Xeer-ilaalinta Somaliland Oo Ka Biyo-Diidday Eedda Booliska Ee Abees

0
Tuesday February 05, 2019 - 18:39:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer-ilaalinta Somaliland Oo Ka Biyo-Diidday Eedda Booliska Ee Abees

    Xeer-ilaalinta Somaliland Oo Ka Biyo-Diidday Eedda Booliska Ee Abees

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer-ilaalinta Somaliland Oo Ka Biyo-Diidday Eedda Booliska Ee Abees
Hargeysa (Xogreebnews)-Xafiiska Xeerilaalinta ayaa booliska ku celiyay gun-gaadhkii ay boolisku ka soo gudbiyeen kiiska Abwaan Cabdiraxmaan Abees.. Kaas oo ay boolisku keeneen 27kii Jan 2019. Waxaanay Xeerilaalintu sheegeen in aanay baadhista booliska ku jirin, wax eed noqon kara oo maxkamadda lagu hor geeyo Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Muddo 24 cisho ayuu abwaanku xidhan yahay, illaa haddana waxa hafarkiisa kolba wax soo qorqoraya laanta dembi-baadhista ee C.I.D. Waxaase gaashaanka u daruuray xeer-ilaalinta oo masuul ka ah dacwad-oogista.
Waxa muuqata in boolisku ku fashilmay wanjalkii ay dhoodhoobayeen. Illaa hadda lama garanayo xilliga rasmiga ah ee boolisku soo gudbinayo. Boolisku waxa ay rabaan in ay iska haystaan nin ay kiis malluuqan huwinayaan. Waxa la gudboon in ay xorriyaddiisa u soo celiyaan ama keenaan wax maangal ah oo ay dhegaysan karaan xeer-ilaalinta, maxkamadda iyo ummadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured