Ahaa Admin & Finance ka D/hoose Waxaanu Ahaa Cawil Intaas Aan Shaqaynaayay Inta Badan Isagaa Shaqada Madax Iigu Ahaana Waxaanan Odhan Waa Masuul Qof Kamidi Uu Hada Kuba Yaryahay Dalka Waxaanan Ka Copy Gareeyay Ama Aan Kabartay Casharo Badan Dhanka Shaqada Dad ladhaqanka Dulqaadka & Etc 
4. Suhayb Maxamed Cali Oo Isna Mudadii Ugu Dambaysay Aanu Wada Shaqaynay Run Ahaantiina Ah Nin Dhalinyaro Aqoonyahan Ah Kana Mida Culimada Waawayn Ee Berbera Intii Aan Lashaqaynayay Kamaan Arag Wax Deelqaaf Ah Waxaanu Ahaa Masuul Dulqaad Badan 
5. Cabdikariim Aadan Siciid Waa Xoghayaha Hada Shaqeeya Intii Xafiiska Aan Kasii Maqnaa Ayuu Yimi Balse Waa Masuul Aan Uleeyahay Aqoon Wacan Mudona Aan Is Naqaanay Intii Aanu Iman D/hoose Waa Aqoonyahan Lasoo Shaqeeyay Haayado Badan Oo Kala Duduwan Qaar International Ah Iyo Qaar Local Ahba Waana Masuul Ku Sharfan Oo Ku Eed La Shaqadiisa 
@Dhamaan Masuuliyiintaas Waxaanu Lahayn Xidhiidh Dhow Dhamaantoodna Waa Rag Qiimo Badan Leh Bulshadana Kudhex Leh Sharaf l@

Ugu Dambayn Masuuliyiintan Aan Sare Kusoo Sheegay Waan Wada Salaamayaa Marxuum Siciid Daauudna Waan Uducaynayaa Ilaahay Raxmadiisa Howgu Deeqo Aamiin 
Dhamaan Masuuliyiintani Waa Qaar Aan Uhayo Abaal Wayn Dhamaantiina Guul Ayaan Idiin Rajaynayaa 

Waxaan Qoraalkaygan Kaga Baxayaa Inyaroo Xusuustayda Ah Maalintaas Aan Imi D/hoose Iyo Maanta Faraqa Udhexeeya Kkkk Waxay Ahayd 13-March 2002 8:40 Aroornimo Waxaa Waraaqdii Dhaqangelinta Iisoo Qoray Xoghaye Rashiid Waxaa Laygu Yidhi Xafiiskaas Duqa Tag Waxaa Joogay Inta Aan Kaxasuusto Khadra Xasan Ibrahim Sahra Cabdi Wacays Mustafe Baashe & Axmed Abokor Maxamed (Cowke) Waan Utegay Mr Cowke Ayaa Layidhi Ninkan Kaqaad Imtixaan Computer ka Ah kkkk Xafiiska Waxaa Yaala Hal Computer Oo Noocii Hore Ee Xiligaas Socday Ah Hada Maxuusto Inuu Yaalay Printer & In Kale Laakiin Waa Bilaa Mouse Programme ka Uu Kushaqaynayaa Waa Msdos Programme Layidhaahdo Marka Aad Start Taabato Mudo Ayaad Sugaysaa Oo Uu Soo Guuxayaa Mr Cowke Ayaa Idhi Halkan Fadhiiso Kursi Horyaal Computer ka Waan Fadhiistay Wuxuu Iidhiibay Waraaq Teeb Lagu Garaacay Oo Qoraal Yaroo Gaabana Kuyaal Wuxuu Igu Yidhi Shid Computer ka Waan Shiday Cabaar Kadib Wuu Shidmay Waxaa La Isticmaali Jiray Word-pad Programme & Excel Programme Laakiin Aan Ahayn Kan Hada La Isticmaalo Old-fashion Ah Waxaan Bilaabay Inaan Bilaabo Howshii Lay Diray Warqadii Mr Cowke Laakiin Nasiib Wanaag Si Wanaagsan Ayaan U Aqaan Computer ka Oo Burco VTC School Dadka Qaarna Uyaqaanaan Candlelight Ayaan Kasoo Bartay Computer-ka Oo Certificate na Aan Kasoo Qaatay Waxaan Bilaabay Qoraalkii Macalin Cowke na Wuu Idul Taaganyahay Markiiba Waan Dhameeyay Wuxuu Arkay Mr Cowke In Odaygu Yahay Xariif Qudhiisu Bahalka Aad Uma Yaqaane Inta Meesha Joogta Ayuu Uyahay Budhtuur kkkkkkk Wuxuu Yidhi Waar Iskaga Kac Misuu Hadana Yidhi Waar Ninkani Waa Xariif Isagaaba Axmed Fast Malaa Kaxariifsan Isagoo Qoladii Xafiiska Lahadlaaya Xafiiskii Ayaan Kasoo Baxay Waxaana Isoo Raacay Mustafe Baashe Oo Ikeenay Xafiiska Maaliya Mr Cowke Ayaa Iga Daba Yimi Markaasuu Igu Yidhi Ma Debeda Ayaad Katimi Markaasaan Idhi Maya Markaasuu Yidhi Xagaad Kubaratay Computer-ka Markaasaan Idhi Burco Markaasuu Intuu Qoslay Iga Tegay Xafiiska Maaliyada Waagaas Waxaan Ugu Tegay 1.Saleebaan Jaamac Xanduleh 2.Kayd Cabdilahi Xandule 3.Siciid Axmed Maxamed (Firico) Alle How Naxariistee 4.Maryan Maxamuud Maxamed 5.Axmed Caydiid Daahir Runtii Shaqaale Wanaagsan Ayay Ahaayeen Oo Isoo Dhaweeyay Waana Dadka Aan Iyana Uhayo Abaalka Waan Badiyay Qoraalka Ee Nabaday D/hoose Ee Cusubna Kamid Baan Ahaye Waan Salaamayaa 

——-Wabilaahi Towfiiq——-

Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed (Ina Awal-Bari)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured