Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo ?

0
Thursday June 13, 2013 - 19:31:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo ?

    warbaahinta somaliland qaarkeed ayaa todobaadadii la soo dhaafay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

warbaahinta somaliland qaarkeed ayaa todobaadadii la soo dhaafay

warbaahinta somaliland qaarkeed ayaa todobaadadii la soo dhaafay waxay qorayeen in xaalada caafimaad ee madaxweyne siilaanyo ay liidato,iyada oo la sheegay in uusan madaxweynuhu wax war ah ka hayn waxa ka socda dalka ,iyada oo sabab looga dhigay ka dib markii la is bar bar dhigay hogaamiyaashii soomaalida oo tiraba dhawr hoogamiye warbaahinta laga sheegay inay dhinteen hogaamiyaashaasina waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee madaxweyne Cigaal oo mudo yar ka hor intii uusan dhiman warbaahinta laga sheegay in uu geeriyooday balse cigaal wuxuu ka hadlay idaacada BBC-da waxana uu beeniyey in uu dhintay, sidoo kale madaxweynii hore ee somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isaga oo cusbitaal ku jira nayroobi ah ayay warbaahintu sheegtay in uu dhintay,balse C/laahi yuusuf wuxuu ka hadlay warbaahinta xitaa isaga oo sliish ku mudan yahay, sidoo kale hoogamiye Maxamed Faarax Caydiid ayaa isaga oo dhaawac ah warbaahintu sheegtay in lagu dilay dagaalkii dhex maray isaga iyo Cali Maxamed basle Maxamed Faarax Caydiid wuu beeniyey inkasta oo uu maalin dhab keed sii noolaa.

hadaba faraqa u dhaxeeya hogaamiyaashaasi soomalida iyo madaxweyne siilaanyo marka laag hadlayo caafimaadka madaxweyne siilaanyo waxaa u dhaxeeya inkasta oo ay hogaamiyaashaasi ay xaanuusanayeen hadana dhinaca maskaxda ayay ka bad qabeen ,halka la odhan karo madaxweyne siilaanyo isaga waxaa ka guurtay garashadii oo xitaa ma oga waxa dalka ka socda.

taasi waxaa daliil u ah ilaa dhawr jeer oo la weydiiyay su’aalo ku saabsan xaalada dalka oo uu garan waayay

Qalinkii:Jaamac Nuur Saleebaan

Email:mn12@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured