Safiir Baashe Morgan iyo Wasiir Sacad oo Isu-kaashanaya Dagaalo ka Dhan ah, Shaqada Safiir Hiradka Cusub ee Imaaraadka & Fadeexadihii Musuq-maasuq Iyo ollolaha uu ugu jiro Dib-u-ugu-noqoshadiisa Imaaraadka?.

0
Saturday March 02, 2019 - 03:27:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiir Baashe Morgan iyo Wasiir Sacad oo Isu-kaashanaya Dagaalo ka Dhan ah, Shaqada Safiir Hiradka Cusub ee Imaaraadka & Fadeexadihii Musuq-maasuq Iyo ollolaha uu ugu jiro Dib-u-ugu-noqoshadiisa Imaaraadka?.

    Safiir Baashe iyo Wasiir Sacad waxay ka shaqeeyeen, isla markaana maalgeliyeen shabakado qorsoon iyo dabino diblumaasiyadeed oo lagu curyaaminayo in Safiirka cusub ee Imaaraadka u fadhiya Somaliland Amb. Xasan Hirad aanu talaabo u qaadin, weerarada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiir Baashe iyo Wasiir Sacad waxay ka shaqeeyeen, isla markaana maalgeliyeen shabakado qorsoon iyo dabino diblumaasiyadeed oo lagu curyaaminayo in Safiirka cusub ee Imaaraadka u fadhiya Somaliland Amb. Xasan Hirad aanu talaabo u qaadin, weerarada lagu wiiqayey shaqada safiirka da'da yar waxa Kamid ah, Faafinta dacaayado ka dhan ah iyo xidhiidho u Safiir Baashe iyo Wasiir Sacad wada-jir ula samaynaayeen madaxda Imaaraadka ee Somaliland danneeya Iyo weliba turun-turooyin kaloo badan.
Hargeysa(Xogreebnews)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Baashe Moorgan, isla markaana hadda ah Safiirka u fadhiya Somaliland Kenya, ayaa tan iyo Maalintii laga bedelay xilkii hore ee Safiirnimo aan habeen hurdo ledin.
Waxanu geed-dheer iyo mid-gaabanbaa u fuushan yahay sidii u markale gacanta ugu dhiggi-lahaa xilkii Safiirnimada dheefta badan lahaa ee Imaaraadka Carabta.
Waxanu si cad Iyo si dad-banbaa dagaalo Kala Duwan ugu qaaday Safiirkii cusbaa ee Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ku bedelay, isaggoo gacanka helaya Wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire, oo sida xogguhu tilmaameen ay yihiin Saaxibo dhow oo isku qarsada maalista Mashaaricaha Imaaraadka ee Somaliland.
Safiir Baashe iyo Wasiir Sacad waxay ka shaqeeyeen, isla markaana maalgeliyeen shabakado qorsoon iyo dabino diblumaasiyadeed oo lagu curyaaminayo in Safiirka cusub ee Imaaraadka u fadhiya Somaliland Amb. Xasan Hirad aanu talaabo u qaadin,  weerarada lagu wiiqayey shaqada safiirka da'da yar waxa Kamid ah, Faafinta dacaayado ka dhan ah iyo xidhiidho u Safiir Baashe iyo Wasiir Sacad wada-jir ula samaynaayeen madaxda Imaaraadka ee Somaliland danneeya Iyo weliba turun-turooyin kaloo badan.
Dhagaraha Safiir Baashe iyo Wasiir Sacad u malleegeen Safiir Hirad, ayaa uu safiirka cusub, inuu ka gudbo waxay ku qaadatay mudo dhowr bilood ah. Sida xogguhu tilmaameenna safiir Hirad oo ah Nin dhalinyaro ah, isla markaana aqoonyahan ahi, waxa uu wataa Mabda ay ku kala duwan yihiin Wasiir Sacad iyo Safiir Baashe-ba, kaasoo ah halkay labadoodu doonayaan in mashaaricdu noqdaan kuwo dhalanteeda oo ay dhaqaalaha loogu talo-galay afka u dhigtaan, isaggu wuxuu raba inay mashaaricda Imaaraadka ka wado Somaliland ay noqdaan kuwo shacabka dalku dheeftooda helan, isla markaana hirgala, sida dhismaha Dekedda Berbera iyo kan Wadada Berbera Corridor ka Iyo weliba kuwo kaloo badan.
Haddaba waa Kuma Safiir Baashe Cawil?.
Safiir Baashe oo Kamid ahaa shaqsiyaadkii sida weyn ugu shaqaystay shaadhkii Madaxweynimo ee u qaranka Somaliland u yahay Soddogii Axmed Siilaanyo, waxana si wayn loola xidhiidhiyaa inuu leexsaday, isla markaana Acounno gaar ah ku shubtay Dhaqaale Malayiin Dolar ah, oo Dawlaha Carabtu ugu deeqeen in Somaliland lagaga fuliyo Mashaariico Kala duwan, kuwasoo ay kamid ahaayeen 150-kii Milyan ee loogu talo-galay, Biyo-gelintii Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Iyo sidoo kale mashaariicaha kale, sida Saldhigga Mileteri ee Berbera Iyo weliba Mashruuca Dekedda Berbera ee Dp World. Waxa kaloo la-la xidhiidhiyaa Safiir Baashe inuu ahaa aktarka koowaad afka u dhigtaa maalgelin kastaa oo la rabo in wax loogu qabto umadda Somaliland, hawlahaas oo dhanna, waxa uu sahlay awooddii dheeraadka ahayd ee u sida khaldan ugu shaqaysay ee Sodoggii Axmed Siilaanyo.
Maxay Shuraako iyo saaxibo ku noqdeen Safiir Baashe Morgan iyo Wasiir Sacad cali Shire?.
Wasiirka maaliyada Dr Sacad Cali Shire iyo Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar (Morgan), waxay  06/02/2018-kii ka diiwaan gashadeen Shirkad Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Waxaanay Shirkadaas u bixiyeen Somaliland Investment Company Limited.
Shirkadan oo sida ka muuqatay Macluumaadka lagu diiwaan geliyay Taariikhdaas kor ku xusan ayaa Waxaa (Company Directors)Agaasimayaal ka ah Wasiir Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil Cumar. Waxaa sidoo kale Xoghaye ka ah Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Cabdalla.
Shirkadan ayaa lagu sheegay inay ka shaqayn doonto Maalgelinta iyo Maaraynta dhinacyada Beeraha, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iwm.
Sida ku cadayd Macluumaadkii lagu diiwaan geliyay Shirka oo ah nooca gaarka loo leeyahay ayaa Qiimaha Saamiga lagu sheegay 1 USD. Halka qiimaha Saamiga guud ama share Capital la iibiyay 50.000 USD.
Waxaa iyana la yaab leh in Saamilayda Shirkadan gaarka loo leeyahay een Public Company ahayn ay Wasaarada Maaliyada Somaliland ka mid tahay Saamilayda.
Shirkadan iyo qaar kale oo la mid ah ayaa loo furtay sidii Hantida ummada iyo Deeqaha Dawladaha shisheeye inagu caawiyaan lagu musuqmaasuqo. La soco qaybaha Dambe. Daymada Shabakada Xogreebnews.com.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured