4 Waxyaabood Oo Cusub Oo Lagu Arkay Weeraarkii Xalay Lagu Qaaday Maka Al-Mukarama

0
Friday March 01, 2019 - 20:48:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Waxyaabood Oo Cusub Oo Lagu Arkay Weeraarkii Xalay Lagu Qaaday Maka Al-Mukarama

    4 Waxyaabood Oo Cusub Oo Lagu Arkay Weeraarkii Xalay Lagu Qaaday Maka Al-Mukarama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

4 Waxyaabood Oo Cusub Oo Lagu Arkay Weeraarkii Xalay Lagu Qaaday Maka Al-Mukarama

Muqdisho(Xogreebnews)-Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay gaystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba.

 

 

Qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxa ay badankoodu dhici jireen waqtiyo kala duwan oo maalin ah sida subax hore duhurradii iyo galbihii.

Balse qaraxii ugu dambeeyay ee xalay dhacay waxa uu kaga duwanyahay qaraxyadii kale dhowr waxyaabood.

1- Qaraxaan waxa uu dhacay xilli habeen ah oo inta badan aan muqdisho looga baran in ay qaraxyo ka dhacaan

Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan.

Inta badan Muqdisho loogama baranin iney qaraxyo ka dhacaan xilli habeen ah

Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camirantahay, sidaas darteed ayaanay dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga.

Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taas oo dareenkooda feegjignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan.

Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta.

2- Mid ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay isaga oo nool.

Sida la wada ogyahay markii weerar uu dhaco, dadka weerarka soo qaada badnaa ma suurta gasho in nolasha lagu qabto waxaana taa badelkeeda la maqlaa in ay iyagu is qarxiyaan oo sidaaas ku dhintaan iyo in waqtiga weerarku socdo lagu dilo iska hor imaadka dhex mara ciidamada iyo kooxaha weerarka soo qaada.

Haddaba weerarkii xalay dhacay, waxaa la sheegayaa in la hayo mid ka mid ah raggi soo qaaday.

 

3- Warbaahinta Dolwadda Soomaaliya oo looga bartay tabinta waraka weerarada ayaan markan muhiimad siinin.

 

Inkastoo Dowladdu aysan ka hadlin sababta aan xoogga loo saarin tabinta wararka ku gedaaman weerarka, haddana waxaa muuqanaysa in warbaahinta dowladdu ay xoogga saareen sheekeeyinka caadiga ah ee maalinlaha ah, iyada oo uu wali socdo weerarkii xalay lagu soo qaaday agagaarka hoteelka Maka Al-Mukarama .

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid loo baahanyahay, waxaana ay sheegayaan in tabinta wararka weerarka Al- shabaab ay dhiirri galin u tahay iyaga, hase ahaatee tallaabadan ay hadda dowladdu qaadday ay muujinayso in aan la buunbuunin dhibaatada iyo qaraxyada magaalada.

Horey marka ay weeraro noocan oo kale ah u dhacaan warbaahinta Dowladda waxa ay aad xoogga u saari jirtay tabinta wararka iyo guulaha ciidamada dowladdu ka gaaraan iska caabinta kooxaha weerarka soo qaada.

4- Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaas oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen.

Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaadday ay galeen xaafadaha ku teedsan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama isla markaana ay gudaha guryaha ku qabsadeen dad shacab ah, waana arrin aan horey looga baran Al-shabaab.

Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud.

Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured