Dagaal Wajiiyo Badan oo ka dhex qarxay Madaxweyne Biixi iyo Abwaanada... Abwaan Laabsalax oo u Du'say Madaxtooyadda × Abwaan Weedhsame iyo Xoghayaha Madaxweynaha oo Weedho Kakan is waydaarsaday...?.

0
Monday February 04, 2019 - 00:21:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Wajiiyo Badan oo ka dhex qarxay Madaxweyne Biixi iyo Abwaanada... Abwaan Laabsalax oo u Du'say Madaxtooyadda × Abwaan Weedhsame iyo Xoghayaha Madaxweynaha oo Weedho Kakan is waydaarsaday...?.

    Dagaal Wajiiyo Badan oo ka dhex qarxay Madaxweyne Biixi iyo Abwaanada... Abwaan Laabsalax oo u Du'say Madaxtooyadda × Abwaan Weedhsame iyo Xoghayaha Madaxweynaha oo Weedho Kakan is waydaarsaday...?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Wajiiyo Badan oo ka dhex qarxay Madaxweyne Biixi iyo Abwaanada... Abwaan Laabsalax oo u Du'say Madaxtooyadda × Abwaan Weedhsame iyo Xoghayaha Madaxweynaha oo Weedho Kakan is waydaarsaday...?.
Hargeysa (Xogreebnews)-Todobaadyadii u dambeeyey ama Maalinka-maalin, waxa isa-soo taraayey Dagaal Wajiyo badan oo ka dhex socday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Hal abuurka ama bahda sugaanleyda Somaliland,  kuwasoo ka dhacay Madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha, iyo sidoo kale xafiiska Xoghayaha Madaxweynaha.
Xogo rasmiya oo ay shabakada wararka Xogreebnews heshay, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi xafiiskiisa uu ku qaabiley Abwaan Xasan Saleebaan dhuxul (Laabsaalax) kaddib marki khilaaf dhinaca afka ahi soo kala dhexgalay ciidamada Booliska iyo Abwaan Laabsaalax, sidaas darteedna Xukuumaddu baqo ka qabtay in Abwaan ku Suugaan ku cabiro hab-dhaqanka Xukuumaddu Kula kacday  kooxda xidiggaha, waxana xogguhu tibaaxeen in Madaxweyne Muuse Biixi kulanka isagga iyo abwaanka intiisa badan uu ku tusaaleeyey guushii Xisbiga Kulmiye ee doorashadii madaxtooyada, waxanu xasuusiyey Madaxweyne Muuse Biixi Abwaan laabsaalax inuu tacabweyn ku lahaa guushiisi, sida awgeed anu la jànqaadin hal-abuuro kale oo la safnaa Xisbiga Waddani.
Geeska kale, Oloolaha Xukuumadda ee daminta xiisada Madaxweynaha iyo hal-abuurka waxa uu ahaa mid aan sahlanayn sidii lagu damin lahaa, wallow madaxtooyaddu isku dayday dedaalo badan oo la xidhiidha arrinkaa, kuwasoo oo aynu ka xusi karno, Abwaanka kale oo madaxtooyada looga  Yeedhay Abwaan Weedhsame, inkastoo kulankaasi aan u midho-Dhal noqon sida kii ka horeeyey ee laabsaalax, kaddib sababo sarsamo oo dhinaca afka ah oo dhexmaray abwaanka iyo Xoghayaha Madaxweynaha ka hor intii aan la gaadhin xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi,  isla markaana uu sidaa ku baaqday kulankii xaga sare ka dhici laha.
Docda kale Oloolaha abwaanada lagu qaboojinayey waxa ka farobaxay oo badheedhihiisa si xor ah u dhiibtay Abwaan Cabdilahi Xasan ganey, oo isaggu maanso ka tiriyey xadhiga Abwaan Abees iyo hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxana arrimahan iyo dhaqdhaqaaqyadani tusaale u yihiin cabudhinta iyo cargo juglaynta Xukuumaddu ku hayso xoriyatul-qalabka.
Inkastoo ay jiraan warar aan c adeyn oo warbaahinta heshay, kuwasoo sheegaya Madaxweyne Muuse Biixi inuu diiday booqasho loo soo jeediyey inuu kusoo eego Abwaan  Hadraawi oo xaalad Caafimad loo keenay Hargeysa, hadana hadii arinkaasi yahay mid jira waxa ku noqon doonaa Madaxweyne Muuse Biixi fadeexad aan ka hadhin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured