Maxaa Sababay In Aan Ka Badheedho Hiilka Abwaan Cabdiraxmaan Abees: Dhuux 15kan Qodob!. W/Q Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

0
Friday February 22, 2019 - 19:16:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Aan Ka Badheedho Hiilka Abwaan Cabdiraxmaan Abees: Dhuux 15kan Qodob!. W/Q Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Maxaa Sababay In Aan Ka Badheedho Hiilka Abwaan Cabdiraxmaan Abees: Dhuux 15kan Qodob!. W/Q Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay In Aan Ka Badheedho Hiilka Abwaan Cabdiraxmaan Abees: Dhuux 15kan Qodob!. W/Q Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Dad badan oo inaadeerkay Cabdiqani Muxumed Jaamac ka mid yahay ayaa siyaabo badan ii weydiinaya waxa aan 24/7 u hadal hayo Xadhigga Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Abees). Horta haddii aan aqoon u leeyahay sharciga, waxa aan noqon lahaa Garyaqaan ama qareen u dooda.. 
Laakiin xirfaddaas ma baran. Taas beddelkeeda waxa aan isku magacaabay af-hayeen u dooda inta uu xidhan yahay. Ma aha mashruuc: wax maal, mansab iyo muraad kale lagu baadi-goobayo, keliya waa in uu bannaanka u soo baxo, isla markaana uu helo xuquuqda ka maqan…
Jaalleyaal, waxa hiilkayga laf-dhabar u ah shan iyo tobankan qodob:
1. Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay hal-abuurka Somaliland, waana qof aanu is-aqoon lahayn illaa 2008da. Muddadaas waxa aan ku aqaannay dun-samaan iyo dadnimo buuxda. Qofku wuxuu ummadda ka hela wanaag u dhigma samihiisa, marka uu dhibban yahay. 
2. Marka la xidhay qudhaydu waan xidhaa, taasina waxa ay ahayd culays. Kolkaas ayaan goaansaday in u doodo illaa uu inta uu soo baxayo, haddii aan ka hor baxo
3. Dad badan oo aan filayay in ay iiga badsadaan difaaciisu, waa ay gaabsadeen. Qaarkood waa loo hanjabay oo xadhig iyo shaqo-eryid ayaa loogu gooddiyay. Saaxiibtinnimada waxa aan u aqaannaa in qofka la garab joogsado maalinta adag.. Haddii kale waxa been laga sheegayaa xidhiidhka qofka idinka dhexeeya. Haddii aad xog-ogaal u tihiin sida uu daawada/is-aqoonka u xeeriyo, dhiigga ayaad u shubi lahaydeen. Wuu geyaa in loo kaco.
4. Eedaha loo xidhay uma arko qaran-dumisnimo ama wax ka baxsan inta ummadda Somaliland heshiiska ku tahay. Haddii aan u arkayo qof sharciga ku tuntay, weedh uma idhaahdeen


5. Had iyo jeer qofka la xidho waxa u hadla bahdiisa. Maadaama oo aanu bahda hal-abuurka wada nahay, xil gooni ah ayaa iga saaran. Sidoo kale waxa aan hubaa in Cabdiraxmaan aanu xidhiidh la lahayn xisbiyada mucaaridka oo u dooda cidda la jeebbeeyo. KULMIYE ayay isu dhawaayeen, iyagina dantooda ayay ka raaceen
6. Marka aan weliba Cabdiraxmaan u doodayo, waxa aan iska ilaaliyaa wax deelqaaf ku ah qof, xeer-ilaalin, maxkamad, xukuumad iyo cid kale. In aan bilaa turxaan ah xaaladdiisa uga hadlo ayaan isku dayaa.
7. Dad badan ayaa u arkaa nin u xidhan adeerkii ama reerkooda. Waxa xidhi kara aabbihii, taas kama hadleen. Haddii caaqilku mag iyo qaadhaan u xidhana, waa halkeeda. Imaka dan qara ayuu u xidhan yahay.. 
8. Waxa xiskayga ka sii guuxaya samafalkii aanu socdaalka u wada galnay iyo tegitaankii Sanaag annaga oo u soconnay nabadaynta Ceel-afweyn. Maadaama oo uu dan ummadeed abaabulkeeda hormood ka ahaa, waa uu istaahilaa in af-hayeen loo noqdo.
9. Haddii uu iila muuqan lahaa qof dadka u maagaya dad qof ahaaneed, dan kooxeed, dan beeleed iyo dan xaafadeed, weedh uma idhaahdeen. Yoolkiisu ma ahayn in uu cid ku xumeeyo. Dulucdiisu waxa ay ila ahayd toosinta hoggaanka iyo taliska arliga.
10. Waxa maqan xaq uu leeyahay oo ah in uu xor ahaado. Maadaama oo aanu dhac, dil, budhcadnimo iyo dembi geysan. Inta uu helayo madax bannaanida uu mudan yahay, waan raadinayaa jid kasta oo uu ku heli karo xorriyaddiisa.
11. U-doodistiisu waxa ay iga tahay abaal-celin.. 88 cisho oo aan xidhnaa 2016ka iyo xilliyo kaleba, waxa aan xasuustaa sidii fiicnayd ee ummaddu ii barbar 
joogsatay. Haddii aanan hiil ka helin bulshada xalaasha ah, raggu ciilka wuxuu ka doortay ciqaab’e… Kama sokeeyeen saymo iyo furimo kale..

12. Xadiis ayaa ina faraya in aynu xumaanta ku tirno gacanteenna, haddii kale afkeenna ama aan qalbiga ka nacno. Waan awoodaa in aan weedh ku naqdiyo xadgudubka, waajibaad islaamnimo ayaan gudanayaa.
13. Weligayba haddii ay is-qabtaan tag-yare iyo qof tamar sheeganayaa, waxa aan la saftaa qofka la tun-jileecsanayo. Waxa Cabdiraxmaan lagu muquuninayaa awood dawladeed, isaga oo shacab ah. Markaas haddii aan dawladda raaco, dee iyadii baa wadata’e, maxaan soo kordhiyay?. Beri ayaan ka ahay in aan gabboodfal u sacab tumo.
14. Marka Cabdiraxmaan loo doodayo, duullaan kuma ihi cid kale sida xukuumad, boolis iwm. Keliya in xaqiisa uu helo ayaan raadinayaa…

15. Waxan raacdo ugu jiraa xuquuda uu muwaaddiniinta siinayo qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland oo fasaxaya in aragtida lagu gudbin karo suugaan, hadal iyo hannaan kasta oo wax loo tebin karo..

Walaalleyaal, ma idiin dhacay macnuhu?. Qof kastaaba waa u xor dhanka uu dhacdada ka joogsanayo, anigu warkaygii ayaan oogta ka caddeeyay.. Mar dambe ha igu xiijinnina "maxaa ninkan kaa galay”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured