Qaladkii Sergio Ramos Iyo Shantan Sababood Ayaa Real Madrid Sabab Ugu Ahaa Ceebtii Ajax Kaga Soo Gaadhay Bernabeu, Xogta Madow Ee Real Madrid Loo Diwaan Galiyay.

0
Wednesday March 06, 2019 - 01:55:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaladkii Sergio Ramos Iyo Shantan Sababood Ayaa Real Madrid Sabab Ugu Ahaa Ceebtii Ajax Kaga Soo Gaadhay Bernabeu, Xogta Madow Ee Real Madrid Loo Diwaan Galiyay.

    Qaladkii Sergio Ramos Iyo Shantan Sababood Ayaa Real Madrid Sabab Ugu Ahaa Ceebtii Ajax Kaga Soo Gaadhay Bernabeu, Xogta Madow Ee Real Madrid Loo Diwaan Galiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaladkii Sergio Ramos Iyo Shantan Sababood Ayaa Real Madrid Sabab Ugu Ahaa Ceebtii Ajax Kaga Soo Gaadhay Bernabeu, Xogta Madow Ee Real Madrid Loo Diwaan Galiyay.

Real Madrid oo saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaysatay koobka UEFA Champions League ayaa gabi ahaanba laga cidhibtiray tartankan kadib markii ay kooxda Ajax wacdaro taariikhi ah ku dhigtay Santiago Bernabeu. Ajax ayaa guuldaro 4-1 ah u xambsaarisay Real Madrid si ay bog cusub ugu furaan taariikhda kooxdoda.

Waxaa hadda loo arkaa in xili ciyaareedkii Real Madrid uu bishan March ku dhamaaday maadaama oo ay lix maalmood ku macasalaameeyeen dhamaan saddexdii tartan ee ay ku jireen. Real Madrid ayaa February 27 iyo march 2 waxay guuldarooyin kala kulantay Barcelona ee kulamadii Copa Del Rey iyo La Liga.

Waxayna kadib Real madrid doonaysay in ay xili ciyaareedka kooxdeeda ku badbaadiso tartanka UEFA Champions League balse Ajax ayaa noqtay koox layaableh oo Bernabeu ku soo bandhigtay dhiiranaan aan la sharixi karin waxayna Real Madrid tustay albaabka looga baxo Champions league.

Haddaba maxaa sabab u ahaa in Real Madrid ay qaabkan uga hadhay tartan ay saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaysatay? Su’aashani ma aha mid sahlan in laga jawaabo waxayna marka si loo eego ku laabanaysaa dhibaatadii xili ciyaareedka oo dhan soo haysatay Madrid balse waxayna ka eegi doonaa wixii Bernabeu ka dhacay ee sababta muuqatay ahaa.

Waxa kale oo aanu qaybta dhamaadka warbixintan idiinku soo gudbin doonaa xogtii iyo xaqiiqooyinkii waalida ahaa ee laga diwaan galiyay kulankii Real Madrid iyo Ajax.

1- Daalkii Real Madrid Ee Kulamadii El Clasico-da Iyo Nasashadii Ajax Ee Go’aankii maamulka Horyaalka Hollland.

Real Madrid waxay soo ciyaartay kulamo xaasaasi ah oo ay Barcelona kula soo ciyaartay Santiago Bernabeu maalmihii February 27 iyo March 2 waxayna soo ciyaartay 180 daqiiqo oo ay heerka ugu saraysa ku soo ciyaareen inkasta oo ay laba guuldaro soo gaadheen.

Laakiin markii ay taariikhdu ahayd Febuary 23, maamulka horyaalka Holland ee  Eredivisie ayaa go’aan ku gaadhay in ay caawiyaan kooxdooda Ajax ee ka hor kulankii UEFA Champions league ee Santiago Bernabeu ku dhex maray Real Madrid, waxayna siiyeen hal todobaad oo ay u sii nasteen ka hor kulankii lugta labaad ee Champions league.

Waxaa markii hore qorshaysnayd in kooxda Ajax ay garoonkeeda Johan Cruyff  ku soo dhawayso kooxda PEC Zwolle, waxaana kulankan la ciyaari lahaa maalintii March 2 oo ahayd isla maaalintii ay Real Madrid soo dhawaysay Barcelona, laakiin  maamulka horyaalka Holland ayaa dib u dhigay taariikhdii kulankan la ciyaari lahaa.

Kooxda Ajax ayaa la siiyay waqti fiican oo ay iskugu diyaariyeen kulankii Real Madrid iyada oo kulankii Johan Cruyff  ku dhex mari lahaa kooxda  PEC Zwolle laga badalay March 2 waxaana dib loogu riixay March 13 taas oo kooxda Ajax siisayin ay helaan waqti badan oo ay ugu sii nasteen kulankii Real Madrid ay Bernaneu ugu xasuuqeen.

Haddii Ajax ay heshay muddo todobaad ah oo ay u sii nasanayeen isla markaana ay diirada saarayeen kulanka Real Madrid, waxay kooxda Solari ku fikiraysay qaabkii ay Barcelona guul uga gaadhi lahayd kulamadii El Clasico-da ee Copa Del Rey iyo La liga laakiin nasiib xumada Solari waxay labadan kulan la kulmeen guuldarooyin wuxuuna ka galaaftay kulankii Ajax.

Ciyaartoyda Real Madrid waxaa ka muuqday daal badan inkasta oo aan meesha laga saari karin in ay maskax ahaan u liiteen oo ay dhayal sadeen kooxda Ajax oo kulankii lugtii hore fursado badan lumisay balse kulankii lugtii labaad wacdaro soo bandhigtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured