"Mashruuca Dhismaha Dekedda Berbera waxa uu dhamaanaya 2020-ka, bisha 8-aad. Nin kastaaba ha iska hadlo Danaha Shaqsiga ah ee lagu shaqayn jiray waynu dhaafnay, waxa la gaadhay Xilligii aynu Gacmaha is qabsan lahayn, oo Danta guud laga wada-shaqeeyo. Waayo?. Waxa Umusha u roonbaa Ilmaha u roon". Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

0
Thursday February 07, 2019 - 18:30:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mashruuca Dhismaha Dekedda Berbera waxa uu dhamaanaya 2020-ka, bisha 8-aad. Nin kastaaba ha iska hadlo Danaha Shaqsiga ah ee lagu shaqayn jiray waynu dhaafnay, waxa la gaadhay Xilligii aynu Gacmaha is qabsan lahayn, oo Danta guud laga wada-shaqeeyo. Waayo?. Waxa Umusha u roonbaa Ilmaha u roon". Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

    "Mashruuca Dhismaha Dekedda Berbera waxa uu dhamaanaya 2020-ka, bisha 8-aad. Nin kastaaba ha iska hadlo Danaha Shaqsiga ah ee lagu shaqayn jiray waynu dhaafnay, waxa la gaadhay Xilligii aynu Gacmaha is qabsan lahayn, oo Danta guud laga wada-shaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mashruuca Dhismaha Dekedda Berbera waxa uu dhamaanaya 2020-ka, bisha 8-aad. Nin kastaaba ha iska hadlo Danaha Shaqsiga ah ee lagu shaqayn jiray waynu dhaafnay, waxa la gaadhay Xilligii aynu Gacmaha is qabsan lahayn, oo Danta guud laga wada-shaqeeyo. Waayo?. Waxa Umusha u roonbaa Ilmaha u roon". Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Hargeysa(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay Warar been abuur ah oo lagu dacaayadeynaayo mashruuca dhismaha Dekedda Berbera. Sidoo kale, waxa uu Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi, sheegay inuu bilaabmay dhismaha Dekedda cusub ee Berbera. 
Maareeyaha oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi, "waxaan halkan ka caddeynayaa in mashruuca dhismaha Dekedda Berbera wuu dhamaanaya 2020-ka, bisha 8-aad. Nin kastaaba ha iska hadlo danaha shaqsiga ah ee lagu shaqayn jiray waynu dhaafnay, waxa la gaadhay xilligii aynu gacmaha is qabsan lahayn, oo danta guud laga wada-shaqeeyo. Waayo?. Waxa Umusha u roonbaa Ilmaha u roon. Sidaas daraadeed waxan mar kale halkan ka caddeynayaa inuu socdo mashruuci dhismaha Dekedda 400m ah, ama ha La yidhaahdo Cagafbaa la keenay ama hala-yidhaahdo Iska Roggaa la keenay, shaqadaasi waxay bilaabantay 11-aad ee aynu soo dhaafnay, waxaad ka tirsanaysaan 2020-ka inuu dhamaado. Annagga waxa na saaran masuuliyad dheerada inay hirgashaa annagana sharafbay noo tahay qarankana sharafbay u tahay, runtii nin nooga xog-ogaalsan ma jirto".
Sidoo kale, waxa uu faahfaahiyey Maareeyuhu, qaar Kamid ah shaqaalaha  Dekedda Berbera oo lagu soo tabobaraayo Dalka Dibadiisa, waxanu yidhi. "Shaqaalaaheena Dekedda waa in la tayeeya, sidaas daraadeed annaga maamulkayagan Dekeddu wuxuu ku dedaalaya in tabobaaro caalamiya ay helaan shaqaaheenu. Waxana bishan soo socota la kaxaynaaya 18 shaqaalaha Kamid ah, kuwasoo lasoo bari doono sida loo kaxeeyo Mobel Karamiska". Waxa kaloo uu intaa raaciyey Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi in basboorka Somaliland lagu dhoofiyo shaqaalaha kuwa Imaaraadka la geynayo, hase-yeeshe dalalka kale la geynaayo shaqaalaha qaarkood aanay aqoonsanayn basboorkeena, sidaas daraadeedna basbooro dalal kale ay ku dhoofayaan waxanu yidhi,  "dadka qaarba yidhaahda basboor Somalibaa shaqaalaha tabobarka la leeyahay doonta, kuwas waxaan u sheegaya hortaa Lama aqoonsanaa basboorkeena, lakiin Dp World waxay hirgelisay basboorkeena Somaliland in lagu tago Imaaraadka Carabta, waxanan halkan ka cadeynayaa in shaqaalaha Dekedda Berbera ku tagayaan Imaaraadka Basboorkeena Somaliland oo ay safaaradeenu soo saarayso, lakin Musanbik iyo South Africa dee inama aqoonsanaa, insha allana way ina aqoonsan doonan, markaa wixii lagu tagi jiraybaa lagu tagayaa ama Itoobiyan halu tago ama Jabuuti ama Somali".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured