Maxaad Kala Socota Hawlwadeenadda Iyo Shaqaalaha Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Ee Looga Eryay Telefishanka Qarranka Haybtooda Akhriso Magacyada

0
Friday June 14, 2013 - 19:27:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socota Hawlwadeenadda Iyo Shaqaalaha Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Ee Looga Eryay Telefishanka Qarranka Haybtooda Akhriso Magacyada

    hayeen telefishanka qarranka ee Somaliland kuna hadla afka xukuumadda laga eryay iyadoo sababta looga eryayna tahay keliya isirka ay ka soo jeedaan iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hayeen telefishanka qarranka ee Somaliland kuna hadla afka xukuumadda laga eryay iyadoo sababta looga eryayna tahay keliya isirka ay ka soo jeedaan iyo
Shabakadda Halbeegnews ayaa heshay liis dheer oo dhammaantood ka soo wada jeeda gobolka Awdal oo muddo kooban dhammaantood shaqadii ay ka hayeen telefishanka qarranka ee Somaliland kuna hadla afka xukuumadda laga eryay iyadoo sababta looga eryayna tahay keliya isirka ay ka soo jeedaan iyo inay la deegaan ahaayeen madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.



Khadar Cali Gaas Agaasimaha SLNTV


Xubnaha liiskooda oo Halbeegnews maanta heshay ayaa waxaa ugu danbeeyey oo shallay maareeyaha telefishankaasi Khadar Xasan Cali Gaas uu shaqada ka eryay Suxufi ruug cadaa ah Abiib Iimaan Xasan oo ka mid ahaa kuwii 1991-kii idaacadda Radio Hargeysa oo ku fadhida buudhi gaadhi ah gudaha garoonka timacade ee magaalada Hargeysa ku dhex aas-aasay iyadoo aanay wakhtigaasi Somalilandba jirin.

Xubnahani oo dhammaantood si toos ah loogu bartilmaameedsaday qabiilka ay ka soo jeedaan iyo deegaanka ay u dhasheen ee gobolka Awdal ayaa dhammaantood waxaa xilka ka qaaday maareeyaha telefishanka Khadar Cali Gaas oo dhammaantoodba ku bedelay qaar ay isku raas ka soo jeedaan ama qaar ka soo jeeda beesha madaxweynaha Somaliland, haddaba waa kuwani liiska xubnaha muddo sannad gudaheeda ah xilka laga eryay ee dhammaantood loo eryay qabiilka ay ka soo jeedaan iyo gobolka Awdal ee ay u dhasheen akhris wacan:

1. Xasan Maxamed Axmed Agaasimahii Maamulka iyo lacagta ee telefishanka qarranka

2. Khaalid Axmed Cali Oo Ahaa xidhiidhiyahii telefishanka qarranka

3. Mustafe Cabdi Quulle oo ahaa farsamo-yaqaan ka tirsana qaybta mashiinka ee telefishanka qarranka

4. Mustafe Maxamed Cabdilaahi (Mustafe Case) oo ahaa hawl-wadeen qaybta farsamada ee telefishanka qarranka ka tirsana

5. Liibaan Sheekh Cali Jawhar Oo ahaa kamarad haye (Camera Man) Telefishanka ka tirsan

6. Abiib Iimaan Xasan oo ugu danbeeyey oo ka mid ahaa haldoorkii telefishanka qarranka ahaana suxufi ruug cadaa ah.

Shabakadda Halbeegnews ayaa loo xaqiijiyey in dhammaanba xubnahaasi lagu bedelay xubno ka soo jeeda beesha Agaasimaha telefishanka Khadar Cali Gaas ama beesha madaxweynahaha Somaliland, waxaana dhammaanba meesha laga wada saaray shaqaalahii gobolka Awdal ka soo jeeday ee ka shaqaynaayey telefishanka qarranka Somaliland.

Xigasho Halbeegnews.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured