Xashiish Istuulay Goobo Halbowle u ah Bilicda Caasimada Hargeysa, Xili la Filayo Roobabkii Gu'ga Iyo Shirkada Almis ee u Maayir Soltelco Saamiga ku leeyahay oo ku Fashilantay inay Xashiishka ka Gurto Degmooyin ay Boqolaal Kun oo Dolar ka Gurato

Hargeysa(Xogreebnews)- Shirkada Xashiishka ee Almis oo u saamiga ugu badan ku leeyahay Maayirka Caasimadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ku fashilantay inay xashiishka si wanaagsan uga nadiifiyaan degmooyinka ay ku qaataan kharash aad u badan.
Waxanay Shirkadani Lacag boqolaal kun oo Dolar bishii ka badan ka urursataa Degmooyinka 26-ka Jun iyo Kood-buur, sidoo kale, waxay dawladu ku kabtaa dhaqaale aad u badan, kaasoo aan la garabayn waxa lagu qabto.
Shirkadu waxay Xaafadaha labada degmo Albaab-albaab uga qaadaan Lacag $10 ah, iyadoo sannaadoodii hore ay si wanaagsan uga guri jireen, isla markaana todobaadkiiba sadex maalmood ay kusoo laaban jireen, halka ay imika to-dobaadkiiba maalin uun ka qaadan, kadib markii ay fadhiisteen qaar Kamid ah Gaadiidka Shirkadu, waxa xaafadaha iyo suuqyada degmooyinkaas hor tuulaan Xashiish qayrul caadiya, iyadoo hada la filayo inuu da'o Roobabkii Gu'gu, hadii aan wax laga qaban.
Si kastaba ha ahaatee, golaha deeganka Caasimada Hargeysa, iyo Gudoomiyahooda ayaa ku fashilmay inay waxka qabtaan baahiyaha Magaalada, sida bilicda iyo nadaafada iyo weliba dhinaca Wadooyinka oo halbowle u ah sumcada qaranimo ee dalka.
Leave a comment |
|