Qaadashada Kaadhadhka Lagaga Qaybgelayo Shirka Lixaad ee Golaha Ee Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabantay

0
Sunday February 10, 2019 - 18:24:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaadashada Kaadhadhka Lagaga Qaybgelayo Shirka Lixaad ee Golaha Ee Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabantay

    Qaadashada Kaadhadhka Lagaga Qaybgelayo Shirka Lixaad ee Golaha Ee Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabantay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaadashada Kaadhadhka Lagaga Qaybgelayo Shirka Lixaad ee Golaha Ee Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabantay
Hargeysa: (Xogreebnews– Qaadashada kaadhadhka lagu gelayo shirka lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Hawsha qaybinta kaadhadhka ay xubnaha golaha dhexe ee xisbigu kaga qaybgelayaan shirka lixaad ee golaha dhexe oo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka qorshaysan 23/02/2019, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabantay, waxana kaadhadhkooda qaatay hormadii ugu horraysay ee golaha dhexe.
Hoggaanka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo  gacanta ku haya qaybinta kaadhadhka, ayaa xubnaha golaha dhexe uga mahadnaqay  sida ay isaga xilsaareen helitaanka kaadhadhka ay kaga qaybgelayaan shirka golaha dhexe ee xisbiga, waxana ay  hawsha qaybinta kaadhadhku socon doontaa in ka badan Toban maalmood.
Guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ahna ku sii hayaha guddoomiyaha golaha dhexe, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa shaaciyey inay qaybinta kaadhadhku si rasmi ah u bilaabantay, isaga oo xubnaha golaha dhexe ee xisbigana baaq u diray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Maanta xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE waxa ka bilaabantay hawshii kaadh qaybinta, hawshanina waxa ay socon doontaa ilaa bishan 19-keeda, dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbigana waxa loo sheegayaa inay hawshaasi socoto.”
Xubnaha golaha dhexe ee kaadhadhka qaatay oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa   u diyaar garoobaya ka qaybgalka shirka Lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo 23/02/2019-ka loo asteeyey inuu magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka qabsoomo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured