Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Oo Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)

0
Wednesday March 06, 2019 - 17:14:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Oo Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)

    Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Oo Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Oo Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)
Hargeysa (Xogreebnews)-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yidhaahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud. 
Labadan muwaaddin oo la xidhay Abril 2018ka, waxa sii deysay maxkamadda Gobolka Maroodijeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay 5 bilood u xidhnaayeen ambiil ay ka qaadatay xeer-ilaalintu, waxaana lagu hayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.
Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa 13kii Feberweri 2019ka dhegaysatay eedo ay xeer-ilaalintu u jeediyeen labada muwaaddin, waxaana lagu oogay eedo ah:
1. Inay dhiirri-geliyeen jaritaanka xadhig ay leedahay Shirkadda Intertentka ee SOMCABLE.
2. Inay abaabulayeen dhallinyaro beesha Garaxajis ah oo ka hor timaadda xukuumadda
3. Inay ka mid ahaayeen koox Whatsp ah oo la yidhaahdo Haldoorka Garaxajis
4. Inay raggani lahaayeen xidhiidho taleefan ah 
5. Abwaan Baashe Xasan Maxamed waxa lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi "Muuse-Shaanni”
Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xoojisay xukun ay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex horeu soo saartay oo ahaa 6 sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) oo lagu riday Cumar Xuseen Cabdi oo jaray xadhigga SOMCABLE isaga oo ahaa nin reer miyi ah, lagu yidhina "Yuhuud baa leh”. Wuxuu ahaa nin xoogsade ah oo gaadhi-dameer wata. 
Waxa hore ciidanka C.I.D uga baxsaday nin Dhakhtar la yidhaahdo oo isna lagu xukumay lix sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Maxkamadda ayaa sidoo kale xadhig dhan 6 sanno iyo $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) dul saartay eedaysane maqan oo la yidhaahdo Qalinle.
Maxkamadda ayaa cuskatay warqad qiimayn ah oo uu sameeyay Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Maxamuud Suufi Jibriil, waxaanay laashay gebi ahaan doodda qareennadii u socday Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud. Waxa xus mudan in ay raggani ku noolaayeen Hargeysa oo aanay marna tegin deegaanka Gobolka Daad-madheedh ee fal-dembiyeedku ka dhacay.
 
Maxkamaddu waxa ay xukunnada qaarkood u cuskatay buugaag ku qoran Afka Carabiga , kuwaas oo laga eegay qiil aan ku jirin eedda loo jeediyay labada muwaaddin ee saaka la xukumay.  Guud ahaan lacagta lagu kala xukumay shanta muwaaddin ayaa isku noqonaysa $3,025,000 (saddex Milyan, boqol iyo labaatan kun Oo Doollar), waxaana mid kasta gaarkiisa loogu xukumay lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). 
Waxa xukunkan soo saaray Garsoore lagu magacaabo Boosniya oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex, oo diiday in uu dhegaysto cabashada dadka ehelka u ah labada muwaaddin ee saaka la xukumay, sidoo kale waxa uu bannaanka u saaray qaar ka mid ah dhegaysteyaashii xukunka, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay u sare-kici waayeen markii uu soo galay baradii uu xukunka kaga dhawaaqay. 
Garsoore Boosniya ayaa sidoo kale diiday in ay dad kale ka qayb galaan dhegaysiga xukunka, waxaanu askarta ku amray in aan la soo deynnin dadka dibadda jooga.
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured