Somali Mohamad mooye, Inta kale aduunku dumarkooda Horumarkooda way kuu shiira galiyaan. Laakiin Soomaali Mohamad waxay raadiyan xumaanta qofka Dumarkaa. Inta badan waxay adeegsadaan Been iyo diinta, Iyagoo Diinta kaa Been abuuranaya. W/Q. Kinsi Xaashi

0
Monday February 18, 2019 - 18:41:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali Mohamad mooye, Inta kale aduunku dumarkooda Horumarkooda way kuu shiira galiyaan. Laakiin Soomaali Mohamad waxay raadiyan xumaanta qofka Dumarkaa. Inta badan waxay adeegsadaan Been iyo diinta, Iyagoo Diinta kaa Been abuuranaya. W/Q. Kinsi Xaashi

    Somali Mohamad mooye, Inta kale aduunku dumarkooda Horumarkooda way kuu shiira galiyaan. Laakiin Soomaali Mohamad waxay raadiyan xumaanta qofka Dumarkaa. Inta badan waxay adeegsadaan Been iyo diinta, Iyagoo Diinta kaa Been abuuranaya. W/Q. Kinsi Xaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somali Mohamad mooye, Inta kale aduunku dumarkooda Horumarkooda way kuu shiira galiyaan. Laakiin Soomaali Mohamad waxay raadiyan xumaanta qofka Dumarkaa. Inta badan waxay adeegsadaan Been iyo diinta, Iyagoo Diinta kaa Been abuuranaya. W/Q. Kinsi Xaashi
Hadda inanta wasiirka ka ah somaliland ee Hinda Gaani waa laga been abuuray. Iyadoo lagu eedanayo caruurta darbi jiifkaa markii la xidhay iyo markii la xukumayeyba inay wax ma ogayd manayna joogin. Waxay joogtay Kenya. Iyadoo ka qayba galaysa shira halkaa kaa dhacayey.
 Ragii siyaasiyiinta ah ayaa meel xuna marinaya dumarka. Waxay ku jiraan wakhatigii ugu xumaa. Dumarka ayaa laga dhigtay shaqo. Hada inanta ilhan ee markanka joogta waa la daba galay iyadoo dadka intiisa badaney uu eegayaan qabiil.somali Mohamed ragooda haa loo duceeyo. Habaluhu waa caar. Nina looma banayn inuu dumarka caayo.Dumarka waxay raga u yihiin hooyo, walaal, xaas, Inantiisa, Edo, Habaryar iyo Ayeeyo.
Inanta wasiirka Ka ah Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Qoyska ee  somaliland Hinda Gaani arrinteeda waan baadhay waxaan ogaday in nimanka Xisbiyadu ka been abuurteen oo ay rabaan inay sumacadeeda iyo wasaaradeedaba wax ka xumeeyaan.Inantaasi iyadaa uga roonayd cid walba. Iyadaa dhaqaaleh siisay inta karaan keeda ah wixii Allah swt ugu soo dhiibo. iyadaa ka eegta xaga hooya nimada oo siisa waxay uu tari karto.
Iyadoo aan heli karin dhaqaaleh ahaan waxaa tara weyn oo waddanka Dhaqaalihiisa lala socdo inaanu Wadan Dhaqaaleh badan lahayn uu yahay. Waxay siisaa Sidaa meelo laguu xareeyo oo lagala dagaalamo mukhadaraadka.
Ta kale raga la xidhay may ahayn caruur sida wararka lagu sheegayo. Waa qaan gaar da,doodu  ka weyn tahay sideed iyo toban jir.
Markii la wareystay waxay sheegeen in lagu yiri haayad  ayaa wax bixinaysa oo wasaarada ayaa idinka xaqirtay ee xaqiinii soo dhacasada. Iyagoo  Cabsan Mukhaadaraadkii Xabagta. Oo Cadhaysan ayey kuu soo qaadeen hujuum goobta wasaarada iyo Horteedaba.mudo ayaa la siiyey inay iska tagi doonan.lakiin May tagin dadkii wasaarada u socday ama ag marayey ayey kuu bilaabeen dagaal iyo boob. Markaa Agaasimihii ayaa arkay inay dhibatadu intaa kaa sii badaneyso wax yeelo fara badana dhici karto sidaad ogtihiina wasaarada Askar badani ma joogto hal hal askari ayaa Albaabka wasaarada fadhiya tana waa sidaa. 
Markii dagaalkii batay Waxay kaa maarmi weyday in ciidanka boliiska la waydiisto caawimaad nabada galeyo ah oo ay goobtan waxan ka Dhacayaan yimaadaan. Ciidankii markay yimaadeen waxaa loo furay albaabka si ay u soo galaan( darbi jiifkii dagaalamayey) ka diba waa la kaxeeyey waxaana la geeyey saldhiga boliska.
Sababta loo xukumayna  isbuucaa waxaa la wareysanayey iyagii waanay Qirteen inay waxaa sameeyeen.
Garyaqaan  yaxye markuu arkay inaan lahayn wax lala sugayo oo ay heleen daliilyo Cad cad ayaa si degdeg ah loo xukumay. Runtii Xabsiyadu waxay leeyihiin meelo lagu barto farsamada gacanta,waxaa laga yaabaa inay dantooda tahayba xaraynta la xareeyey. Midan haa iloban marka la xareeyo inay wasaarad ahaan ay u geeyaan cunto  sadexda wakhati taasna iyagay tahay masuuliyadooda dheeraadkaa oo kuu soo koradhay. 
Arintan aynu illaahay swt ka socowa ugu mahada naqano wasiirada Hinda. Inayn u ducayno inaan ilaahay swt uu fududeeyo hawasha ayey inoo Hayso iyo Xilkaba.kan dayno Canbaaraynta iyo been abuurka.
Ma jirto dawlad cirka  kasoo dhacda, oo dhulka kusoo dhacda, dawad kastiba waxay kasoo dhex baxdaa dadkeeda iyo dalkeeda. Sidoo kale, Caddaalada iyo sinnaanta iyo hufnaanta aynu soomaali ahaan mar walba sheegno, ma aha mid dusha kasoo booda oo ka timaada dawladda, balse waa mid marka bore kasoo unkanta bulshada rayidka ah. Bulshadaas rayidka ahi, hadii ay caloosha iyo carrabka iyo caqliga intaba ka caafimaad qabaan,  waxay soo saaraan dawlad iyo hogaan iyaguna hanuunsan oo ku haga dhabbaha hagaagsan. Si kale hadaynu u dhigno, shicibkii isu cadaalad fala ayaa dhisi kara dawlad u cadaalad fasha. Balse shucuubta soomaaliyeed, isuma caddaalad fali karaan, mana keeni karaan dawlad caddaalad iyo sinnaan iyo hufnaan ku hogaamisa.
QABYAALAD, waa tusaalaha ugu caansan ee an soo qaadan karno sida aanay uga dhici Karin Sinnaan iyo caddalaad iyo hufnaan, Qoowmiyadda Soomaaliyeed ee af soomaaliga ku hadasha dal kastaba iyo doc kastaba. Waxaynu isu wada waafaqsanahay in waxa ina dulleeyay ay tahay qabyaalad, loona baahanyahay in la tirtiro. Caqligeenii wuu ina farayaa in qabyaaladu ay tahay wax xun, carrabkiina waynu ka leenahay, laakiin caloosheena kama soo go’ayso. 
Kasoo qaad, Qof qabiilkaaga ahbaad dooranaysaa, mid kale oo an qabiilkaaga ahayna ma dooranaysid,  waliba qabiilka uu yahy dartiibaad ku nacaysaa.  Hadana kii ad qabyaalada  ku doorataybaad ka sugaysaa inuu caddaalad iyo sinaan u falo cid walba,oo daacad u ahaado danta dadka iyo dalka. Marka qofkii ad dooratay ad ka waydo caddaaladna, calaacal iyo cabashaad ku jiraysaa cishadii timaadaba. 
Mar hadii qof ad ku nacday qabiilka uu kasoo jeedo, oo ad ku dooran wayday,  midna ad ku jeclaatay qabiilka uu yahay oo ad ku dooratay, ogoow ficilka ad ku kacday waa ‘Qabylaalad’. Qabyaaladuna qeexitaan ahaan waxay noqonaysaa; marka Qabiilkii la cunsuriyeeyo . Hadii aanay  doorasho jirin, oo dagaal jiri lahaana, waxad dili lahayd kan aan kula qabiilka ahayn, waxanad daysan lahayd ka qabiilkaaga ah. Markaa haddii ad afka ka tidhaahdo qabyaaladu ha dhacdo, oo halla tirtiro, uurka kuma haysid, caqliguna kaama yeelin, wax kasoo qaadna ma laha oo waa biyo col dhaanshay.!
Hadal iyo dhammaantii. Caddaalad , sinnaan iyo hufaan waysu wada xidhan yihiin, hadii mid la helo, midka kalana waa la helaa, haddii mid la waayana, mid kale waa la waayaa(ha ugu waynaato caddaaladuye). Dadka caadiga ah ama bulshada rayidka ahbaa furaheeda haya oo keeni kara, marka  rabitaankoodu uu ka  yimaado caloosha, carrabka iyo caqliga oo is wada ogol.  Docda kale, dawladuna waxay haysaa handaraabkii lagu xafidi lahaa iyo maamulkii lagu hirgalin lahaa, sida rabitaanka shacabku yahay . Balse Soomaalidu waa Xal ku nool, ee ma aha Xaq ku nool, xal ku meel gaadh ah oo ay ku wada noolaadaan way keeni karaan, mase keeni karaan xaq waara oo ku salaysan caddaalad, sinnaan iyo hufnaan, inta an qabyaalad qiil loo helaynin.


waa bilaahe tafiiq
W/q: Kinsi Xaashi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured