Magacyada 12Dhalinyaro Ah Oo Maamulka Gobolka Gabiley Kasoo Xidh Xidheen Magaalada Kalabaydh, Loona Dhaadhiciyay Jeel Madheera Bilaa Xukun!

0
Monday March 04, 2019 - 00:08:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada 12Dhalinyaro Ah Oo Maamulka Gobolka Gabiley Kasoo Xidh Xidheen Magaalada Kalabaydh, Loona Dhaadhiciyay Jeel Madheera Bilaa Xukun!

    Magacyada 12Dhalinyaro Ah Oo Maamulka Gobolka Gabiley Kasoo Xidh Xidheen Magaalada Kalabaydh, Loona Dhaadhiciyay Jeel Madheera Bilaa Xukun!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada 12Dhalinyaro Ah Oo Maamulka Gobolka Gabiley Kasoo Xidh Xidheen Magaalada Kalabaydh, Loona Dhaadhiciyay Jeel Madheera Bilaa Xukun!

GABILEY(W,N) Maamulka gobolka gabiley ayaa magaalada kalabaydh kasoo xidh xidhay dhalinyaro tiro badan kuwaasi oo aanay shaacinin dambiga loo hayso iyo waxa ay ku mutaysteen iyadoo aan la marin wax maxkamada in loo soo gudbiyo jeelka magaalada madheera ee gobolka saaxil.

 

Xadhiga 12 dhalinyaro ah oo kamida dayarta magaalada kalabaydh ayaa lasoo xidh xidhay wakhtigii madaxwaynaha Somaliland socdaalka ku tagay gobolka gabiley ugana sii gudbay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal Ee Boorama.

Arinta xadhiga dhalinyrada ayaa imanaysa kadib markii madaxwaynaha Somaliland kasoo guryo noqday safarkii uu ku tagay gabiley iyo boorama,

Wararka aanu ka helayno xadhiga dhalinyarada ayaa tibaaxaya in maamulka gobolka gabiley dhalinyarada ku eedaynayaa in ay damacsanaayeen in ay ku mudo,haraadaan waftiga madaxwaynaha balse majirto ficil dhacay oo bulshadu muuqaal iyo arag midna marag kaga tahay, marka laga reebo maamulka iyo ficiladan ay kula kaceen dhalinyarada reer kalabaydh,

Sidoo kale maamulka gobolka gabiley ayaa taa badalkeedii ka dhigay in dhalinyarada ay lagu soo qaaday go,aan ay sheegeen inay gaadheen gudi nabadgalyo oo aan lahaynin sharciyada ay wax ku xukumi karaan iyo jiritaankoodaba.

Talaabadan ay maamulka gobolka gabiley ku xidh xidheen dhalinyarada iyo go,aanka loogu dhaadhiciyay jeelka madheera ayaa noqotay mid amakaag iyo fajac ku riday bulshada ku dhaqan magaalada kalabaydh iyo guud ahaan gobolka gabiley

Dhanka kale talaabadan ay  maamulka gobolka gabiley ku kaceen kana soo horjeeda sharciyada dalka iyo habdhaqanka xukuumada Somaliland, ayaa laga cabsi qabaa in ay keento kacdoono lagaga soo horjeeda xukuumada Madaxwayne Muuse biixi oo bulshada gobolka gabiley ku lahayd taageero balaadhan,

Waxaana lafilayaa in ay maalmaha soo socda keento kacdoono lagaga soo horjeedo xadhiga dhalinyarada iyo tacadiga ay kula kaceen maamulka Gobolka gabiley taasi oo halis galin karta isku socodka gobolada galbeedka iyo guud ahaan abniga dalka.

HALKAN KA AKHRI; MAGACYADA DHALINYARADA AY MAAMULKA GABILEY SIFAHA SHARCIDARADA KUSOO XIDH XIDHEEN, ISLA MARKAANA IYAGA OO AAN WAX XUKUN AHI KU DHICIN LOOGU DHAADHICIYAY JEELKA MADHEERA;

1; Mustafe Axmed Sh. Maxamed

2; Ismaciil Axmed Sh.Maxmed

3; Khadar Sicid Cabdi

4; Muxuyadiin Sicid Cabdi

5; C/laahi Cali Idiris

6; Liibaan Cabdi faarax

7; Muxuyadiin Cabdi Faarax

8; Xamse Maxmed Muuse

9; Warsame maxamed yusuf

10; Mustafe Maxamed Aaden

11; C/qaadir Maxamed Daahir

12; Axmed Aaden Cilmi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured