Khilaafka Sadex-geesood ah oo ka Dhex-qarxay Golaha deegaanka Hargeysa, Wasaarada hawlaha Guud iyo Badhasaabka, Xildhibaan Xasan Shahar oo Xabsiga loo Taxaabay iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Xaal u geeyey Wasiir Qaambi. "Dawladeena dhan ee Somaliland cidi ma aqoonsana, Lakin golayaasha deegaanka aduunka aqoonsan... kan yaree badhasaabku-xigeenka ah ee la yidhaahdo Khadar Baaruud, Ninka Maxamed Maal la yidhaahdo ee hawlaha W. Guud, wax allaale iyo waxay qaadi-karaan ma jirto, caasimada golaha deegaanka ma taliya" Xildhibaan Xasan Shahar.

0
Wednesday February 20, 2019 - 02:21:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Sadex-geesood ah oo ka Dhex-qarxay Golaha deegaanka Hargeysa, Wasaarada hawlaha Guud iyo Badhasaabka, Xildhibaan Xasan Shahar oo Xabsiga loo Taxaabay iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Xaal u geeyey Wasiir Qaambi. "Dawladeena dhan ee Somaliland cidi ma aqoonsana, Lakin golayaasha deegaanka aduunka aqoonsan... kan yaree badhasaabku-xigeenka ah ee la yidhaahdo Khadar Baaruud, Ninka Maxamed Maal la yidhaahdo ee hawlaha W. Guud, wax allaale iyo waxay qaadi-karaan ma jirto, caasimada golaha deegaanka ma taliya" Xildhibaan Xasan Shahar.

    Khilaafka Sadex-geesood ah oo ka Dhex-qarxay Golaha deegaanka Hargeysa, Wasaarada hawlaha Guud iyo Badhasaabka, Xildhibaan Xasan Shahar oo Xabsiga loo Taxaabay iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Xaal u geeyey Wasiir Qaambi. "Dawladeena dhan ee S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Sadex-geesood ah oo ka Dhex-qarxay Golaha deegaanka Hargeysa, Wasaarada hawlaha Guud iyo Badhasaabka, Xildhibaan Xasan Shahar oo Xabsiga loo Taxaabay iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Xaal u geeyey Wasiir Qaambi. "Dawladeena dhan ee Somaliland cidi ma aqoonsana, Lakin golayaasha deegaanka aduunka aqoonsan... kan yaree badhasaabku-xigeenka ah ee la yidhaahdo Khadar Baaruud, Ninka Maxamed Maal la yidhaahdo ee hawlaha W. Guud, wax allaale iyo waxay qaadi-karaan ma jirto, caasimada golaha deegaanka ma taliya" Xildhibaan Xasan Shahar.
Hargeysa(Xogreebnews)- Khilaaf ba'an oo awood kala riixasho, ayaa ka dhex-qarxay Wasaarada hawlaha Guud iyo golaha deegaanka Hargeysa, iyo sidoo kale xafiiska badhasaabka Gobolka maroodi-jeex. Khilaafka oo in muddo ah so jiitamaayey, ayaa hada gaadhay in qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka warbaahinta ka weeraraan masuuliyiinta ugu Saraysay Xafiiska badhasaabka iyo Wasaarada hawlaha Guud.
Xildhibaan xasan Shahar, ayaa si toosa warbaahinta uga weeeray badhasaabku xigeenka iyo sidoo kale agaasimaha wasaarada hawlaha Guud, isagoo ugu hanbay in aanay jirin wax ay samayn karaan, kaddib markii ay horistaageen dhul sifo sharci daro ah ay ku milki siiyeen Xildhibaan kamid ah golaha deegaanka Hargeysa Maayir Soltelco. 
Dhowaqaasi markii uu kasoo baxay 18-kii Bishan xildhibaan Xasan Shahar, ayaa siday sheegeen ilo wareedyo goob joog ahi shabakada Xogreebnews, waxa Ciidamada boolisku xabsiga u taxabeen Xildhibaan Xasan Shahar, kaddib markii uu aflaaado kula kacay badhasaabka iyo Wasiirka hawlaha guud. 
Hase-yeeshee ilo wareedyadu waxay sheegeen in ay isla markiiba ay xafiiska Wasiirka hawlaha guud ay ku shubeen Maayirku xigeenka iyo raxan Xildhibaano ah oo ka tirsan golahiisa deegaanka, iyo sidoo kale Suldaanka guud ee Beesha Maayirku xigeenka Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, kuwasoo Wasiirka soo raali-geliyey, isla markaana uu Maayirku xigeenka ku amray Suldaanka inuu cumaamada saaro Wasiirka oo xaalka bixiyo khaladka iyo gefefkay kula kaceen Wasaarada hawlaha Guud, intaas kaddibna waxay ka codsadeen Wasiirka inuu xayiraad ka qaado dhulka Mubarak Cabdimalow oo dad shacab ahi sheegaanaayeen, wallow aanay wararka sheegin inuu aqbalay wasiirku iyo in kale. Hase-ahaatee waa uu sii daayey xildhibaan Xasan Shahar.
Halkan hoose ka daaawo Weedhihii Xildhibaan Xasan Shahar.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured