Taarikh Nololeedkii Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid Sh. Xasan.

0
Friday February 22, 2019 - 00:40:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarikh Nololeedkii Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid Sh. Xasan.

    Taarikh Nololeedkii Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid Sh. Xasan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikh Nololeedkii Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid Sh. Xasan.
Dr. Maxamed Rashiid Alle ha u naxariistee wuxuu ku dhashay  meel la yidhaahdo dooxada Harawo oo u dhaw degaanka Awbare ee Goblka Awdal - Somaliland.
Dooxadas ayaanu ku barbaaray ila da'diisu gaadhaysay siddeed sano, ka dibna waxa loo soo wareejiyey dhinaca magaalada Hargeysa, xaafadii ugu horaysay ee u magaalada ka degegena waxay  ahayd xaafadi u degena Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo dooxa Hargeysa dhinaca koonfur ka xigtay.


Dhinaca caruurtooda wuxuu marxuumku ahaa qofkii sagalaad oo dhamaan way ka wada waweynayeen marka laga reebo gabadh kaliya oo ka yareyd. Dhamaantoodna waxay barteen Qur'aanka, oo ay ku dhex barbaareen qoys diin leh.
Inta ka dib Marxuunku wuxu galay dugsigii Sheekh Baraawe.
Wakhtiga dugsiyada dawlada waxa  madax u aha Maxamuud Axmed Cali, wuxuuna Maxamuud A. Cali aad u jeclaana in Ardeyda dugsiyada ku soo biiraysa ahadaan Ardey dhigata labada malcamadood Qur'anka iyo Carabiga.
Nasiib-wanaag, waxa u Marxuum Maxamed ka mid noqday tobankii ardey ee ugu wanaagsana malcaamada ee u qaatay. Waxana  Ardeyda la kala geeyay meelo kala duwan oo dalka gudahiisa, marxuumkuna wuxuu ka mid noqday ardeydii la geeyay Awaare.
Shaqadii ugu horaysay ee u qabto Marxuum Dr. Maxamed- Rashiid wuxuu shaqaale ka noqday Baankii ganacsiga ee Somalia oo u imtixaan u fadhiistay isagoo marka ahaa Ardey dhigta fasalada dugsiga hoose dhexe oo marka looga baahday in laga helo ardey shaqaale  ah.
Alle ha u naxaristee Dr. Maxamed marku dalka dibada uga baxay ee u magaalada Milano u tagay waxbarashada wuxuu uga si gudbay wadanka Ingriiska oo u waxbarashdiisi ka si watay.
Maxamed marka wuxuu bilaabay barashada cilmiga bulshada taas oo si gaar ahaaneed u daraasad dheeraad ah uga sameeyay siyaasadda Somalida, cilmigaasina wuxuu noqday qaybta ugu muhimsan waxbarashadiisa tan iyo intu ka gaadhayay shahaadda PHD-da.

Dr. Maxamed wuxuu aad ula socday samaysankii ururka S.N.M madama ay saaxiibo dhaw ahayeen raggii aasaasay ururka, wuxuuna inta badan xidhiidh xooggan la lahaa dhalinyaradii iyo aqoonyahanadii hor kacayay xarakadaas, isagoo u diyaarin jiray waxyaabaha ay uga baahdaan , sida wariyayaasha iyo meelaha ugu haboon ee ay doonayaan in ay fikirkooda kaga soo horjeedsadan Siyyad Bare.
Marxuumku wakhtiga wuxu ka shaqeynayey idaacada B.B.C-da.
Arrimahii ugu waweyna ee taariikhdu qortay ee u qabtay Ummada Somaliland waxa ka mida, in u ahaa wariyihii gaadhsiiyay adduun weynaha xasuuqii ka dhacay xeebta Jaziira ee lagu laayay 46 qof ee reer Somaliland.
Intii wadanka lagu soo noqday Marxuumku wuxuu ka qeyb qaatay dhismaha haykalka dawladnimo, wuxuuna xilal ka qabtay xukumadiihi wadanka taladiisa hayay mudooyin ka mida.
Gabagabadii waxa qaranka caawa ka baxay halyay kaalintiisi inagu soo bananatay.
Alle ha u naxariisto Marxuum Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan  Amiin Amiin Amiin
Cabdilaahi Beershiya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured