Xogta Wasiir Sacad ee Saldhiga iyo Siraha ku gadaaman Mashaaricda dhalanteedka ah..

0
Sunday February 17, 2019 - 20:37:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta Wasiir Sacad ee Saldhiga iyo Siraha ku gadaaman Mashaaricda dhalanteedka ah..

    Xogta Wasiir Sacad ee Saldhiga iyo Siraha ku gadaaman Mashaaricda dhalanteedka ah..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogta Wasiir Sacad ee Saldhiga iyo Siraha ku gadaaman Mashaaricda dhalanteedka ah..
Waxaynu arkaynay wasiirka Maaliyada jamhuuriyada Somaliland oo qiray inaynaan saldhiga berbera kirayn ee aynu ku bedelanay Mashaariic uu ku sheegay wadada coridorka ee berbera iyo wajaale iyo Madaar Cusub, Halka uu Madaxweynihii dalkuna sheegay inay kiraynay Saldhiga, Haddaba hayna labada war ee is khilaafsan, Waxaa iyana jira wadada coridorka ee wajaale iyo Berbera isku xidha waxaa maalgelinaaya EEU -da iyo Dawlada jarmalka bilowgeediina waa kii wasiirka gaadiidku dhagax dhigay dhawaan kala baydh iyo wajaale , inta kalena dhawaan ayaa la sii daynayaa, waxa la xusay laba biriij Dacar budhuq iyo aw barkhadle inay Dubai fund maalgelinayso, waxay is waydiintu tahay 40 km square iyo garoonkii diyaaradaha ma waxaynu ku bedelanay labada biriij.
Ayaan daro ka wayn oo umad ku dhacda ma jirto oo aan ka ahayn Masuuliyiintii umada metelaysay inay noqdaan kuwo dalkooda iyo dadkooda mar walba cidhin u qariya, waxa xaqiiqo ah inaynu maanta u taaganahay maahmaahdii ahayd ( dumar beena waa lagu soo xero geliya, runa waa lagu dhaqa) dhamaan wixii baarlamaan la marinaayey , wixii la sheegaayey ay wada ahaayeen beentii wadankan lagu halaynaayey xaqiiqdiina ay ina hortaalo iminka.
1. DP WORD Mudada labada sanada ah waxay dekedii aynu iska lahayn ee 100% aynu inagu qaadan jiray ayey 65% qaadanaysay iyadoo aan waxba inagu darsan, 
2. Cremada iyo lifterada waxay ka soo iibisay waxeenii markay baahideedii dhan ka dabooshay 
3. Dekeda laynoo dhisi doona meel kale lacagteeda la keeni maayo waa nooca ugu jaban ee briijka la yiraahdo.
4. Barxada la dhisayaa waa tii wajaale ee aynu iska wax u qabso ku dhisnay oo kale 
4. Saldhiga waxaynu ku bedelanay labada biriij oo iyana aan la garanayn tayada la dhisaayo sida ay tahay.
Marka laysku soo wada Duubo arrintani waxay u eg tahay dal galbaday cid u maqan oo ay u muuqato sida aynu u god galayna aanay jirin, Somalidu waxay ku maahmaahdaa carrab haddii la jaro gumudkaa hadhee miyaan qof fekeraa inagu hadhin, mise weligeen waxay dhegaysanaa beenta dr sacad dalkii iyo dadkiiba geysiisay.
Farxaan Cali Xuseen 
Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured