"Maamulka Muuse Biixi kama badbaadin musuq, eex iyo qaraabokiilkii maamulladii hore, gaar ahaan kii Kulmiye ee uu dhaxlay oo dalka gaadhsiiyey meel aad u foolxun oo ku sinnayd 'qaateye qaado.. Maxamed Xaashi Cilmi dhawr bilood ayuu ku daboolay deyntii ay ka dhaxleen maamulkii Daahir Riyaale oo $50 milyan ahayd". Qoraa Abwaan Maxamed Bashe Xaaji Xasan.

0
Tuesday February 05, 2019 - 02:51:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maamulka Muuse Biixi kama badbaadin musuq, eex iyo qaraabokiilkii maamulladii hore, gaar ahaan kii Kulmiye ee uu dhaxlay oo dalka gaadhsiiyey meel aad u foolxun oo ku sinnayd 'qaateye qaado.. Maxamed Xaashi Cilmi dhawr bilood ayuu ku daboolay deyntii ay ka dhaxleen maamulkii Daahir Riyaale oo $50 milyan ahayd". Qoraa Abwaan Maxamed Bashe Xaaji Xasan.

    "Maamulka Muuse Biixi kama badbaadin musuq, eex iyo qaraabokiilkii maamulladii hore, gaar ahaan kii Kulmiye ee uu dhaxlay oo dalka gaadhsiiyey meel aad u foolxun oo ku sinnayd 'qaateye qaado.. Maxamed Xaashi Cilmi dhawr bilood ayuu ku daboo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maamulka Muuse Biixi kama badbaadin musuq, eex iyo qaraabokiilkii maamulladii hore, gaar ahaan kii Kulmiye ee uu dhaxlay oo dalka gaadhsiiyey meel aad u foolxun oo ku sinnayd 'qaateye qaado.. Maxamed Xaashi Cilmi dhawr bilood ayuu ku daboolay deyntii ay ka dhaxleen maamulkii Daahir Riyaale oo $50 milyan ahayd". Qoraa Abwaan Maxamed Bashe Xaaji Xasan.
"$80 milyan oo deyn ah ayay xukuumadda Somaliland kala wareegtey xukuumaddii ka horraysey ee Axmed Siilaanyo", waxa sidaas yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah guddoomiyaha guddida wakiillada u qaabilsan ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka".
Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray in deyntaasi xukuumadda culays ku hayso, iyada horena loo sheegay in aanay labada maamul wax deyn ah la kala wareegin.
Wasiirka maaliyadda ee maamulka Muuse Biixi Cabdi, Dr Sacad Cali Shire, oo guddidaas warbixin siinayeyna ma carrabaabin wax qaddar dayneed ah oo uu taliskiisu kala wareegey maamulkii hore ee uu isna wasiirka ka ahaa, hase yeeshee waxa uu ku afgobaadsadey in aanay jirin xukuumad aan deyn gelini.
Wasiirkii hore ee maaliyadda ee maamulkii Axmed Siilaanyo, marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa gaashaanka u daruurtay eedaymaha ka soo yeedhay guddidaas, sheegtayna in aanay wax macquul ahayn ee in deyn xaddigaas le'eg lagu lahaa maamulkii ay maaliyadda u haysey.
Ma jirin bay tidhi wax deyn ah oo lagu wareejiyey xukuumadda cusub marka laga reebo dhawr milyan oo raashinka ciidamada iwm ahaa mooyaane.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay Dr Sacad la xidhiidhay, uuna u sheegay in aanu isagu xaddigaas lacageed carrabaabin!
Su'aasha la is weydiin karaa waa "maxaa xilligan ku soo beegay eedaymahan oo haddii ay jiraan loo huursanayey ee ummada loogu sheegi waayey?!"
Maanta waa ninka sheegay ma dhaafto oo waa in bulshada loogu caddeeyaa arrintaas si daahfuran oo banyaal ah, oo farta laga saaraa cidda mas'uuliyaddaas leh oo lagala xisaabtamaa, mise markii horeba waxa uu xaalku ahaa "faro aan daahir ahayni waxba ma daahiriyaan" oo waa la isku xil garasanayey?
Shalay waxa la inoo sheegay in ka badan 40% shacabka Somaliland gurmad degdeg ah u baahan yihiin oo cunto la'aan, biyo la'aan iyo baad la'aani gabagabaynayaan daraf illaa darafka kale.
Waxa waddanka ka jirta dhaqaale burbur iyo busaarad shin dhaaftay, shaqo la'aan iyo rejo xumaan. Waxa intaas soo raacda maamul xumo baahsan.
Iyada oo waxaasi jiraan ayuu Muuse Biixi dhisayaa madaxtooyo ku kacaysa malaayiin dollar.
Fashil maamul ayaa saansaankiisu muuqdaa. Waxa socda ololeyaal ma dhalays ah oo aad mooddo in fashilkaas lagu qarinayo.
Golaha wasiirradu waxa uu kulamadiisii toddobaadlaha ahaa ee ugu dambeeyey kaga hadlay, sida warar looga qaateen ahi tibaaxeen, in xukuumadda lagaga adkaaday baraha bulshadu ku wada xidhiidho. 
Guddi iyo dhaqaale ay ku hawl gasho ayaa loo saaray in ay dad abaabulaan xukuumadda ka difaaca social media-yaha dhalliilaha ka socda ee xukuumadda loo soo bandhigayo.
Cadow ayaa ina soo weeraraya ayaa hub looga dhigay dhallinyaro badan oo siyaalo kala duwan u abaabulan. Qaar fursado shaqeed ayaa la siiyey, qaar dhaqaalaa loo qoray,  qaarna qabyaalad iyo cunfi ayaa lagu mudhey oo waa iraab sun ah ayaa ka la dhacay.
Maamulka Muuse Biixi kama badbaadin musuq, eex iyo qaraabokiilkii maamulladii hore, gaar ahaan kii Kulmiye ee uu dhaxlay oo dalka gaadhsiiyey meel aad u foolxun oo ku sinnayd 'qaateye qaado'.
Somaliland talo lagu badbaadiyo ayay u baahan tahay ee uma baahna qorsheyaal qiiq isku qarin ah markii hoggaamintii qaranka lagu fashilmay.
Caddeeya deyntaas xoogga leh ee ummadda aad leedihiin waa ay ka maqan tahay ee sannadka iyo labada bilood idiin huursanayd haddii ay jirto!
Maxamed Xaashi Cilmi dhawr bilood ayuu ku daboolay deyntii ay ka dhaxleen maamulkii Daahir Riyaale oo $50 milyan ahayd. Ragannimo. 
Maxaa keenay ciirciirka haddii aad kolkii hore u badheedheen in aad deyn intaas le'eg tuurta u ridataan, haddii se ay idinka dhab tahay maxaad ula ciirciiraysaan oo aad mudnaan u siin weydeen oo ula tacaali weydeen?
Meeday kiradii saldhigga Berbera ee ciidamadu oo bishii lagu tilmaamay in ay $5 milyan tahay oo gacanta talusja Muuse soo gaadho?! Xaggee kiradaasi qabataa illayn miisaaniyadda laguma darin, qasnadda guudna ma soo gasho'e?
Nin hagoog xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa. 
Dr Sacadow labada maamulba waxa aad u ahayd wasiir madaxtooyada ku dhow ee "haa iyo maya" isku mar ah oo isku arrin qudha ah cidi kaagama fadhido ee "fadlan, bulshada qanci!"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured