Cabudhintii Saaka iyo Ciidankii La Wareegay Maxkamadda Maroodijeex: Caydhintii Iyo Cadaadiskii Aanu Aragnay. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Thursday February 21, 2019 - 18:51:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabudhintii Saaka iyo Ciidankii La Wareegay Maxkamadda Maroodijeex: Caydhintii Iyo Cadaadiskii Aanu Aragnay. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Cabudhintii Saaka iyo Ciidankii La Wareegay Maxkamadda Maroodijeex: Caydhintii Iyo Cadaadiskii Aanu Aragnay. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabudhintii Saaka iyo Ciidankii La Wareegay Maxkamadda Maroodijeex: Caydhintii Iyo Cadaadiskii Aanu Aragnay. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
Intii aanu iman gaadhiga sida Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaanu gudaha maxkamadda galnay abbaaro 08:40. Laakiin waxa na lagu amray in aanu baxno. Annaga oo dibad-joog ah ayaanu helnay, warar sheegaya in la soo wado… Daqiiqado kaddibna waxa aanu sheedda ka halacsannay baabuur sida Abwaanka oo ay askarina saaran tahay. Waa abbaaro 09:00kii barqannimo.
Judhii gaadhigaasi uu saarnaa Cabdiraxmaan Abees oo katiinadaysani, uu gudaha maxkamadda Maroodijeex ayaanu mar labaad galnay deyrka maxkamadda. Nin Gaashaanle ah ayaa  ku kaftamay "Saaka waxa aan maxkamadda ku waday in ay boolisku qabsadaan, waa maxay shacabkan meesha haystaa?”. Daqiiqado gudahood waxa ku yimi Tiyootayaal badan oo askari fuushan tahay. Saaka waxa albaabka maxkamadda ka dhacay inqilaab ay boolisku kula wareegeen maamulka guud ee Irridaha Garsoorka Maroodijeex.
Nin aanu saaxiib nahay oo igu dhaafay jidka ayaa maalin-badhkii igu yidhi "Saaka ma Cabdiraxmaan Seylici ayaa maxkamadda yimi, gaadiid badan oo ciidan ayaa joogay?”. Waxa aan u sheegay in keliya la keenay Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Sida loo adkaynayo ilaaladiisa iyo cadaadiska dadka abwaanka u imanaya, waxa aad mooddaa in barada la keenayo dhagar-qabeyaal, dilaa, Alqaacida iyo argaggixiso ama cid halis ku ah amniga.


Waxa ciidankaas madax u ahaa Gaashaanle Cabdi Cawaale (Qushi) oo 2016kii u xil-saarnaa caydhinta dhegaysteyaasha dacwad aan u xidhnaa, mar dambe wuxuu noqday Taliyaha Qaybta Gobolka Saaxil. Dhammaan dadka bannaanka ayaa loo saaray "Baxa, waa la idin soo baadhayaa. Waydun soo noqon”. Jujuub ayaa na lagu kaxeeyay.
Markii aanu bannaanka joogsannay ayaa albaabbadii la wada xidhay. Mar dambe waxa dibadda u soo baxay Garyaqaan Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela iyo Garyaqaan Guuleed Dafac oo garsoorsaha u sheegay in ummaddi bannaanka tuman tahay. Sidaas ayaa dadka qaarkood lagu sii daayay. Walaw uu markaas buuxsamay hoolka dacwaddu ka socotay, haddana waxa badnaa inta bannaanka tunnayd.
Dad badan oo aan ka mid ahay waxa looga dhaartay in ay cagta gudaha dhigaan. 08:30-12-30 waxa aan meeraysanayay waageerka maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Xitaa albaab dambe oo maxkmadda laga soo galo, waa la bannaday. Xitaa dadkii shacabka ahaa ee u socday kiisaska kale ayaa la joojiyay oo bacadka nala alluubnaa. 
Waxa kale oo maxkamadda yimi Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale Cali Hoggaanka Hawl-gelinta Booliska Somaliland, waxa askarta lagu amray inay duwaan/leexiyaan gaadiidka hor maraya Maxkamadda Maroodijeex. Hab-dhaqanka booliska, waxa aad moodaysaa inay iyagu xaalad-abuur yihiin. 
Maadaama oo shacabku aanay hub sidannin, waxa loogu hanjabayaa qoriga caaradiisa. Dadweynuhu uma socon shoobaro, is-maandhaaf keliya ayaa sababi karayay fawdo, qas iyo xaaladdu faraha ka baxdo.
Annaga oo sidaas cunaha na loo qabtay ayay dadka qaar si kale u fasiraan cidhiidhiga aanu ku jirno "Magac ayaa loo samaynayaa Cabdiraxmaan Abees”. Ma ciqaab ayaa magac la isugu sameeyaa?. Marka la eego dhanka gudaha maxkamadda, waxa la ii sheegay in uu si rasmi ah u bilaabmay dhegaysiga dacwadda oo uu garnaqeeda hagayo Garsoore Cabdisalaan Sheekh Xasan Axmed oo ka tirsan bahda Maxkamadda Maroodijeex. 
Intaas waxa raaca in xeer-ilaalintu kiiska oogtay, in Abwaanku ka warceliyay weydiimo loo bandhigay, in maragyo boolis ah oo dhaarsani ay ogaalkooda warrameen kaddibna qareennada abwaanku ay suaalo ku hafiyeen iyo in ugu dambayntii loo ballamay in fadhiga labaad ee dacwaddu uu noqdo 23ka Feb 2019ka, maalinta Sabtida, abbaaro 08:00 aroornimo haddii Alle idmo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured