Yaa Ahlu Sunna Ah Q/ 3aad Qore Khadar Ibrahim

0
Wednesday February 13, 2019 - 23:50:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ahlu Sunna Ah Q/ 3aad Qore Khadar Ibrahim

    Qarniga 8-daad, Qarnigan wuxuu la midyahay Qarniyadii ka horreeyey culammada oo dhan waxay haysteen 4-ta madhab iyo Tasawuf-ka . Imaamyaalkii ugu waawaynaa Qarnigan waxaa ka mid ahaa:-Al-xaafid Ibnu Sayidi-naas, Al-Imaam Fakhru-Diin Al-Saylaci, Al-Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarniga 8-daad, Qarnigan wuxuu la midyahay Qarniyadii ka horreeyey culammada oo dhan waxay haysteen 4-ta madhab iyo Tasawuf-ka . Imaamyaalkii ugu waawaynaa Qarnigan waxaa ka mid ahaa:-Al-xaafid Ibnu Sayidi-naas, Al-Imaam Fakhru-Diin Al-Saylaci, Al-Xaafid Qaadii Sacdudiin Al-Xanbali, Al-Xaafid Qudbu-Diin Al-Xanafi, Al-Xaaafidu Subki, Al-Xaafidul-Calaai, Al-Xaafid Qudbu-Diin Al-Xalabi, Al-Imaam Al-Qaraafi, Al-Xaafidu-Saylici, Al-Imaam Ibnu Cadaai-Llaah, Asayid Sharfu-diin Al-Xusayni, Al-XAafidul_Misi, Al-Imaam Inul-Xaaji, Al-Xaafid C/Qaadir Al-Qurashi, Al-Xaafidu-Dahabi , Al-Xaafid Ibnu Kasiir, Al-xaafid Ibnul-Mulaqin, Al-Imaamul-yaafici, Al-Xaafid Cisu-Diin Ibnu Jamaacah, Al-Sayid Al-xaafid Abul-Muxaasin Al-Xusayni, Al-Xaafid calaau-din Muqladaay, Al-Xaafidul-Ciraaqi, Al-Xaafid IBnu Rajab Al-Xanbali, Al-Xaafidul-Haysami, Qarniga 9-aad
Qarniga 8-daad
Qarnigan wuxuu la midyahay Qarniyadii ka horreeyey culammada oo dhan waxay haysteen 4-ta madhab iyo Tasawuf-ka . Imaamyaalkii ugu waawaynaa Qarnigan waxaa ka mid ahaa:-
Al-xaafid Ibnu Sayidi-naas, Al-Imaam Fakhru-Diin Al-Saylaci, Al-Xaafid Qaadii Sacdudiin Al-Xanbali, Al-Xaafid Qudbu-Diin Al-Xanafi, Al-Xaaafidu Subki, Al-Xaafidul-Calaai, Al-Xaafid Qudbu-Diin Al-Xalabi, Al-Imaam Al-Qaraafi, Al-Xaafidu-Saylici, Al-Imaam Ibnu Cadaai-Llaah, Asayid Sharfu-diin Al-Xusayni, Al-XAafidul_Misi, Al-Imaam Inul-Xaaji, Al-Xaafid C/Qaadir Al-Qurashi, Al-Xaafidu-Dahabi , Al-Xaafid Ibnu Kasiir, Al-xaafid Ibnul-Mulaqin, Al-Imaamul-yaafici, Al-Xaafid Cisu-Diin Ibnu Jamaacah, Al-Sayid Al-xaafid Abul-Muxaasin Al-Xusayni, Al-Xaafid calaau-din Muqladaay, Al-Xaafidul-Ciraaqi, Al-Xaafid IBnu Rajab Al-Xanbali, Al-Xaafidul-Haysami,
Qarniga 9-aad
Imaamyaalkii qarnigan ugu waawaynaa waxa ka mid ahaa :-
Al-xaafid al-sayid Taqiyudiin Al-maki, Al-Xaafidul-Jasari, Al- Xaafid Ibnu Xajar Al-csqalaani, Al-Xaafidul-Buusuuri, Al-xaafid waliyu-diin al-ciraaqi, Al-xaafidul-Cayni, Al-xaafid Naasiru-diin al-dimishqi, Al-Imaam Kamaalu-Diin Ibnul-Himaam, Imaam Burhaanu-Diin Al-liqaani, Asayid Al-Imaam Taqiyidiin Al-Xisni, Al-Xaafid Sakatiyul-ansari, Imaam Ibnu Wardi . al-imaamul Al-Ashmuuni, imam ibnu mubarrad Al-Xaafid Al-sayid Ibnu Fahdi Al-Calawi, Xaafidu-Suyuudi, Al-Suldaan Muxammad Al-Faatix, Xaafidu Sakhaawi, Xaafidul-Qasdalaani. Imaam Ibnu Hishaam Al-Naxwi. Imaam Ibnu Cadiyata al-iskandari.
Qarniga 10-aad
Al-Xaafidu Daawuudi ,  Imam ibnu qaadii cajluun , al-imaam Shamsu diinul- qaraafi ,  xaafid ibnu duuluun , alimaam ibraahiim al-dasuuqi , alxaafid al-qalqashandi , Al-Imaam Al-Ramali, Al-Xaafid Ibnu duuluun, Al-Xaafid Xasaamu-diin Al-Hindi, Imaam Ibnu Xajar Al-haytami, Al-Xaafidu-Daybici , Al-Imaam shamsu diin al-xaskafi , Al-Xaafid Caliyul-Qaarii, Al-Imaam Khadiib Al-Sharbiini , al-Imaam sayid kamaalu-diin al-xusayni,  Imaam Shamsu diin ibnu Imaamul-kaamiliyah,  al-imaam shamsu diin samnuudi.
Al-xamdu lillaah , sidaas ayey isusoo dhaxleen culammada ahlu-sunna wal-jamaaca بيننا وبين القوم القوائم
رواه مسلم فى مقدمته
Allaahu akbar ,  Waa kuwaas Imaamyaalkii Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ee kala dhxlay diinta Islaamka, laga soo billaabo waqtigii Rasuulka CSW ilaa qarnigii 10-aad ,  waa kun sano  oo aan nasiib u yeelannay inaan maqaalkan kooban ku qorno imaamyaalkii dhaxlay kuna abtirsanayey Rasuulka CSWS .
فَذَلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمُ الْحَقُّ فَمَاذَا بَعْدَ الْحَقِّ إِلا الضَّلالُ فَأَنَّى تُصْرَفُونَ
wax kasta oo aan xaq ahayn waa badil . lagama yaabo in kooxaha wahaabiyadu ay keenaan wadaadda wahaabiyaha oo sidaas isugu xiran qarni kasta, xataa ma soo qori karaan hal sheekh oo wahaabi ah oo ku sugnaa hal qarni oo ka mid ah qarniyadan , waayo sheekha wahaabiyada ee muxammad Cabdilwahaab gebigiisuba wuxuu soo abxay qarnigii 12-aad ee hijriga .
Taas beddelkeeda waxaad soo ogaateen


1.     In culammada suufiyada iyo madaahibtu ay ku sugnaayeen qarniyadii ugu badnaa ee aan soo sheegnay.

2.     in imaayaalkoodu ahaayeen salafkii Diinta ka qaatay taabiciintii cilmiga ka bartay Asaxaabta Rasuulka CSWS.

3.     In imaamyaalka suufiyada iyo madaahibta ay ka mid ahaayeen caalimiintii ugu waawaynaa  ee weriyey , qoray , sharxay dhammaan kitaabbada diinta Islaamka .

�       waa shekhyadii Tafsiirka Quraanka kariimka .

�       Axaadiista Rasuulka CSWS.

�       Caqiidada diinta .

�       Fiqhiga Islaamka ,

�       Musdalaxa Culuumta Xadiiska ,

�       Usuul Fiqhiga .

�       Culuumta Carabiyada ,

�       Siirada Rasuulka CSW iyo Saxaabada RC .

�       Culuumta Taariikhda .

�       Cilmiga Jarxiga iyo Tacdiil-ka .

�       Adabka Carabiga iyo dhammaan qaybaha culuumta Diinta Islaamka.
من يرد الله به خيرًا يفقهه في الدين، وإنما أنا قاسم والله يعطي، ولم تزل هذه الأمة قائمة على أمر الله لايضرهم من خالفهم حتى يأتي أمر الله

4.     In Culamda Ahlu-Sunna wal-Jamaaca ee haysata afarta Madhab , suufiya ashcariya iyo Maaturiidiya ka mid yihiin Imaamyaalkii Mujaddidiinta ahaa ee noolaynayey Diinta ee Rasuulka CSW uu yiri :
إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مائة سنة من يجدد لها دينه
  Waxaa immyaalka an soo sheegnay ku jira imaamyaalkii jihaadka ee difaacay sharafta muslmiinta, kuwii hantidooda u huray koryelidda kelimada Ilaahay .
Sidaas daraadeed , qofkii qaada waddadaas barakaysan ee ku abtirsata salafka suubban ilaa Rasuulka CSWS waa qof  Raacay ahlu-sunna wal-Jamaacay . sida ku cad kitaabka Ilaahay iyo sunnada Rasuulka CSWS qofkaas wuxuu noqonayaa qof adeecay Rabbi subxaanahu wa tacaalaa  wuxuuna micigooda noqonyaa  Anbiyada Ilaahay iyo Awliyadiisa  ilaahay wuxuu Quraankiisa kariimka ah ku yiri  :

ومن يطع الله والرسول فأولئك مع الذين أنعم الله عليهم من النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا  

xadiis Abuu daauud iyoTirmidi ay ka weriyeen abuu Dardaa RC wuxuu Rasuulka CSWS yiri                                                                                                                                              
ان العلماء ورثة الانبياء, ان الانبياء لم يورثوا ديناراً ولا درهما إنما ورثوا العلم فمن اخذه اخذ بحظ وافر
 culammadu waa dhaxal-kii Anbiyada , lagamana dhaxlin Anbiyada diinaar iyo Dirham, waxaa laga dhaxlay cilmi .
waa ijmaac , laysku raacsanyahay in culammada dhaxashay Anbiyada ay yihiin Imaamyaalka ahlu-sunna wal-jamaaca iyo dadka ku abtirsada , waa kuwa uu sheekhba sheekh ka dhaxlo cilmiga ee qarni kasta ku sugan , sida aan ku soo caddaynay qoraalkan.
Qarniga 1-aaad ee hijriga waxaan ka soo qornay Imaamyaalkii ugu waawaynaa Asaxaabta Rasuulka CSWS iyo Taabiciintii Raacday Asaxaabta RCM. 
Qarnigii 2-aad waxaa kusugan caalimiintii waawaynaa ee cilmiga ka qaatay Taabiciinta oo ay ugu horreeyaan Imaamyaalkii Madaahibta .
Qarnigii 3-aad waxaa dhaxalkii diinta la wareegay Imaamyaal dhammaantood cilmiga ka bartay imaamyaalka madaahibta iyo suufiyada , imaamyaalkoosa ay ka mid yihiin Imaam Bukhaari iyo Imaam muslim .
Qarnigii 4-aad waxaa ku sugan Imaam yaalkii dahxlay cilmigii diinta ee salafka, waxayna dhammaantood isugu jireen dad haysta madaahibta Imaamyaalka , dariiqada suufiyada iyo caqiiddada ahlu-sunna wal-jamaaca ee imaamyaalka u yihiin Abul-Xasan Ashcari iyo  Maaturiidi
Qarnigii 5-aad, 6-aad 7-aad 8-aad , 9-aad 10-aad 10-aad , 11-aad ma jirin hal caalim oo aan haysan madaahibta, caqiiddada iyo dariiqada aan soo sheegnay.
 Qarnigii 12-aad ayaa waxaa yimi sheekha wahaabiyada Maxammed C/Wahaab oo khilaaafay dariiqii muslimiinta ku sugnaayeen 1200  kun-ka iyo labada boqol ee sano , wuxuuna muslimiintii Ahlu-sunna wal-jamaaca ee haysatay afarta madhab ku sheegay dad gaalo ah, dhiiggooda ayuu xalaalaystay wuxuuna ku qaaday duullaan u ku sheegaay jihaad !!!
haddaba siday ahlu sunna u sheegan karaan wahaabiyada oo gadaal ka timi isla martkaana khilaaftay dariiqii ahlu-sunna ay soo ahysatay kunka sano iyo dheeraadka iyadoo la ogyahay in Rasduulka CSW uu xadiis saxiix ah ku yiri :
اياكم ومحدثات الأمور، فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة
Imaamyaalka Islaamka ee aan soo sheegnay ilaa waqtigii asaxaabta waxay Isku raacsanyihiin in ay bidca yihiin kooxdii khilaafta dariiqa ay ku abtirsadaan Imaamyaalka aan soo sheegnay ee ahlu  Sunna wal-Jamaaca, maxaad u malaynaysaan kooxdii samaysa waxa ay sameeyeen wahaabiyada oo gaala ku sheegta ama bidca ku sheegta madaaahibtaas ay soo kala dhaxleen Imaamyaalka aan soo sheegnay ee ahlu-sunna Wal-jamaaca.
waxaa su aal noqon karta Caddayn ma loo hayaa in wahaabiyadu gaalo ku sheegtay madaahibtii iyo dariiqadii salafu-Saalixa ee aan soo sheegnay???
Jawaabtu waa haa Alfa marra , kun goor ayaa jawaab loo hayaa .
 Maxamed C/wahaab wuxuu iftooday, in fiqhigu gaalnima yahay, wuxuu yiri Ilaahay ayaa fiqhiga ku magacaabay Shirki!!!, Ka fiiri Durarka, juska 2aad bogga 59aad. Hadalkan riddada iyo diin ka baxa ah, ee uu ku hadlay Maxamed C/wahaab, waxaa kitaabbada wahaabiyada ee qoraya ka mid ah: 'Al-Risaailu shakhsiyah', oo uu qoray isla Maxamed C/wahaab iyo 'Taariikhu Najdi'.
Waxay qoreen wahaabiyadu in ay gaalo yihiin, dadka haysta afarta Madhab. Ka fiiri: 'Taxkiimu-naadir', Axmad Saalax iyo Bin Baaz, bogga 154, 'Xayaatul quluub' bogga 55, Sitatul Usuulil Cadiimah, bogga 2aad, asalkiisa lixaad, iyo kuwa kale oo aad u badan. 

Wahaabigaa la yiraaMacsuumii Al-khajandi kitaabkiisa uu magaca uga dhigay:

هل المسلم ملزم باتباع مذهب معين من المذاهب الأربعة ؟

Wuxuu ku qoray bogga 73 in dadka haysta madhab ka mid ah afarta ka mid ah ay yihiin gaalo la dilayo oo surka laga goynayo haddii ay ka tawbad keeni waayaan haysashada madaahibta!!!.
Bogga 65 wuxuu ku sheegay in dadka haysta afarta madhab ay yihiin gaalo qabrigana lagu suaalayo maxaad u raacday madhab hebel!!.bgga 55 wuxuu ku shegay in dadka  haysta madaahibta ay la mid yihiin yahuuddii iyo kirishtaamiintii ku kala tegey diinta!. Bogagga uu gaalada ku sheegay dadka haysta madaahibta iyo imaamyaalkooda waxaa ka mid ah bogagga 98, 111,120,
waxaa kale oo uu maxamed cabdil wahaab gaalaysiinta madaahibta ku qoray kitaabkiisa Sitatul Usuulil Cadiimah, bogga 2aad, asalkiisa lixaad. Waxaana la ogayahay in xaqnimada afarta Madhab, ay ku midaysan yihiin dhammaan muslimiinta ahlul xaqa ah ee 'Ahlu sunna wal-jamaacah sidii aan ku soo ogaannay qoralka, Waxay Wahaabiyadu Iftoodeen in ay gaalo yihiin Ashcariyada iyo Maaturiiddiyadu, ka fiiri Durarka 10/430, 1/364, 362, 324, 320, 312, waxaana la ogyahay in Ashcariya iyo Maaturiidiya ay yihiin, imaamyaalka ugu faraha badan ee culammada: Tafsiirka, Xufaadda Axaadiista, Imaamyaalka fiqhiga, usuusha iyo dhammaan Culuumta diinta Islaamka.
Maxamed C/wahaab wuxuu iftooday, in muslimiinta intooda badan, ay gaalo yihiin, gaalnimadooduna ay ka weyntahay, gaalnimada mushrikiintii qureesh - oo ay ka mid ahaayeen: Abuu Jahal iyo Abuu Lahab 1/120, fiiri kitaabkooda Durark a juska 1aad bogga 160.
Maxamed C/Wahaab isagoo arrintaas ka anba qaadaya wuxuu iftooday, in sheekhyadiisii ay gaala ahaayeen, oo aanay fahmin macnaha 'laailaaha illallaah' iyo macnaha Islaamka!!!, uuna beenlaw yahay qofkii tawxiid sheegta isaga hortiis!!!. Wuxuu sheegay in arrintaa - waa fahamka tawxiidka ee aan looga horeyne - ay tahay, khayr Ilaahay si gaara u siiyey isaga.!!!! Fiiri kitaabka 'Al-Rasaailu shakhsiyah' oo uu qoray maxamed C/wahaab bogga 187, iyo 'taarriikhu najdi' oo uu qoray Ibnu Gannaam, juska 2-aad, bogga 137 - 138.
Arrintaas kuma eka maxamed cabdil-wahaab waxay noqatay caqiiddada rasmiga ah ee bidcada wahaabiyada , tusaale waxaa noogu filan kitaabkooda Fatxul-Majiid iyo xawaashidiisa ee uu tacliiqa u sameeyey Cabdil-casiis Bin Baas , kitaabkaas Wax ka badan (50) konton bog ayey ku qureen in musliminta intooda badan ay gaalo yihiin.

 taas waxay kuu caddaynaysaa in wahaabiyadu yihiin Khawaarij Takfiir ah , weliba ay yihiin ( Qullaatul-Khawaarij  ) oo ah kuwa ugu caqiiddada liita Khawaarijta uguna gaalaysiinta badan.
xaqiiqooyinkaas waxay noo caddaynayaan in wahaabiyadu tahay  Bidco dhunsan ,   oo khilaaftay dariiqii Islaamka ee ay mareen imaamyaalkii faraha bdnaa eek u abtirsanayey Rasuulka CSWS. Imaamyaalkii weriyey qoray dhamaan culuumta diinta Islaamka ,  ee hoggaaminayey qarni kasta hoggaamina doona Ilaa iyo inta uu qiyaamuhu ka soo dhowaanayo sida uu rasuulku ku caddeeyey xadiiska saxiixa ah oo ay wada weriyeen Bukhaari iyo Muslim

لايزال طائفة من أمتى ظاهرين حتى ياتيهم أمرالله وهم ظاهرون " رواه البخاري ومسلم

 mar kasta jamaaca ka mid ah ummaddeyda waxay ahaanayaan kuwa ku adkaada xaqa inta uu amarka Ilaahay ka imaanayo iyagoo guulaysan.
 Sida ay isku raacsanyihiin Imaamyaalka diinta Islaamku daifadan uu Rasuulku sheegay waxaa hoggaamiya Imaamyaalka aan ku soo ogaannay qoraalka ee ay ugu horreeyaan Salafka qofkii khilaafana wuxuu mutaysanayaa cadaabka Rabbi SWT, sida Ilaahay uu ku caddeeyey aayadda115 ee suuradda Al-Nisaa.
Inta ka dhimman jawaabta qoraalkii ay faafiyeen wahaabiyada ee ay isku dayayeen inay isu ekaysiiyaan dad Ahlu-Sunna ah waxaan ku soo gudbin doonnaa qaybaha danbe ee qoraalka balase waxaan ku so qatimayaa suaalaha ah:
1-    Waxaan soo sheegnay salafu-saalixa aha ee isugu jirey Suufiyada , madaahibta afarta ah iyo Imaamyaalkii Ashcariyada iyo Maaturiidiyada ,  noo sheega hal wahaabi oo joogey waqtigii salfu saalixa ?

2-    Waxaan soo ogaannay abtiriska tixan ee gala Rasuulka CSWS ee 4-ta Madhab , suufiyada iyo ashcariyada , noo sheega abtiris wahaabiyo ee ilaa iyo Rasuulka CSWS . iska daaya taase xataa sheega hal abtiris oo gala imaaam ku sugan Qarnigii 10-aad.

3-    Sida rasuulka CSWS uu Caddeeyey Ahlu-sunna waxaa la yiraahdaa dadka  qarni ksta ugu badan muslimiinta, culammadoodu aanay kala goin ilaa qiyaamaha , noo sheega wahaabiyada  soo joogtay qarniyadaas faraha badan xataa shan qarni noo sheega .

4-    Imaamyaalka Suufiyada , imaamyaalka Afarta madhab, Imaamyaalka Ashcariya iyo Maatiriidiya waxay weriyeen kutubta ugu waawayn Islamka sida Saxiixul-Bukhaari , Saxiixul-Muslim iyo Tafsiiru Dabari , noo sheega hal kitaab oo xataa hal ama laba bog ah oo ay weriyeen sheekhyada wahaabiyadu.

Waxaan hubaa in suaalahan aanay si sax uga soo jawaabi Karin , haddii ay jawaab been ah ka bixiyaanna waxay la kulmi doonaan jawaab sax ah oo aad u faahfaahsan daliilkeedana wadata  .

qore khadar ibrahim

khadar338@hotmail.com

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured