Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?.

0
Thursday February 14, 2019 - 04:19:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?.

    Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?.

Hargeysa (Xogreebnews)-Gudoomiyaha Maxkamada sare  Aadan Xaji Cali Axmed, ayaa Hantida u ku Helay Xilka gudoomiyenimo intii uu hayey, waxa kamid ah Guri-Veilla-fooq ah oo ku yeela duleedka galbeed ee Huteel Mansoor, Kaas oo loo dhisay qaab-ban-gala food ah, isla markaana lagu qiyaasay cadaadka Lacagta ku baxday Boqolaal kun oo Dollar.
Md. Aadan Xaji Cali xilka Gudoomiyenimo ka hor, waxa uu jaggooyin kasoo Qabtay Jaamacada Hargeysa, gaar ahaan Kuuliyada Sharciga, sidoo kale waxa uu la taliye Madaxweyne u magacaabay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, labada xil ee dawliga ah, waxa kaloo uu Gudoomiye uu kasoo noqday Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsof, taasoo gudoomiye Aadan Xaji Cali u noqotay furihii isagga iyo madaxtooyaddu isku barteen.


Xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee mudane Aadan Xaji Cali u hayo waxa loo cumaamaday 2015-kii Xiligii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waqtigaasoo hada laga jooga afar sanaadood.
Haddaba ka sekow u adeegista Sharciga xukuumadaha kala dambeeyey ee Kulmiye, waxa sida fiinta Bulshada qaybaheedu uga qayliyeen habka iyo hanaanka uu garsoorkii dalka ku hagay, Kaasoo dadka qaar ku siffeeyaan inuu u agaasimay qaabkii Hayadaha bulshada rayidka ah, halkaasoo ahayd meeshii uu kusoo indho-dilaacsaday, waxana kamid ah dhaliilaha Garsoorka uu usoo jiiday garsoore Maxkamadeed oo shir-saxaafadeed kaga hadlaya kiis uu garsoorkiisa ka garnaqay, taasoo meelka dhac ku ah xuquuqda muwaadinkii garta waayey ama se weli ay u furan tahay racfaan inuu ka qaato kiiska lagu riday.
Geesta kale, dacwadaha siyaasiga ah ama la xidhiidha muran-sharci oo Siyaasi ah ee u ka garnaqay mudadii xilka hayey Aadan Xaji Cali, waxa kamid ah murankii Xisbiyada Mucaaridka ah iyo wasaarada arrimaha gudaha iyo sidoo kale khilaafka labadii garab ee Ucid. Labadan gal-dacwadeed mida hore waxay kusoo beegantay xilli uu xilka hayey bilo, runtii waxay noqotay arrin markaa aad loogu dhegtaagayey bal dhanka uu iska taagi doono, hase-yeeshee nasiib Wanaag waxa uu qaatay go'aan dhexdhexaad ah, oo runtii aan la odhan karin dhankii Dawlada ayuu u jan-jeedhay, waxanu arinkaasi sababay amaan badan oo bulshada qaybo kamid ahi u jeediyeem goaankii uu ka qaatay Gudoomiye Aadan X. Cali.
Hase-ahaatee waxay talo-dhabaqday Gudoomiye Aadan-na xaalkiisi uu noqday mid lamid ah halku dhigi ahaa ".. Inaan-yahay ku qariyey-qariyey ee Gudo-xun". Markii uu ku fashilmay inuu uga qarnaqo khilaafkii Xisbiga Ucid si Cadaalad ah. Khilaafka Xisbiga Ucid oo bulshadu Ka war-qabtay inuu ahaa mid madaxtooyadii hore  dabada ka riixaysay, isla markaana loogu danaynaayey Madaxweynaha Maanta, cadalaad-daradii Kiiskaa uu kaga garnaqay Aadan Xaji Cali, Wuxuu sidaa ku xaq-waa siiyey Musharrax Jamal Cali Xuseen iyo garabkiisi, oo runtii iyaggu ahaa rajo soo celintii Xisbinimo ee Ucid.
Waxa kaloo Xusid mudan Md. Aadan Xaji Cali inuu ku dhex milmay tartankii Xisbiyada Siyaasadda, isla markaana uu si toosa ula saftay Madaxweynaha hada tallada haya, dhowr jeerna safaro la galay, isagoo ah Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland. Haddaba waa iga su'aalla sideebuu gar Cadaalad ah uga qaadi karaa laba Muwaadin midna safkiisa ahaa midna kasoo horkeeday shalay. La soco. Faaqidaad: Xogreebnews.com  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured