Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Gaarka Ah Ee Ra'isal Wasaaraha Jarmalka Waddamada Afrika

0
Monday March 04, 2019 - 18:19:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Gaarka Ah Ee Ra'isal Wasaaraha Jarmalka Waddamada Afrika

    Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Gaarka Ah Ee Ra'isal Wasaaraha Jarmalka Waddamada Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Gaarka Ah Ee Ra'isal Wasaaraha Jarmalka Waddamada Afrika
Hargeysa-04-03-2019-(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote oo booqasho ku yimi Somaliland.
Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya danaha labada waddan iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha  waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Caasimadda Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Somaliland, waxana ay si qoto dheer uga doodeen xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Jarmalka.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, wakiilka Somaliland u qaabilsan urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood.


ALLAA MAHAD LEH 

 Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured