Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Shir Caalamiya kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka iyo Nuxurka kulamo u la Qaatay Ururka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Baddaha

0
Tuesday February 26, 2019 - 20:28:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Shir Caalamiya kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka iyo Nuxurka kulamo u la Qaatay Ururka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Baddaha

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Shir Caalamiya kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka iyo Nuxurka kulamo u la Qaatay Ururka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Baddaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Shir Caalamiya kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka iyo Nuxurka kulamo u la Qaatay Ururka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Baddaha
Hembrug-(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa dalka Jarmalka kaga qaybgalay Shir Caalamiya, oo ay iskugu yimaadeen Masuuliyinta Dekedaha Waawayn ee dunida, Madaxda Shirkadaha Container Lines-ka Iyo ururka Badaha Caalamka, IMO iyo madax kaloo ka socota Shirkadaha   Caalamiga ah ee Ka Hawl gala Dekedaha Waawayn daafaha Aduunka.
Shirkan oo ahaa mid heer caalamiya, ayaa ka dhacay Magaalada Hemburg ee Waqooyiga dalka Jarmalka. Waxana lagu lafo-guray arrimo badan, oo ku saabsan mustaqbalka adeegyada Dekedduhu bixiyaan sidii loo horumarin lahaa,iyo weliba Istaraajiyad Cusub oo halkaa Lagu shaxeeyey.
Sidoo kale waxa shirka isku dhex bartay in ka badan 200, oo Masuul oo ka kala socday Waddamo Kala duwan, kuwasoo mid waliba dhinaciisa halkaa kusoo bandhigay fikiro horumarineed ee Dekeddiisi iyo himiladeeda.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa halkaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo hoosta ka xariiqay higsiga iyo casharada uu halkaa kasoo korodhsaday. Muhiimada shirkan ay kasoo Faaiday  Somaliland, ayaa ah inay soo samaysay xidhiidh caalamiya iyo saaxibo horleh oo dhinacaya Dekeddaha ah.
Waxa kaloo shirka kasoo qaybgalay saraakiil sar-sare oo ka socday ururka Qaramada midoobay  u qaabilsan baddaha, kuwasoo kulan xaasa la yeshay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Si kastaba ha ahaatee, Taarikhda waa Markii u horaysay ee Maareeye Dekeddaha Somaliland metelaa uu ka qaybgalay shir noocan ah, oo ay iskugu yimaadeen dawlado kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured