Ethiopia Iyo Ghana Oo Badiyay, Zambia Oo Lagu Dhegay Iyo Morocco Oo La Garaacay.

0
Monday March 25, 2013 - 08:40:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Iyo Ghana Oo Badiyay, Zambia Oo Lagu Dhegay Iyo Morocco Oo La Garaacay.

    Xulka hore ugu guuleystay koobka qaramada Afrika ayaa barbaro lama filaan ah kala kulmay xulka yar ee Lesotho isreebreebka koobka adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka hore ugu guuleystay koobka qaramada Afrika ayaa barbaro lama filaan ah kala kulmay xulka yar ee Lesotho isreebreebka koobka adduunka.
Zambia oo qeybtii labaad ee ciyaarta oo dhan ku ciyaartay 10 ciyaaryahan ayaana barbaro 1-1 la gashay xulka ka dhisan Koonfurta Afrika.

Natiijadan ayaa waxa ay dhabar jab xoog leh ku tahay rajada Zambia gaar ahaan madaama xulka ay Group D kuwada jiraan ee Ghana ay ka faa’ideysatay oo ay 4-0 kaga badisay Sudan.

Asamoah Gyan ayaa bilaabay goolasha, halka Mubarak Wakaso, Abdul Majeed Waris iyo Emmanuel Agyemang ay iyagana shabaqa u soo taabtay xulka Black Stars.


Waxaana ay taasi la micno tahay in Ghana ay haatan hal dhibic hogaanka Group D ee isreebreebka koobka adduunka kaga heyso Zambia.

Dhanka kale, xulka Ethiopia ayaa talaabo muhim ah u qaaday inay u soo baxaan koobkoodii adduun ee ugu horeeyay madaama ay 1-0 ku qaarjiyeen Xulka Botswana iyago uu uga mahadcelinaya Gataneh Kebede oo dhaliyay goolka guusha ee ciyaartii ka dhacday Adis Ababa.


Ethiopia ayaa haatan Group A ee isreebreebka koobka adduunka ku hogaamineysa 7 dhibcood iyagoo labo dhibcood oo nadiif ah ka sareeya South Afrika.

Group C isreebreebka koobka adduunka Tanzania ayaa si raaxo leh 3-1 kaga badisay Morocco.

Tanzania ayaa seddexda gooldhalisay qeybtii labaad iyagoo Der es Salaam ku qaarjiyay xulka afarta jeer koob adduunka u soo baxay ee Morocco, waxaana ay hal dhibic ka hooseeyaan Ivory Coast oo shalay badisay oo hogaanka u heysa Group C.

Xulka Mali ayaa iyagana ka soo kabsaday gool looga hormaray iyagoo labo gool ugu bedelay Rwanda oo ay 2-1 kaga badiyeen ciyaar ka tirsaneyd Group H ee isreebreebka koobka adduunka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured